Galmudug oo sheegtay in ay taageerayso shacabka shabaab dagaalka kula jira{DHAGEYSO}:-

0
Saturday November 26, 2016 - 11:11:43 in Wararka by
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo sheegtay in ay taageerayso shacabka shabaab dagaalka kula jira{DHAGEYSO}:-

    Maamulka Galmudug oo kamid ah maamul goboleedyada ka jira gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabkood ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan Nabad gelyada Degaanada maamulka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug oo kamid ah maamul goboleedyada ka jira gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabkood ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan Nabad gelyada Degaanada maamulka Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka degaanada maamulka Galmudug ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkaste oo kusoo duusha.

Madaxweynaha Ku xigeenka ayaa ka hadlay dagaal dhawaan ka dhacay degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ,kasoo dhexmaray dadka degaanka iyo sidoo kale Xarakada Al-Shabaab , dagaalkaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in ay taageeri doonaan dadka shacabka ah ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaal culus uu dadka degaanka iyo Al-Shabaab uu ku dhexmaray degaano hoos yimada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Audio Player





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip