Kursigan oo maalmaha soo socda lagu tartami doono ayaa la mid noqonaya sida kursigii uu todobaad ka hor ay ku tartameen Agaasime Kuxigeenkii Madaxtooyada Saadaq C/kariin iyo Eng. C/llaahi Cali Xasan.
Hase ahaatee Kursigan ayaala sheegayaa inuu kaga duwanaan doono tartankii kuraastii hore oo badankood lagu bixiyay dhaqaale aad u fara badan.
Madaxtooyada ayaa dadaal badan gelineysa sidii ay meesha uga saari laheyd C/qaadir Cali Cumar oo ah Saaxibka koowaad ee Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Balse C/qaadir Cali Cumar ayaa taageero ka heysta deegaanka, halka ninka la tartamayo uu wato dhaqaale aad u fara badan, waana mida ay ku kala duwan yihiin, isla markaana laga yaabo in lacagta ay shaqeyn weydo.
Waxyaabaha dadka hadal hayaan ayaa waxaa ka mid ah in Tartanka Kursigan ay si hoose ah ah ugu dagaalamayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif.
Tartamadii kuraastii hore ee laga soo doortay Cadaado ayaa loo adeegsaday dhaqaale fara badan iyo awood,taasoo keentay walaaca Beesha Caalamka iyo in shaki la geliyo qaar ka mid ah kuraastii lagu guuleystay.
Maamulka Galmudug ayaa laga sugayaa inuu maalmaha soo socda dhameystiro, waxaana u dhiman illaa 15 kursi oo qaarkood ay yihiin kuwo ugu adag ee ay ku loolamayaan siyaasiyiin iyo xildhibaano hore.
Mid ka mid ah Kuraasta Beesha Saleebaan ee yaala Cadaado oo loolanka ugu adag ka jiro
Mid ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Beesha Saleebaan oo yaala degmada Cadaado ayaa ka mid noqday kuwo ugu loolanka adag, iyadoo hardanka loogu jiro kursigan ay ku lug yeesheen dhinacyo kala duwan.