Caqabada Doorashada 2020-ka oo Lagu Tilmaamay Wasiirada iyo Xildhibaanada Soo Laabtay{Dhageyso}:-

0
Saturday November 26, 2016 - 11:14:23 in Wararka by
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqabada Doorashada 2020-ka oo Lagu Tilmaamay Wasiirada iyo Xildhibaanada Soo Laabtay{Dhageyso}:-

    Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleeedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo wareysi siiyay idaacadda simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay In dib usoo laabashada Xildhibaanada iyo Wasiirada in ay caqabad ku noqon doonaan doorashada qof iyo codka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleeedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo wareysi siiyay idaacadda simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay In dib usoo laabashada Xildhibaanada iyo Wasiirada in ay caqabad ku noqon doonaan doorashada qof iyo codka ah ee la filayo sanadka 2020-ka.

Mudane Maxamed Axmed Caalin ayaa tilmaamay In waqtigaan loo baahnaa in xildhibaanada iyo wasiirada dowladda Cusub ee Soomaliya laga dhigo shaqsiyaad ku cusub siyaadda Soomaliya balse ay dib usoo laabteen siyaasiyiin ku gaamuray siyaasadda Soomaliya.

"Baarlamaanka Hadda waqtigiisa uu dhamaaday dadaalkii laga rabay iyo wixii laga rabay ma uusan qabanin oo ahaa in la gaaro doorasho 1-qof iyo 1-cod sanadka 2020-ka, hadii ay soo laabteen kuwii hore ee xildhibaanada ahaa haddana waa jug jug meeshaada joog”, ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa tilmaamay in caqabad uu dalka ku noqon doono waxa la yiraahdo aqalka sare ee haatan la doortay xubnihii.

madaxweynihii-hore-ee-galmudug-caalin-xildhibaanada-dib-usoo-laabtay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip