Madaxweynihii Hore ee Cuba oo Geeriyooday+Sida Taariikhda Soomaaliya Baal Madow ugu Galay{Akhriso}:-
Fidel Castro iyo Al- Caqiid Al Qadaafi lama oga meesha ay kala imaadeen nacaybka ay u hayeen umadda Soomaaliyeed laakiin dadka siyaasadda indho indheeya qaarkood waxaa ay yiraahdaan nimanku waxay ahaayeen askar amar laga soo siiyo Moskow ee maahayn niman maskaxdooda ku socda halka qaar kalena aaminsan yihiin inay mabda’a hantiwadaagga aad u aaminsanaayeen oo naftooda iyo maalkoodaba u hurayeen fidinta mabdaas iyo meesha siyaasadda la gashay.
Farqiga u dhaxeeya labada nin ayaa aad u kala fog oo aan la is barbardhigi karin. Dad badan ayaa aaminsan Qadaafi mabda uu aaminsan yahay anaanayba jirin saaxiibkiis iyo cadowgiisna ma kala yaqaan sokeeye iyo shisheeyena uma kala leh wax uu ku dagaalo iyo wax uu cid u taageero midna uma kala cadda halka dad badani aaminsan yihiin Fidel Castro nin ku adag mabdaiisa iyo go’aankiisaba yaqaana wax uu u dagaalamayo iyo meesha ciidankiisa uu u dirayo.
Taariikh kooban:
Fidel CastroFidel Castro waxaa uu mudo yar la saaxiibay dawladii Soomaaliyeed ka dibna waa kala boodeen markii laga diiday talo uu soo jeediyey taasoo ahayd in saddex dal ay xiriir federaali ah wada samaystaan dawladahaas oo kala ahaa Soomaalioya, Itoobiya, iyo Koofur Yemen, Markii uu qarxay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobia 1977 waxaa markiiba uu u wareegay dhinaca Itoobiya. Dawladdii Soomaaliyeed ee waagaas jirtay waxay xiirrka u jartay hal mar Soviet Union iyo Cuba, shaqaalihii Soviet Union waxaa loo qabtay 7 beri inay dalka uga baxaan halka Cubans loo qabtay 48 saacadood.
Itoobiya iyo Soviet Union iyo Cuba iyo Qadafiba waxaa ay aad u welweleen markii si la yaableh magaalada Jig Jiga oo difaac aad u adag yiilay la soo derderay waxayna si deg deg ah u go’aansadeen
1- In Ciidamo Cuban ah loo soo dal dalo Itoobia
2- Qadaafi qarash badan bixiyo
3- Soviet Union iyo Jarmalka Bari iyo xulafadii WARSOW qubaro keenaan
4- In Hub lala soo gaaro Itoobiya si loo badbaadiyo (Helicopters, Taangiyada T52 iwn) hal billion oo dollar hub qiimahiisa gaarayo ayaa loo soo daabulay dhul iyo badba si loogu gurmado Itoobiya
November 1977 ilaa February 1978 Fidel Castro waxaa uu soo daabulay askar dhan 17,000. Fidel Castro asagoo isticmaalaya hubka taageerada xulafadiisa WARSOW ayuu laayey Soomaali badan. Fidel Castro sidaas ayuu taariikhda Soomaalida baal madow uga galay.
Madaxweynihii Hore ee Cuba oo Geeriyooday+Sida Taariikhda Soomaaliya Baal Madow ugu Galay{Akhriso}:-
Dowladda Cuba ayaa Goor hore oo saakay ah xaqiijisay in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalkaas Fidel Castro oo mudooyinkii dambe xanuunsanayay.