Xildhibaanada Goboladda Waqooyi oo lagu dooran doono Xaruunta Xalane, kadib markii laga baqay in Dowlada ay faragaliso....

0
Friday November 25, 2016 - 20:46:14 in Wararka by
  • Visits: 413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Goboladda Waqooyi oo lagu dooran doono Xaruunta Xalane, kadib markii laga baqay in Dowlada ay faragaliso....

    Xildhibaanada Gobolada Waqooyi kasoo galaya Baaralamaaka Soomaaliya ee lagu waday in doorashadooda ay ka dhacdo xaruunta Gaadiidka ee Magaaladda Muqdishu,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Gobolada Waqooyi kasoo galaya Baaralamaaka Soomaaliya ee lagu waday in doorashadooda ay ka dhacdo xaruunta Gaadiidka ee Magaaladda Muqdishu,
ayaa loo wareejiyay in lagu soo doorto xaruunta ciidamadda AMISOM ee Xalane, sida warar heshay idaacadda Dalsan ay sheegayaan.
Sababta Xaruunta Xalane doorashada loogu wareejiyay ayaa lagu sheegay in ay tahay, iyadoo laga baqay in dowladda Soomaaliya ay faragaliso doorashadda xubanaha labada Aqal ee Goboladda Waqooyi ka imaanaya.
Maalmaha Isniinta ama Talaadada, fooda nagu soo heysa ayaa lagu wadaa in doorashadda labada aqal ay ka dhacdo magaaladda Mogadishu.
War saxaafadeed dhawaanka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu amaanay sida hufnaanta ah ee Guddiyada doorashooyink heer Federaal iyo heer gobol u maamulayaan.
Doorashada xubanaha labada aqal ayaa hareeyay musuq-maasuq aada ubalaaran, sida ay qabaa Diplomaasiyiinta Soomaalidda.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegay in ay walaac ka qabto in ay musuqmaasuq sameeyaan xubnaha u tartamaya xildhibaanada baarlamaanka Aqalka Hoose, islamarkaana ergooyinka qaarkood ee wax soo dooranaya in ay beelaha Soomaaliyeed ay ku riixayaan in ay keenaan xubno ay saaxiibo yihiin oo hadhow dooran kara.
Warka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay si weyn uga niyad jabeen hanaanka doorashada Soomaaliya, madaam maalinba maalinta ka dambeysay ay isasoo taraayaan dib u dhacyada ku imaanaya hanaanka Doorashada Soomaaliya , waxaana ay sheegeen in dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip