Madaxda Mareykanka ee geeriyootay iyagoo haya talada dalkaasi. Q/1-aad)

0
Friday November 25, 2016 - 17:26:53 in Maqaallo by
  • Visits: 2051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Mareykanka ee geeriyootay iyagoo haya talada dalkaasi. Q/1-aad)

    Taariikhda mareykanka inta la ogyahay, waxaaMadaxweynihii ugu horeeyay ee qabta talada dalka Mareykanka uu ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda mareykanka inta la ogyahay, waxaaMadaxweynihii ugu horeeyay ee qabta talada dalka Mareykanka uu ahaa

George Washington ,kaas oo jagada madaxtinimo ee dalkaasi haayey sanadihii u dhexeeyay 1789 to 1797 .

Laga soo bilaabo MadaxweyneGeorge Washington illaa Donald Trump,waxaaiyagoo haya talada madaxtinimo ee dalka Mareykanka dhintay Sideed xubnood oo ku fariistay kursiga Aqalka Cad ee looga taliyo bulshoweynta dalkaasi.

Afar ka mid ah Siddeedaasi waxaa lagu fuliyay shirqool khaarajin ah ama waa la toogtay.halka Afarta kale ay u dhinteen sababo la xiriira cudurro dabiici ah .

Siddeeddaasi Madaxweyne ee dhimatay sanadihii 1841-1963-dii,waxaa si kumeel gaar ah xilalkii madaxtinimo u sii waday madaxweyne ku xigeenadii jiray waqtigaasi sida ku cad dastuurka Mareykanka.

12-Madaxweyne ayaa ka badbaaday isku day dil oo ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo lahaa ujeedooyin kala duwan.

Haddaba waa kuwaan Madaxweynayaasha u dhintay xanuunno caadi ah iyo kuwii la khaarajiyay ama la dilay.

1841: William Henry Harrison

William Henry Harrisonwaxa uu talada dalka Mareykanka qabtay 4-tii Marso 1841, 26-kii bishaasi waxaa ku soo booday cudurka hargabka ama duraygaxilligaasina waxaa . socotay xafladda caleemo saarka.

Cudurkaasi ,waxa uun ka dhashay qabowga cimilada wuxuuna cudurkaasi waqti yar isu badalay qaarjeex ama oof-wareen

Harrison,muddo sagaal cisho ah ayuu xanuunsanaayey dhaqaatiirtiisana weey dadaaleen balse waxa uu dhintay 4-tii april 1841,kadib markii uu talada qabtay 4-tii april

Waa Madaxweynihii u horeeyay oo Mareykan ah oo dhintay isagoo talada dalkaasi haayey muddo 31-cisho ah.

1850: Zachary Taylor

Dhimashada NadaxweyneZachary Taylor,sii cad uma muuqato inkastoo la tilmaamay in July 4-tii 1850uu ku dhacay calool bax kadib kolkii uu cabay cabitaanno kala duwan oo ah kuwa laga sameeyo nuucyada qudaarta,taasina waxa ay sababtay in uu fuuqbaxo,shan cisho kadibna waxa uu u dhintay xanuun lagu sheegay calolbax ama wax u eg daacuun calool.

Isla waqtigaasi waxaa soo baxay oo la isla dhexmaray warar hoose oo la xiriira in madaxweynaha la sumeeyay,isla markaana ay ka dambeeyaaan kooxo taageersanaa in ay sii jiraan adoonsiga dadka madow oo ka jiray koonfurta Mareykanka.

sanadkii 1850 bishii July 9-keedii ayuu dhintay

1865: Madaxweyne Abraham Lincoln

Dilkiisii waxa uu dhacay maalin Jimco ah bishuna aheyd April 14-keedii 1865-tii iyadoo uu soo afjarmay ama soo gabagaboobay dagaakii sokeeye ee u dhexeeyay koonfurta iyo woqooyiga mareykanka.

Dilka Madaweynahaasi waxa uu dhacay shan cisho ka hor markii uu taliyaha ciidamada woqooyiga Virginia jeneraalRobert E. Leeuu isu dhiibayGeneralUlysses S. Grant

Abraham Lincolnwaa madaxweynihii ugu horeeyay ee lagu dilo fal gaadmo ah ama lagu qaarajiyo,waxaana lagu eedeeyay falkaasi in uu ka dambeeyay nin aktar ah oo caan ah oo lagu magcaaboJohn Wilkes Booth,kaas oo la tilmaamay isaga iyo taageerayaashiisuba in ay ka horjeedeen arimo ay ka mid ahaayeen xoreynta dadka adoonta ah ee madowga mareykanka,

1881: James A. Garfield

Dilkii Madaxweynaasi waxa uu ka dhacay Washington, D bishii July 2-dii 1881-dii.

Garfield,waxaa toogtayCharles J. Guiteau,

Madaxweynahaasi waxa uu talada haayey muddo 4-bilood ah ,isagoo noqday madaxweynaha 20-aad ee mareykanka.

Garfield waxa uu dhintay 11 isbuuc kadib bishii September 19, 1881,madaxweyne ku xigeenkii xilligaasiChester A. Arthurayaa la wareegay xilkaasi madaxtinimo

1901: William McKinley

Waxaa la dilay bishii Setembar 6.1901-dii,isagoo ku jiray Maxfal ama goob lagu tuno muusikada ee kooxda Pan-American.taasoo dhacda deegaanka Buffaloee magaalada New-york

Madaxweynaha ayaa waqtigaasi gacan-qaadayey dad ku sugnaa Tiyaatarkaasi weyn oo ay ka socotay Muusiko iyo arimo kale oo wacyigwlin ah .

,,waxaa dilay madaxweynaha nin lagu magacaabi jirayLeon Czolgoszoo ka mid ahaa koox fidnawadayaal ah.

William McKinleyoo mar labaad qabtay taladawaxa uu dhintay 8-cisho kadib Setembar 14-kii,Kadib markii uu jirkiisa ku faafay cudurka kaankarada oo ay sababeen xabbaddii lagu dhuftay.

1923: Warren G. Harding

Waxa uu u dhintay wadno xanuun xilli uu ku sugnaa hotel ku yaalla magaalada San Francisco oo uu booqasho ku joogay 2-dii Augst sanadkii 1923-dii

Dhimashadiisa kadib waxaa si degdeg ah u soo baxay warar sgeegaya in la sumeeyay ama in uu isdilay

Geerida madaxeynahaasi waxaa laga qoray buuk loo bixiyayThe Strange Death of President Harding ,kaas oo qoraaga uu ku sheegay in dilka madaxweynaha uu ka dambeeyay nin horay u ahaa kooxda gaangiistarada gobolka ohaio

1945: Franklin D. Roosevelt

March 29, 1945,MadaxweyneFranklin D. Roosevelt,waxa uu u dhaqaaqay magaalada Georgia si uu fasax nasasho ah u qaato kahor inta uusan ka qeybgalin shirkii Qaramada Midoobay oo ka furmayey dalka Mareykanka.

April 12, Roosevelt , waxaa ku soo boday xanuun xagga dambe ah gaar ahaan madaxa qeybta dambe ee jeegada,kadibna waxa uu ku dhacay,dhulka isagoo ku fadhiyay kursi,daryeel degdeg ah oo ay u sameeyeen dhaqaatiirta kadib waxa uu dhintay isla maalintasi,iyadoo aan la ogaan waxa uu u dhintay,sida uu mar dambe sheegay dhaqtarAllen Drury.

Faallo lagu qoray WargeyskaNew York Timesayaa lagu sheegay in uu dhamaaday waqtigii Roosevelt iyo waxqabadkiisii isla markaana la galay wqti cusub ama waa cusub

Madaxweyne Rosvelt oo talada dalka Mareykanka haayey muddo 12-sano ah,waxa uu ahaa ninkii ugu waqtiga dheeraa,isla markaana jabiyay madaxdii Naziga Jarmalka iyo Jabaan.

Dhimashadaasi waxa ay walwal galisay dadka Mareykanka iyo dunida kale.Bil ka yar markii ay dhimashadiisa ka soo waregtay May 8-deedii waxaa soo afjarmay dagaalkii Yurub .

Madaxweyne Harry S. Trumanoo xilka la qabtay 1961-dii waxa uu ku dhawaaqay xus loogu magac daray maalinta xornimada Yurub iyo baroordiiq 30-cisho oo loo sameynaayo Madaxweynihii dhintay ee Rusvelt,iyadoo mudadaasi calanka hoos loo dhigayo

1963: John F. Kennedy[

Waxaa Madaxweynahaasi lagu dilay magaalada Dallas ee gobolka Texas maalin Jimco ah 22-kii Nofembar 1963-dii,isagoo ay la socdeen xaaskiisaJacqueline,Barasaabka TexasJohn Connallyiyo xabno kale.

Baaritaan socday muddo toban bilood ah 1963-1964) oo ay wadeen guddi gaar ah kadib waxaa la cadeeyay in falkii lagu dilay JohnF. Kennedy uu ahaa shirqool khaarajin ah oo uu ka dambeeyayLee Harvey Oswald

Ninkaasi dilay madaxweynaha waxaa isna dilayJack Rubykahor inta aan la horgeyn maxkamad.

1966-2004-tii dadka Mareykanka waxa ay 80% aaminsanaayeen in dilka madaxweynahaasi uu ahaa mid shirqool ah ama mid la daboolay xaqiiqadiisa.

Qeybaha lagu tuhmay in ay ka dambeeyaay dilka shirqoolka ah ee madaxweynahaasi ,waxa ay ahaayeen madaxweyne ku xigeenkii xilligaasiLyndon B. Johnsonsirdoona mareykanka ee CIA ,Mafiyada, KGB.madaxeynihii CubaFidel Castro,maamulihii FBI,iyo kuwo kale.

La socoqeybta 2-aad khamiista

W/Qoray: Shire Xasan Kulmiye

XIGASHO RADIOMUQDISHO.NET




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip