WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 26-KA NOVEMBAR 2016-KA

0
Saturday November 26, 2016 - 09:52:39 in Wararka by
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 26-KA NOVEMBAR 2016-KA

    KEATING OO SHEEGAY IN DOORASHADA MADAXWEYNAHA DIB U DHAC KU IMAAN KARO LANA QABAN DOONO DECEMBER Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ay aa ka hadlay dib u dhaca ku yimid guud ahaa jadwalkii doorashad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KEATING OO SHEEGAY IN DOORASHADA MADAXWEYNAHA DIB U DHAC KU IMAAN KARO LANA QABAN DOONO DECEMBER Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ay aa ka hadlay dib u dhaca ku yimid guud ahaa jadwalkii doorashada ee sanadkaan.

Micheal Keating, ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha aysan dhici karin waqtigii loo qor sheeyay oo ku aadan maalinta Arbacada ee soo socota, wuxuuna sheegay in dib u dhac uu ku imaan karo doorashada. Isaga oo la hadlayay barnaamijka Focus on Africa ee BBC, ayuu shee gay in shaki weyn laga qabo in doorashada ku dhacdaa waqtigii la qorsheeyay oo ah 30-ka Nov. .

Qiyaas ahaan wuxuu sheegay in doorashada la filan karo iney dhacdo 15-ka December taasi oo la micno ah in maalmo kale ay dib uga dhacday waqtigii horey loo qorsheeyay. Dhinaca kale wuxuu sheegay in doorashada 2da afhayeen ee baarlamaanka marka laga yimaado iney muhiim tahay in la wada dhameystiraa doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka. Doorasha da sanadkaan ayaa waxaa ku yimid dib u dhacyo badan.

CUMAR DHAGEY "BAARLAMAANKA CUSUB AYAA GO’AAN KA GAARAYA XILLIGA AY DHACEYSO DOORASHADA”

Guddoomiyaha Guddiga doorashoo yinka dadban Avv. Cumar Maxamuud Ca bdulle (Cumar Dhagey) ayaa sheegay in baarlamaanka cusub go’aan ka gaarayo xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxwe ynaha, iyadoo uu shaki ku jiro in waqtigii loo qabtay in doorashada Madaxweynaha ay dha cdo uu dib u dhaco mar kale.

Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in howsha guddigooda ay ku egtahay marka la helo tiradii uu ku fariisan lahaa Baa rla maanka, isla markaana kooramka uu noq do mid buuxa. "Qorshaha door ashada

KEATING OO SHEEGAY IN DOORASHADA MADAXWEYNAHA DIB U DHAC KU IMAAN KARO LANA QABAN DOONO DECEMBER

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ay aa ka hadlay dib u dhaca ku yimid guud ahaa jadwalkii doorashada ee sanadkaan.

Micheal Keating, ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha aysan dhici karin waqtigii loo qor sheeyay oo ku aadan maalinta Arbacada ee soo socota, wuxuuna sheegay in dib u dhac uu ku imaan karo doorashada. Isaga oo la hadlayay barnaamijka Focus on Africa ee BBC, ayuu shee gay in shaki weyn laga qabo in doorashada ku dhacdaa waqtigii la qorsheeyay oo ah 30-ka Nov. .

Qiyaas ahaan wuxuu sheegay in doorashada la filan karo iney dhacdo 15-ka December taasi oo la micno ah in maalmo kale ay dib uga dhacday waqtigii horey loo qorsheeyay. Dhinaca kale wuxuu sheegay in doorashada 2da afhayeen ee baarlamaanka marka laga yimaado iney muhiim tahay in la wada dhameystiraa doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka. Doorasha da sanadkaan ayaa waxaa ku yimid dib u dhacyo badan.

wu u socdaa, inta aan la gaarin dhamaad ka waqtiga loogu tala galay doorashada Madaxwey naha tirada uu Baalamaanka ku fariisanayo waa heynaa, iyaga ayaa go’aan ka gaari kara, dalkana markaas wuxuu leeyahay saddex dalool, labo dal ool, 145 xildhibaan ayaa heynaa, 30 kale hadii ay dhameystiranto looma baahno Guddiga dooashooyinka waxaa xilka la wareegaya Baarlamaanka”ayuu yiri Avv. Cumar Dhagey.

Waxaa uu sheegay in laga soo gudbay xilligii lagu mashquulsanaa in doorashada waqtigeeda dib u dhacday, balse haatan labada aqal ee Baarlamaanka la doortay, ayagana ay yihiin kuwo go’aanka ka gaa raya doorashada Madaxweynaha.

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ayaa ka kala socota xarumaha maamul gobole edyada, iyadoo maamulka Jubbaland uu noqday maamulkii u horeeyay ee soo dha meystira Liiska xubnaha Aqalka Hoose lo oga baahan yahay deegaanadooda oo ah 43 Kursi.

BBC WORLD SERVICE OO BARNAAMIJYO CUSUB KUSOO KORDHISAY JADWALKEEDA BAAHINTA

Laanta BBCda qaybteeda la hadasha caalamka ayaa qorshaynaysa in adeegyo cusub ay ku soo kordhiso idaacadda ka dib markii dowladda Ingriiska ay ku dhaw aaqday maalgalin cusub oo lagu balaa rinayo BBCda. Barnaamijyadan cusub ee ay bilaabayso BBCda waxaa ka mid ah kuwa ka hadlaya sayniska ,hal abuurka iyo doodo caalami ah oo loogu talagalay inay gaaraan malaayiin qof oo ku kala no ol daafaha dunida.

"BBCdu waa il lagu kalsoonyahay oo la ga helo warar iyo macluumaad badan ,ku waasi oo gaara dhagaystayaasheena, wa qtigan la joogo waxaa jira adeegyo cusub oo aan soo kordhinay ,xilli isbadal caala mi ah oo adduunka oo dhan ahi uu jiro " ayuu yiri Mary Hockaday oo ah kormeera ha BBCda qaybteeda luuqadda Engl ishka. "Maalgalintan cusub waxayna siin aysa fursadda ah inaan hagaajino jadwal keena shaqo ,innaga oo sii daynayana ba rnaamijyo badan ,kuwaasi oo ka tarjuma ya rabitaanka dhagaystayaasheena oo he li doona warar waa weyn , falaqayn dha maystiran oo dhinaca Sayniska ah iyo wa liba hal abuurka iyo dhaqanka " ayuu mar kale yiri Hockday.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay in BBCdu ay diiradda saarayso sidii ay dun ida isugu xiri lahayd ,iyada oo loo marayo barnaamijyadan cusub, waxaana qorsha ha kamid ah in BBCdu ay soo jiidato dha gaystayaal cusub oo ku xiran mareegaha bulshadu ay kuwada xiriirto. Ugu danb ayn, Idaacadda iyo Telefishinka BBCda qaybtiisa Englishka ayaa la hadasha asb uucii dhagaystayaal gaaraya 246 milyan ,kuwaasi oo si joogta ah ugu xiran barnaa mijyada iyo wararka ka baxa BBCda.

SOMALILAND OO HESHIIS LA GASHAY SHIR KAD LAGA LEEYAHAY SHIINAHA OO SAHMIN EYSA SHIDAALKA

Maamulka Somaliland ayaa heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Shii naha, taasoo howlo sahmin shidaal ka bil aabi doonta deegaanada Somalilan.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somalil and Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheeg ay inay la ware egeen howlaha sahanka shidaalka oo horay gacanta ugu hayeen shirkado dibadda laga leeyahay.

Mr Ducaale ayaa sheegay in heshiiska ay shirkadan la galeen ay howsha sahami nta shidaalka ka bilaabeyso deegaanada Somaliland, isla markaana wajiga hore uu yahay mid sahan kaliya oo aan dhul la qodayo jirin."Shirkadan laga leeyahay Shii naha ee aan heshiiska la galnay waxay howlo sahan guud oo oogada dhulka ka sameneysaa deegaanada Somaliland, waa wajiga ugu horeeya ee shidaal baar is, muddo sanad ayuu soconayaa, wax dhul la qodayo ma jirto, macluumaadka sa hanka la sameynayo ayaa la baarayaa meelaha loo maleynayo in shidaal lga qo di karo”ayuu yiri Wa siirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo u waramayay Idaacada VOA.

Waxaa uu sheegay in maclumaadka howshan sahmanta ay iyagu maamulay aan, isla markaana shirkadan ay gacan ka geysaneyso qalabkii lagu sahmin lah aa oo isugu jira gaadiidka waa weyn ee la gu sahmiyo dhulka iyo qalab kale. Sidoo kale waxaa uu sheegay in marka la dham eeyo sahminta loo gudbidoono wajiga 2a ad ee shidaal baarista, isla markaana me elaha la hubiyo inay shidaal le eyihiin laga qodi doono ceelal sida uu hadalka u dhig ay. Somaliland ayaa horay u sheegtay ho wlo sahmin shidaal ka bilaabeyso deega anada Sool iyo Sanaag oo ah deegaano ay ku muransan yihiin Maamulada Puntl and iyo Khaatumo.

SAFIIRKA SOOMAALIYA EE MAREYKANKA OO GAARAY MAGAALADA ATLANTA IYO CIYAARI HII QABOOBAHA OO BILOWDAY

Safiirka Soomaaliyeed ee fadhigiisu uu yahay M/Washington DC ee dalka Ma reykanka Danjire Axmed Ciise Cawad, ay aa soo gaaray M/Atlanta ee xarunta gobo lka Georgia oo 24kii bishaan ay ka bilo wdeen Ciyaaraha Kubada Cagta iyo Kole yga ee dhalinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka, ayaa duhurnimadii Khamiista wa xaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaara daha ee magaal ada Atlanta masuuliyiinta Bulshadda Soomaaliyeed ee Atlanta oo uu horkacaayay Guddoomiyaha Somali American Community Eng. Cumar Shiiqe ey oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Gan acsatada, Aqoonyahanada iyo madaxda guddiga Ciyaaraha Soomaaliyeed ee Atlanta.

Danjire Cawad, ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay magaaladaan Atlanta, inuu kulan loo dhan yahay la qaato Soom aalida ku dhaqan gobolkaan. Wuxuu sid oo kale Danjiruhu qorsheynaayo inuu bo oqdo Xabsi weyn oo ku yaallo magaalada Atlanta oo ay ku xiran yihiin dhalinyaro fa ra bad an oo Soomaaliyeed oo markoodii hore Tahriib ah ku soo galay wadanka Ma reykanka. Maxamed Suufi Abasheekh Mil kiilaha shirkadda Mabruk corporation ah na Madaxa Shirkadda Dahabshiil ee gobo lkaan Georgia oo ka mid ah guddiga qab an qaabada ciyaaraha ka socdo Atlanta, ayaa Hiiraan Online u sheegay iney meel wanaagan u mareyso marti galinta ciyaa rahaan oo uu ku sheegay iney dhisayaan maanka dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Dr Cali Cusmaan Guddoomiyaha Guddi ga Ciyaaraha iyo Dhaqanka Soomaaliye ed ee gobolka Geo rgia, ayaa isaguna tilm aamay iney soo wada gaareen magaala da Atlanta dhammaan ciyaartooyda Soomaaliyeed ee kala matalaayo qaar ka mid ah gobolada Mareykanka iyo Canada ee ka qeyb qaadanaayo horyaalkaan.

Dhanka kale, Kooxaha Maanta ciyaa ray oo ka kala socday Ohio, Washington DC, Tennessee, Minnesota iyo gobolkaan Georgia, ayaa waxey kala gaareen guulo kala duwan. Waxaana usii haray kulamo kale oo ay isku sii arki doonaan.

Ugu danbeyn tartankaan maanta bilowda y oo socon doono inta lagu jiro fasaxa mu naasabada Thanksgivingka, ayaa waxaa lagu wadaa inuu soo gabagaboobo Axa da fooda inagu soo hayso oo ay ku beeg an tahay 27ka bishaan November.

TALISKA CIIDANKA XOOGGA IYO AMISOM OO ISKU RAACAY HOWL GAL SI ISKU MID AH LOOGU QAADO ALSHABAAB

Talisyada ciidanka xoogga dalka Soo maaliya iyo AMISOM ayaa isku raacay in howl gal wada jira oo si isku mid ah loogu qaado AlShabaab, ka dib kulan sadde xdii maalin ee u dambeeyay uga soc day magaalada Muqdisho. Saraakiisha ugu sa reysa ee Ciidamada xoogga dalka iyo Sar aakiisha iyo Taliyeyaasha qeybaha ee AMISOM ayaa kulanka uga socday Xera da Xalane uga hadlay qor shayaal la xiriira howl gal aan kal joogsi laheyn oo lagu qa ado AlShabaab.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen. Cu smaan Nuur Subagle oo markii uu kulan ka soo dha maaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la isku raacay howlgal si isku mid ah loogu qaado AlShabaab.

"Waxaa isku raacnay howl gal wada jir ah oo si isku mid ah dhinac walba looga qaa do AlShabab” ayuu yiri General Subagle.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka General Cali Baashi ayaa sheegay in ciid amada Milate riga iyo AMISOM ay u diya ar garoobeen dagaal dalka oo dhan looga saarayo AlShabaab. Ma ahan markii u horeysay ee AMISOM iyo Saraakiisha ciid anka xoogga dalka ay ku dhawaaqaan du ulaan AlShabaab looga saarayo gobola da dalka, iyadoo sanadkii 2014 uu fashil may duulaan AlShabaab looga saarayay meelo badan, inkastoo deegaano kooban ay la wareegeen. AlShabaab ayaa dho wa an dib ula ware egay deegaano ay ka baxeen Ciidamada AMISOM ee ka socd ay Itoobiya, sidoo ka le waxay dagaal ku la wareegeen saldhi gyo ciidamada AMIS OM ku lahaayeen Ge do iyo Shab eellaha Hoose.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO BEENISAY RIEK MACHAR IYO QOYSKIISA IN AY JOOGA AN GAROONKA DIYAARADAHA EE MUQD ISHO

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arima ha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya ay aa Radio Dalsan u xaqiijiyay inaan waxba ka jirin wa rarka sheegaya in Ma daxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Koon furta Sudan Riek Mach ar, xaaskiisa iyo Carruurtiisa ay kasoo de geen garoonka diraayadaha ee Aadan Ca de ee M/ Mogad ishu. Saacadihii lasoo dhaafay ayaa wax aa soo baxayay warar sheega yay in Riek Machar iyo qoyskiisa lagu arkay garoonka Muqdishu. "Waxba kama jiraan wararka sheegaya in Hogaa miyaha mucaaradka ee dalka So uth Sudan, Riek Machar iyo qoyskiisa ay ku suganyihiin, garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde” sidaasi waxaa Radio Dalsan u sheegay saraakiil ka tirsan Saraakiil ka tirsan wasa aradda Arimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya. Dalka K/Suudaan oo ah dal kii ugu dambeeyay ee Dunida kusoo biir ay, ayaa waxaa uu dagaal ka qarxay ka dib markii Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo kuxigeenkiisa uu dhe xmaray dagaal xoogan, kaasoo ay ku dhinteen kuma naan halka ay hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof ay ka bar akaceen dagaalka, iyadoo ay usii dheer tahay burburka hanti badan.

Dagaalkii ka qarxay dalkaasi, ayaa wa xaa uu keenay in dowladda Soomaaliya ay kala soo baxdo muwaadiniinteedii ku suganaa dalkaasi kuwaasoo gaarayay 10 oo qof, waxaana diyaarado looga soo da ad gureeyay dalkaasi. Go’aankii dolwad da ay muwaadiniinteeda ugala soo baxa yeen dalka asi ayaa waxaa amaanay ku manaan soomaali ah oo dunida dacal adeeda ku noolaa.

19-kii bishii May ayaa waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray Safaaradda Soomaal iya ee Koonfur ta Sudan. Xafladii xarigga looga jarayey Safaaradda Soomaaliya ee Koonfurta Sudan waxaa ka qey bgalay Wasiirro ka kala tirsan Soomaaliya iyo K/ Sudan Safiirro ka kala socday dalalka Tur kiga, UK , Uganda, Kenya, Ethiopia, Sud an, South Africa, China , Japan, Congo DR, Nigeria iyo kuwo kale oo badan.

DOOD IYO MURAN KA TAAGAN KURAASTA AQALKA HOOSE EE BEELAHA ABGAAL EE TAALA JOWHAR

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dood iyo muran xooggan ay ka taagan yihiin qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee beelaha Ab gaal ee qaarkood aan wali loo tartamin.

Murankan ayaa ka dambeeyay markii labo ka mid ah kuraasta Beesha Harti Ab gaal la dalbaday inay haween kaliya u tart amaan si loo xaqiijiyo qoondada haween ka. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxtooyada ay culeys ku saa reyso Guddiga doorashada in mid ka mid ah lab ada kursi ee Beelaha Harti Abgaal ay haween hesho.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qar anka Soomaaliyeed Batuula Sheekh Axm ed Gabale ayaa ka wada Jowhar olole xo oggan oo ku aadan sidii labada kursi ee haray Beelaha Harti Abgal midk ood hawe en ugu soo bixi lahaayeen.

Qorshahan ayaa ujeedka laga leeyah ay uu yahay sidii xubnaha u tartamaya la badaas kursi oo hore xildhibaano u ahaa aanay u soo laaban laheyn, kuwaasoo a an aheyn taageerayaasha Mad axtooya da.Sidoo kale waxaa uu muran ayaa ka jiraa kursiga Beesha Daa’uud, cida ku ta rtameysa, waxaana laga yaabaa in kur siga doorashadiisa dib loo dhigo inta xal laga gaarayo.

Beesha Yuusuf Daa’uud ayaa ku do odeysa inay xaq u leedahay inay iyada ku rsigan hesho, ma adaama Beesha Isaaq Daa’uud ay xubin ka heshay Aqalka Sare, sidaas darteed ay muhiim tahay in liiska musharaxiinta laga saaro beesha Isaaq Daa’uud, si aanay labo kursi ugu helin.

Doorashada Aqalka Hoose ee ka soco tay magaalada Jowhar ayaa dorraad ba aqatay, iyadoo aan la sheegin sababta ra smiga ah ee loo baajiyay, waxaana hars an labaatan kursi.

HAWLGAL KHASAARE SABABAY OO HABEEN HORE LAGA FULIYAY DEEGAAN KA TIRSAN G/SHABEELLADA HOOSE

Hawlgal khasaare geystay, ayay Dow ladda Somalia sheegtay in xalay laga ful iyay tuulo ka tirsan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose. Dowlad da Soomaaliya, ayaa sheegtay in We erar kan oo lagu beegsaday Tuulo Qiyaastii 60km u jirta degmada Qoryooley, oo ay ku sugnaayeen Xoogag ka tirsan, Waxaa na lagu dilay afar ka tirsan Alshabaab, lix kalena nolosha lagu qabtay.

Guddoomiyaha Degmada Qoryooley, Maxamed Cismaan oo la hadlay Idaaca dda VOAda ayaa sheegay in tuulada la weeraray oo lagu magacaabo Awdugul oo uu sheegay inay Alshabaab saldhig ku lahaayeen. "Weerarku wuxuu dhacay habeen hore saqdii dhexe, dadka Tuula da ku sugan, ayaa noo sheegay in Diyaa rado Dagaal ay Gantaallo la dhaceen Gu ri Tuuladaas ku yaalla, Waxayna Dadku sheegeen in nolosha lagu qabtay lix Qof oo ka tirsan Alshabaab, Afar kalena Gu riga lala bee gaday duqeynta lagu dilay," ayuu yiri Maxamed Cismaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Qoryooley ayaa sheegay in hawlgakan uusan maqan wax khasaare ah oo kasoo gaartay shacabkii tuuladaas, isagoo shee gay in shacabku ay kala carareen markii duqeyntu billaabatay. Dhanka kale, Gudd oomiyaha oo la weydiiyay xaaladda tuul ada sida ay tahay Xilligan, ayaa sheegay inay daggan tahay, dadkii deegaankana ay dib ugu soo laabteen, inkas too warbix in intaas dhaafsiisan uusan bixin.

Ugu dambeyn, Alshabaab ayaan weli dhankeeda ka hadlin Hawlgalkan oo ah aa mid cirka ah, iya doo duqeyntan ay ku soo beegmayso iyadoo Hawlgalo caynk an oo kale ay horay uga fuliyeen diy aara do dagaal deegaanno ka tirsan gobollada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay ku sug

an tahay Alshabaab

MADAXWEYNAHA OO KU AMMAANAY DO WLAD GOBOLLEEDKA JUBBALAND DHAMEY STIRKA DOORASHOOYINKA GOLAHA SHACABKA.

Madaxweynaha JFS,Md.Xasan Sh. Maxamuud ay aa hambalyo iyo bogg aadin u diray Dowlad Gobolle ed ka Jubbland oo soo dhameysti ray qoondadii 43-da xildhi baan ee door ashooyinka Golaha Shacab ka ka dhacay magaalada Kismaayo.

"In si buuxda loo dhameystiro doorashooy inka Golaha Shacabka ee ka dhacay Kismaayo, waa guul weyn oo yididiillo gelin eyso geedi socodka doora shooyinka dad ban ee dalka ka socoda. Waxaan amma an iyo boggaadin u je edinayaa shacabka, Madaxda Dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedka Jubbaland iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashooyina Dadban ee he er Federaal iyo heer Dowlad Gob olleed oo umadda Soomaaliyeed gaarsiiyey guu sha ah in si hufnaan ah u qabsoomaan do orashoyi nkaas. ” ayuu yiri Madaxweyna ha.

Madaweynaha ayaa ugu baaqay Gudd iyada Dorashooyinka Dadban iyo Dowlad Gobolleedyada kale inay labalaabaan de daalkooda ku aadan in waqtigii loo qorshe eyey lagu soo gabagbeeyo doo rashooyin ka Golaha Shacabka ee harsan iyada oo la ilaalinayo nidaamka sharci ee u degsan door ashooyinka. Ugu dambeyntii, Madax weynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka di muqraadiyadda iyo dowladnimada ah, isagoo uga mahadceliyey shacabka Soo maaliyeed iyo Beesha Caalamka kaalinto oda ku aadan hirgelinta doorashooyinka.

Dhamaad

AL SHABAAB IYO CIIDANKA GALMUDUG OO KU DAGAALAMAY NAWAAXIGA DEGMADA XARA DHEERE.

Wararka anyu ka heleyno deegaanka uumaay oo u Dhow Xarardheere ayaa sheegay in ciidanka ka Tirsan Galmudug halkaasi gaareen,Ciidanka Galmudug ay aa dagaal xoogan la Galay Al Shaba ab inkastoo weli aan la ogaan qasaaraha ka dhashay. Dagaalkaan oo dhacay habeen kii habeen ho re ayaa lagu soo warama yaa in leysku adeegsaday hubka noocya diisa kala duwan waxaana dhici karta inuu dib u qarxo madama Al shabaab ay mudo dhoor sano ay gacanta ku hayaan Xarardheer iyo deegaano kale.

Xaalada ayaa saaka lagu soo waramayaa inay dagan tahay waxaana weli lasoo she egayaa in dadku ay cabsi qabaan daga alo markale dhaca.

BOQOLAAL ARDAY AH OO IMTIXAANAATKA AAN GALIN XERYAHA DHADHAAB

Dib u celinta qaxootiga ee la hadal ha yo darteed ayaa waxaa imtixaanaatka ka ma dambeysta ah ee dugsiyada sare iyo kuwa hoose ka baaqday boqolaal arday ah oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku no ol xeryaha Dhadhaab.

Ilaa 289 ardaydaa ah oo gali lahaa imti xaanaadka KCSE iyo KCPE ayaan u fari isan imtixaanaat kaas. 169 arday oo KC SE u fariisan lahaa ayaa imtixaanka ka ba aqdeen maadaama noqosho qaxo otigu iskii Soomaaliya ugu noqonayo ay socoto.

Cali Budul waa masuulka ugu sareeya dhanka arimaha waxbarashada ee Dha dhaab. Cali wuxuu warbaahinta u sheeg ay in xataa inta ay u suurta gashay ee sa maynaya imtixaanaatka ee ah arda yda qaxootiga ay iska samaynayaan ee aysan niyad u heyn.

Wuxuu sheegay inay og yihiin in 6 bil ood kadib xeryaha Dhadhaab la xiri do ono. Sidoo kale aya yba iska caddahay in shaqooyin inay helayaan durba xataa ha ddii ay aad wax u bartaan aysan qa bin.

Dad ayana waaweyn oo imtixaankaa sam ayn lahaa ayaa iyana daruufahaa dartood uga baaqsaday inay imtixaankaa same yaan.

Cali Budul wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya hadii ay ardaydu kulaabt aan ay waxbara shadoodu wareer gali do onto maadaama manhaj mideysan uusan Soomaaliya ka jirin. Dawlada Ke nya ayaa dhawaan dib u dhigtay xiridda xeryaha Dhadhaab ilaa bisha 5aad ee sanadka soo socda ee 2017.

HISHIIS HOR DHAC AH OO LAGA GAARAY COL AADA KA TAAGAN GALBEEDKA GOBOLKA HIIRAAN

Kulan mar kale shalay ka dhacay M/ Beledweyne ayaa hishiis hor dhac ah loo ga gaaray colaa da iyo dagaallada ka taa gan qeybo ka mid ah galbeedka M/Beled weyne. Kulanka ayaa waxaa mar ka laga soo tago waxgaradka labada beellood, sidoo kale goob joog ka ahaa guddi dhaw aan arintan loo saaray oo ka kooban bee laha dega gobolka Hiiraan, iyo saraakiil cii dan, iyadoo halkaa lagu gaa ray hishiis hor dhac ah.

Hishiiska ayaa waxaa ka mid ahaa'' In la kala qaado maleeshiyaada 2da beello od oo la kala gey nayo deegaanno oo kala calaamadiyay, '' Intaa kaddibna labada dhinac ka soo qeybgallaan shir kan ka ballaaran oo looga wadda hadlayo asalka colaadan soo noq noqtay & sidii xal loogu heli lahaa. U gu danbeyntii, hishiiskan ay aa imanaya xili wali qeybo ka mid ah dee gaannada ay wadda degaan labada beell ood ka jiraan xiisado colaadeed, iyadoo ay is hor fadhiyaan maleeshiyada dirirtu u dhaxeyso, oo saakay rasaas culus isku weydaarsaday deegaan 6km dhinaca gal beed uga beegan magaalada Beledwe yne.

MUWAADIN SOOMAALIYEED OO LALA XIRIIRI NAYO FALAL ARGAGIXISO OO LAGU XIRRAY UGANDA

Laamaha ammniga dalka Uganda ay aa gacanta ku dhigay muwaadin Soomaa liyeed oo lala xirii rinayo in uu ku lug lahaa falal argagixiso, sidda laga soo xigtay tali yaha ciidammada booliiska degm ada Bus ia ee dalkaasi Uganda. Max'ed Cabdi Cali oo ah shaqsiga Soomaaliga ah ee la xirr ay ayaa laga soo qabtay xadka dalka Uga nda, waxaana lala xiriirinayaa in uu ku lug lahaa weerarkii ismiid aaminta ahaa ee 11kii July, 2010 ay AlShabaab ka gey steen magaalada Kampala, kaasoo gal laaf tay nolasha 80 ruux.

Xafiiska waaxda socdaalka dalka Ug anda ayaa shaacisay in uu ka mid ahaa Max'ed Cabdi shaq siyaadka sidda weyn loo doondoonayay ee la xiriirinayay wee rarka ismidaaminta. Laakiin eedeysa naha la qabtay ayaa sheegay in uusan wax lug ah ku laheyn danbiyada loo heysto, isaga oo shee gay in uu ka yimid dhinaca Kenya kuna sii jeedday dalka Koonfur Africa.

Ugu danbeyntii, taliyaha ciidammada bool iiska degmada Busia, Nelson Nahabwe, ayaa sheegay in ninkan loo gudbin doono xarunta ka hortagga argagixisada, si ha lkaa su'aalo dheeraad ah loogu weydiiyo.

SOOMAALIYA OO KA BAXDAY SHIR AY LAHAA YEEN CARABTA IYO AFRIKAANKA

Wafuudii Soomaaliya ayaa ku darsam ay wafuuda dalal badan oo jaamacada Carabta kasocday ugana qeyb galayay shir ay la haayeen Carabta iyo Afrikaanka oo ka dhacayay dalka Equatorial Guinea. Saraakiil ka socday Morocco, Soomaaliya iyo dalal kale oo Carab ah ayaa isaga ba xay shir madaxeed ay lahaayeen madax da Carabta iyo Afrikaanka ayagoo kasoo hor jeeday inay shirkaa soo xaadireen xu bnaha dhaqdhaqaaq ku baaqa in madax bannaani la siiyo Galbeedka Saxara ama West ern Sahara.

Morocco ayaa dawladeedu u aragtaa Western Sahara inay ta hay qeyb ka tir san dalkeeda [gobol keeda koofureed]. Dhaqdha qaaqa shirka looga dareeray ayaa lagu magacaabaa Polisario Front (PF). Dalalka ay wafuudoodu ka darer een shirka ayaa ah Soomaaliya, Morocco, Sacuudiga, Imaar aadka Carabta, Baxr eyn, Qatar, Cumaan, Urdun iyo Yemen. Shirkaa ayaa kusaabsa naa dhaqa alaha dalalka Afrika iyo Car abta

XILDHIBAANADA GOBOLADDA WAQOOYI OO LAGU DOORAN DOONO XARUUNTA XALANE, KADIB MARKII LAGA BAQAY IN DOWLADA AY FARAGALISO

Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ka soo galaya Baaralamaaka Soomaaliya ee lagu waday in doo rashadooda ay ka dha cdo xaruunta Gaadiidka ee M/Muqdishu, ayaa loo wareejiyay in lagu soo doo rto xa ruunta ciidamadda AMISOM ee Xalane, sida warar heshay idaacadda Dalsan ay sheegayaan.

Sababta Xaruunta Xalane doorashada loogu wareejiyay ayaa lagu sheegay in ay tahay, iyadoo la ga baqay in dowladda So omaaliya ay faragaliso doorashadda xuba naha labada Aqal ee Gobolad da Waqooyi ka imaanaya. Maalmaha Isniinta ama Tal aadada, fooda nagu soo heysa ayaa lagu wa daa in doorashadda 2da aqal ay ka dhacdo M/Mogadishu.

War saxaafadeed dhawaanka soo bax ay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu am aanay sida huf naanta ah ee Guddiyada doorashooyink heer Federaal iyo heer gobol u maamulayaan. Doorashada xubanaha 2da aqal ayaa hareeyay musuqma asuq aada u balaaran, sida ay qabaa Dipl omaasiyiinta Soomaalidda. Beesha Caal amka ayaa sidoo kale sheegay in ay wal aac ka qabto in ay musuq maasuq same yaan xubnaha u tartamaya xildhibaanada baarlamaanka Aqalka Hoose, islamarkaa na ergooyinka qaarkood ee wax soo door anaya in ay beelaha Soomaaliyeed ay ku riixayaan in ay keenaan xubno ay saaxi ibo yihiin oo hadhow dooran kara.

Warka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay si we yn uga niyad jab een hanaanka doorasha da Soomaaliya, madaam maalinba maalin ta ka dambeysay ay isasoo tar aayaan dib u dhacyada ku imaanaya hanaanka Do orashada Soomaaliya , waxaana ay shee geen in dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya.

KALASAARIDA QABIILKA IYO QABYAALADA {MAQAAL GAABAN}

Qabiil waa qoys baaxad leh oo hal od ay wadatir sada,loogu na tala galay in lees ku fahmo kal iya. Qabyaaladu waa qaxar,walaalo kala qoqob iyo qiyaamo xu mo. Sidi alle shee gay midka kar aama da leh waa midka taw qa laga helo ,sida fiican waa wax is laqa bsi, leeskana tuuro qurun ka qabyaalada iyo xumaha daba socda

WAXAAN KU KALA SAARNAY QODOBADA SOOSOCDA:

Waa tii Abwaan Cumar Xasan Jimcaa le ka Tiriya GABAY dheer asigoo ka hadl aya xummaanta qabyaaladda adduun iyo Aakhiraba ey leedahay, waxaana Tudacyadiisa ka mid ahaay sidaan: (Ga baygu sidaan kuma dhamo) Marki labo degmoo deriseheed daano kala gaarta

QABIIL QABYAALAD

1 Nin walbaa waxa uu ka dhashaa qabiil alle uu qorsheeya

1Waa mid la abuuro si loo kala geeyo dad ka

2Aqoonsi bulsho ka dhexeeya {2} Cadawad busho ka dhexeysa

3) Sharaf , {3) Sumcad xumo

4) U dhalasho, {4} Udhimasho

5) Isku xir /wadaag {5) Kala tag

6) Qabiilka waxaw abuura qaran { 6} Dumiyaaa

7) Qoys baaxad leh oo tirsada hal Oday

{ 7} Ayagiyoo is dhameeyay

8} Is xasuusto /isxawaasho, is xariiriya. Isku mowqif

{8) Is xasuuqa,kalatag dadnimo iyo fikir

9) Jacayl, xariir,isku dhaw {9) Nacayb, iyo jiirnac

10) Isbarasho farxadle {10) Qayaano leesu qarihaayo

11) Wada shaqeyn {11) Kala shaqaysi

12) Isu maqnaan {12) Isku maqnaan

GABAY

1}Berigii dabayluhu keceen oo la diriraaya

2} dagaaladi la soo mara balaan dib uga sheekeeyo

3) nin waliba dantiisaa xigta ee dowla ma imaanin

4) ini leesku daalaa markoo leesku soode gaye

5) odayaalo daacad u hadlaa leesku sood iraye

6) ini nabadu ey dahab tahaa duul walbo ogaaday

7) dadki malaha duunyana lallaay derisna ceebowyay

8) Aakhirana waa dedan tahay oo kaaga daran waaye

9} inti leesku kiin diri lahaay fiirsha danah iina

10) naftu maalinteey duubanto oo daaqa du iidlaato

11) nin damiin ahaayo iyo ma jiro rag u danaanaaya

12) minii gabagu deelqaafyaha oo lugu danbaabaayo

13) culumada daliilaha taqaan aan iskula doodno

Waxaa idiin diyaariya:Ustaad

W/Qoray :C/qaadir Salaad Maxamad

GAARI AY LEEYIHIIN AMISOM OO LAGU QARXIYAY WADDADA WARSHADAHA 

Qarax Miino ayaa shalay Waddada Warshadaha gaar ahaan Agagaarka Warshadda Biyaha Caafi waxaa lagula Beegsaday Gaari ay leeyihiin Ciidamada Midawga Afrika Ee AMISOM.

Qaraxa ayaa la sheegay in Dad Rayid ah oo Wadada marayay ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay sida ay sheegeen Dad Goobjoogeyaal ah.

Lama Oga Khasaaraha Ciidanka AMISOM ka soo gaaray Qar axa lagula Beegsaday Waddada Warshadaha Ee M/Muqdisho.

Qaraxyada loo dhigo Ciidanka Dowladda iyo kuwa Mida wga Afrika ee ka dhaca gudaha Muq disho ayaa Khasaaraha ugu badan waxaa uu ka soo gaaraa Dadka Rayidka ah.

SHIINAHA OO HORMARINAYA XIRIIRKA DHANKA MALATARIGA EE KALA DHEXEEYA DOWLADDA JABUUTI

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in xilig aan ay hormarinay so xiriirka dhanka Mala tariga ee kala dhexeeya dowladda Jab uuti oo istaraatiiji u ah Geeska Qaar ada Afrika,sida warbaahinta dalkaas u sheegay sark aal sa re oo ka mid ah ciid anka Shiinaha in tii uu booqanayay waddankasi oo Shiina ha uu ka dhisayo saldhi gii ugu horeeyay ciidamada badda ee di bada dalkaasi.

Bishii February, Shiinaha ayaa bilaabay dhismaha Jabuuti ee xarunta ugu hore ysay ciidamada badda, ee saldhiga loojistiga u ah si ay uga sahay qaataan mar aakiibta ciidamada badda ee ka qayb qaadanaya nabada iyo hawlgallada bani’aadamnimada.

Dalka yar ee Jabuuti, waxa uu ku yaala inta u dhexeeya Itoo biya Eritrea iyo Soomaaliya waana istaraatiiji ku beegan ilinka koonfurta Badda Cas ee waddada Suez Canal.Sidoo kale waxa ku yaala saldhigyada Maraykanka, Japan iyo Faransiiska.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Militariga awooda Shiinaha Fan Changlong ayaa sheegay in ka dib markii uu kulan la qaat ay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in labada dal ay xoojin karaan xiriirka dhammaan goobaha.

K/GALBEED "MA JIRAAN AMISOM KA BAXDAY DEGAANADEENA”

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaal iya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo AMISOM ah oo isaga baxay Degaanada Maamulka K/ Galbe ed.

Waxa uu sheegay Ciidanka baxay inay ahaayeen kuwa Itoobi ya oo loo soo diray la dagaalanka Shabaab, oo aysan jirin Cii da mo AMISOM oo baxay.Md.Xasan Cab di Maxamed W/W/Maam ulka K/Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay goobaha ay ka baxeen Ciidanka Itoobiya inay la wareegi doon aan Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Dowladda Fede raal ka iyo kuwa Koonfur Galbeed

Wasiirka ayaa beeniniyey warar ay warbaahinta ka qortay in ay ka baxaeen ciidmada Amisom deenagada k/galbeed qaar

WAA IMISA TIRADA XILDHIBAANADA LAGU DOORTAY BAYDHABO?

Waxaa Magaalada Baydhabo si hab sami leh kaga soconayo doorashada Xil dhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya degaanada Koofur Galbeed Soom aaliya. Khamiistii iyo Jimcihii la soo dhaaf ay waxaa ka dhacay Magaalada Bay dhabo doorashooyin xiiso badan, Waxaa ku soo baxay Siyaa siyiin horay Xilal kala duwan ugu soo qabtay Dowladihii dalka soo maray.

Siid Cali Ibraahim Xasan oo Xubin ka ah Gudiga doorashooyinka Koonfur Gal beed Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qaabka ay socdaan howlaha doora shada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Waxa uu sheegay in ilaa hada la doortay Xildhibaano gaaraya 49 Xildhiba an, Waxaana harsan 20 Xildhibaan oo keliya kuwaasi oo ah Xildhibaanada la qorsheeyay iney ka imaadaan degaanada Koonfur Galbeed.

Inkastoo Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay she egaya in si wanaagsan ay u socoto doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa waxaa jira Siyaasiyiin dhaliilsan qaabka ay doorashada u socoto, wax aana mu ran uu ka taagan yahay Kuraasta qaar ee ka soo baxay Baydhabo.

MADAXDA MAREYKANKA EE GEERIYOOTAY IYAGOO HAYA TALADA 

DALKAASI. 

(QEYBTA 1AAD)

Taariikhda mareykanka inta la ogyahay, waxaa Madaxweynihii ugu horee yay ee qabta talada dalka Mareykanka uu ahaa George Washin gton ,kaas oo jagada madaxtinimo ee dalkaasi haa yey sanadihii u dhexeeyay 1789 to 1797 .

Laga soo bilaabo Madaxweyne George Wa shington illaa Donald Trump,waxaa iyagoo haya talada mada xtinimo ee dalka Mareyk anka dhintay Sideed xubn ood oo ku fariistay kursiga Aqalka Cad ee loo ga ta liyo bulshoweynta dalkaasi.

Afar ka mid ah Siddeedaasi waxaa lagu fuliyay shirqool khaarajin ah ama waa la toog tay.halka Afarta kale ay u dhinteen sababo la xiriira cudurro dabiici ah .

Siddeeddaasi Madaxweyne ee dhimatay sanadihii 18411963dii, wax aa si kumeel gaar ah xilalkii madaxtinimo u sii waday madaxweyne ku xige enadii jiray waqtigaasi sida ku cad dastuurka Mareykanka.

12Madaxweyne ayaa ka badbaaday isku day dil oo ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo lahaa ujeedooyin kala duwan.

Haddaba waa kuwaan Madaxweynayaasha u dhintay xanuunno caadi ah iyo kuwii la khaarajiyay ama la dilay.

1841: William Henry Harrison William Henry Harrison waxa uu talada da lka Mareykanka qabtay 4tii Marso 1841, 26kii bishaasi waxaa ku soo boo day cudurka hargabka ama durayga xilligaasina wax aa . socotay xafladda caleemo saarka.

Cudurkaasi ,waxa uun ka dhashay qabowga cimilada wuxuuna cudurk aasi waqti yar isu badalay qaarjeex ama oofwareen

Harrison,muddo sagaal cisho ah ayuu xanuunsanaayey dhaqaatiirtiisana weey dadaaleen balse waxa uu dhintay 4tii april 1841,kadib markii uu tal ada qabtay 4tii april

Waa Madaxweynihii u horeeyay oo Mareykan ah oo dhintay isagoo talada dalkaasi haayey muddo 31cisho ah.

1850: Zachary Taylor

Dhimashada Nadaxweyne Zachary Taylor,sii cad uma muuqato inkastoo la tilmaamay in July 4tii 1850 uu ku dhacay calool bax kadib kolkii uu ca bay cabitaanno kala duwan oo ah kuwa laga sameeyo nuucyada qudaa rta,taasina waxa ay sababtay in uu fuuqbaxo,shan cisho kadibna waxa uu u dhintay xanuun lagu sheegay calolbax ama wax u eg daacuun calool.

Isla waqtigaasi waxaa soo baxay oo la isla dhexmaray warar hoose oo la xiriira in madaxweynaha la sumeeyay,isla markaana ay ka dambeeyaaan kooxo taageersanaa in ay sii jiraan adoonsiga dadka madow oo ka jiray koonfurta Mareykanka.

sanadkii 1850 bishii July 9keedii ayuu dhintay

1865: Madaxweyne Abraham Lincoln

Dilkiisii waxa uu dhacay maalin Jimco ah bishuna aheyd April 14keedii 1865tii iyadoo uu soo afjarmay ama soo gabagaboobay dagaakii soke eye ee u dhexeeyay koonfurta iyo woqooyiga mareykanka.

Dilka Madaweynahaasi waxa uu dhacay shan cisho ka hor markii uu taliy aha ciidamada woqooyiga Virginia jeneraal Robert E. Lee uu isu dhiibay General Ulysses S. Grant

Abraham Lincoln waa madaxweynihii ugu horeeyay ee lagu dilo fal ga admo ah ama lagu qaarajiyo,waxaana lagu eedeeyay falkaasi in uu ka dambeeyay nin aktar ah oo caan ah oo lagu magcaabo John Wilkes Booth,kaas oo la tilmaamay isaga iyo taageerayaashiisuba in ay ka horje edeen arimo ay ka mid ahaayeen xoreynta dadka adoonta ah ee mad owga mareykanka,

1881: James A. Garfield

Dilkii Madaxweynaasi waxa uu ka dhacay Washington, D bishii July 2dii 1881dii.

Garfield,waxaa toogtay Charles J. Guiteau,

Madaxweynahaasi waxa uu talada haayey muddo 4bilood ah ,isagoo no qday madaxweynaha 20aad ee mareykanka.

Garfield waxa uu dhintay 11 isbuuc kadib bishii September 19, 1881, madaxweyne ku xigeenkii xilligaasiChester A. Arthur ayaa la wareegay xilkaasi madaxtinimo

1901: William McKinley Waxaa la dilay bishii Setembar 6.1901dii,isagoo ku jiray Maxfal ama goob lagu tuno muusikada ee kooxda PanAmeri can.taasoo dhacda deegaanka Buffalo ee magaalada Newyork

Madaxweynaha ayaa waqtigaasi gacanqaadayey dad ku sugnaa Tiyaata rkaasi weyn oo ay ka socotay Muusiko iyo arimo kale oo wacyigwlin ah . ,,waxaa dilay madaxweynaha nin lagu magacaabi jiray Leon Czolgosz oo ka mid ahaa koox fidnawadayaal ah. William McKinley oo mar labaad qab tay talada waxa uu dhintay 8cisho kadib Setembar 14kii ,Ka dib markii uu jirkiisa ku faafay cudurka kaankarada oo ay sababeen xabbaddii lagu dhuftay. 1923: Warren G. Harding

Waxa uu u dhintay wadno xanuun xilli uu ku sugnaa hotel ku yaalla maga alada San Francisco oo uu booqasho ku joogay 2dii Augst sanadkii 1923dii Dhimashadiisa kadib waxaa si degdeg ah u soo baxay warar sgeegaya in la sumeeyay ama in uu isdilay

Geerida madaxeynahaasi waxaa laga qoray buuk loo bixiyay The Strange Death of President Harding ,kaas oo qoraaga uu ku sheegay in dilka mad axweynaha uu ka dambeeyay nin horay u ahaa kooxda gaangiistarada gobolka ohaio

1945: Franklin D. Roosevelt

March 29, 1945, Madaxweyne Franklin D. Roosevelt,waxa uu u dhaqa aqay magaalada Georgia si uu fasax nasasho ah u qaato kahor inta uusan ka qeybgalin shirkii Qaramada Midoobay oo ka furmayey dalka Ma reykanka.

April 12, Roosevelt , waxaa ku soo boday xanuun xagga dambe ah gaar ahaan madaxa qeybta dambe ee jeegada,kadibna waxa uu ku dhacay ,dhulka isagoo ku fadhiyay kursi,daryeel degdeg ah oo ay u sameeyeen dhaqaatiirta kadib waxa uu dhintay isla maalintasi,iyadoo aan la ogaan waxa uu u dhintay,sida uu mar dambe sheegay dhaqtar Allen Drury .

Faallo lagu qoray Wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay in uu dhamaaday waqtigii Roosevelt iyo waxqabadkiisii isla markaana la galay wqti cusub ama waa cusub

Madaxweyne Rosvelt oo talada dalka Mareykanka haayey muddo 12sano ah,waxa uu ahaa ninkii ugu waqtiga dheeraa,isla markaana jabiyay madaxdii Naziga Jarmalka iyo Jabaan.

Dhimashadaasi waxa ay walwal galisay dadka Mareykanka iyo dunida kale.Bil ka yar markii ay dhimashadiisa ka soo waregtay May 8deedii wax aa soo afjarmay dagaalkii Yurub .

Madaxweyne Harry S. Truman oo xilka la qabtay 1961dii waxa uu ku dhawaaqay xus loogu magac daray maalinta xornimada Yurub iyo baroor diiq 30cisho oo loo sameynaayo Madaxweynihii dhintay ee Rusv elt,iyadoo mudadaasi calanka hoos loo dhigayo

1963: John F. Kennedy[

Waxaa Madaxweynahaasi lagu dilay magaalada Dallas ee gobolka Texas maalin Jimco ah 22kii Nofembar 1963dii,isagoo ay la socdeen xaaskiisa Jacqueline ,Barasaabka TexasJohn Connally iyo xabno kale.

Baaritaan socday muddo toban bilood ah 19631964) oo ay wadeen guddi gaar ah kadib waxaa la cadeeyay in falkii lagu dilay John F. Ken nedy uu ahaa shirqool khaarajin ah oo uu ka dambeeyay Lee Harvey Oswald

Ninkaasi dilay madaxweynaha waxaa isna dilay Jack Ruby kahor inta aan la horgeyn maxkamad.

19662004tii dadka Mareykanka waxa ay 80% aaminsanaayeen in dilka madaxweynahaasi uu ahaa mid shirqool ah ama mid la daboolay xaqiiq adiisa.

Qeybaha lagu tuhmay in ay ka dambeeyaay dilka shirqoolka ah ee mada xweynahaasi ,waxa ay ahaayeen madaxweyne ku xigeenkii xilligaasi Lyndon B. Johnson sirdoona mareykanka ee CIA ,Mafiyada, KGB . madaxeynihii Cuba Fidel Castro ,maamulihii FBI,iyo kuwo kale.

La soco qeybta 2aad khamiista

 

W/Qoray: Shire Xasan Kulmiye

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip