Shariif Xasan, Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur oo ku sugan Addis Ababa (Warbixin)

0
Saturday November 26, 2016 - 10:39:29 in Wararka by
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Xasan, Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur oo ku sugan Addis Ababa (Warbixin)

    Dhaq dhaqaaqyo iyo kulamo siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa ka socda magaalada Addis Ababa, iyadoo dowladda Itoobiya ay dooneyso inay dib boorka uga jafto saameynta ay ku leedahay siyaasada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaq dhaqaaqyo iyo kulamo siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa ka socda magaalada Addis Ababa, iyadoo dowladda Itoobiya ay dooneyso inay dib boorka uga jafto saameynta ay ku leedahay siyaasada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, C/raxmaan C/shakuur Warsame oo saddexdooda ah Musharaxiin ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, halkaasoo labo maalin ka hor ay gaareen.

Shariif Xasan ayaa inta uusan tagin Addis Ababa soo maray Uganda, balse Cumar C/rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur ayaa kaga horeeyay Addis Ababa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu sii maray Addis Ababa, ayna is arkeen xubnahan Musharaxiinta ee Addis Ababa ku sugan.

Saddexdan Musharax ayaa ah hormuudka Isbaheysiga Musharaxiinta ee ay sameysay Imaaraadka Carabta, waxaana todobaadyo ka hor kulan gaar ahaa ku yeesheen magaalada Nairobi.

Kulamada ka socda Addis Ababa ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo Musharaxa ay wadato Imaaraadka Carabta.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ay ku kala aragti duwan yihiin cida noqoneysa Madaxweynaha soo socda, taas ayaana keentay in Itoobiya ku baraarugto dhaq dhaqaaqa xoogga leh ee ay wadato Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa si aan horay loo arag u lug yeeshay siyaasada Soomaaliya, si ay meesha uga saaraan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay xusheen Musharaxiin dhowr ah oo loolan la geli kara Xasan Sheekh, waxaana Musharaxiintaas ugu horeeya Cumar C/rashiid.

Dowladaha deriska ah sida Itoobiya iyo Uganda ayaa la dhacsaneyn doorka Imaaraadka Carabta iyo taageerida Musharaxiinta uu ka mid yahay Cumar C/rashiid, waana tan keentay in Addis Ababa ay goor dambe ku baraarugto dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socday Dubai iyo Nairobi.

Itoobiya oo 20-kii sano ee u dambeysay saameyn ku leedahay siyaasada Soomaaliya ayaa dooneysa in looga dambeeyay arrimaha Soomaaliya iyo cida ay u aragto inay ka shaqeynayaan masaaliixdeeda ee hoggaanka dalka qaban kara.

XIGASHO;-JOWHAR.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip