Masar oo Sii Deysay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalkaasi
Dowladda masar ayaa sii deysay tiro muwaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaa oo lagu heystay isku dayo tahriib waxa ayna Dowladda masar sheegtay in dadkaasi lagu waayey dambiyadii loo qabtay.
Xukuumadda qaahira ayaa shaacisay in dadka ay gacanta ku dhigeen ay sii daayeen inkastoo ay sheegtay in jiraan dad wali ku jira xabsiyada dalkaasi oo baaritaano ay ku socdaan.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegeysa in ay suura gal tahay in badi dadkaasi dib loogu soo celsho dalkooda hooyo maadaama Dowladda masaarida ay mudooyinkaani ay masaafurineysay dadka aanan heysan sharcida dalkaasi.
Mas’uul u hadlay wasaaradda arimaha gudaha Masaarida ayaa sheegay in haatan uu xirmay howlihii tahriibka ee dalkaasi maadaama xili qaboow la galay.
Tobaneeyo Soomaaliyeed oo lagu heystay in ay doonayeen in ay ka tahriibaan dalkaasi waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka dalkaasi.
Xabsiyada Masar waxaa wali ku xiran muwaadiyiin Soomaaliyeed kuwaa oo loo heysto in ay doonayeen in ay ka tahriibaan dalkaasi.