Keating oo sheegay in doorashada madaxweynaha dib u dhac ku imaan karo lana qaban doono December

0
Saturday November 26, 2016 - 10:03:34 in Wararka by
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Keating oo sheegay in doorashada madaxweynaha dib u dhac ku imaan karo lana qaban doono December

    Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid guud ahaa jadwalkii doorashada ee sanadkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid guud ahaa jadwalkii doorashada ee sanadkaan.

Micheal Keating, ayaa sheegay in doorashada madaxweynahaaysan dhici karin waqtigii loo qorsheeyay oo ku aadan maalinta Arbacada ee soo socota, wuxuuna sheegay in dib u dhac uu ku imaan karo doorashada.

Isaga oo la hadlayay barnaamijka Focus on Africa ee BBC, ayuu sheegay in shaki weyn laga qabo in doorashada ku dhacdaa waqtigii la qorsheeyay oo ah 30-ka November.

Qiyaas ahaan wuxuu sheegay in doorashada la filan karo iney dhacdo 15-ka December taasi oo la micno ah in maalmo kale ay dib uga dhacday waqtigii horey loo qorsheeyay.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in doorashada labada afhayeen ee baarlamaanka marka laga yimaado iney muhiim tahay in la wada dhameystiraa doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka.

Doorashada sanadkaan ayaa waxaa ku yimid dib u dhacyo badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip