Madaxweynaha oo ku ammaanay Dowlad Gobolleedka Jubbaland dhameystirka doorashooyinka Golaha Shacabka.

0
Friday November 25, 2016 - 17:07:41 in Wararka by
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo ku ammaanay Dowlad Gobolleedka Jubbaland dhameystirka doorashooyinka Golaha Shacabka.

    Muqdisho 25-November 2016 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray Dowlad Gobolleedka Jubbland oo soo dhameystiray qoondadii 43da xildhibaan ee doorashooyinka Golaha Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho 25-November 2016 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray Dowlad Gobolleedka Jubbland oo soo dhameystiray qoondadii 43da xildhibaan ee doorashooyinka Golaha Shacabka ka dhacay magaalada Kismaayo.
" In si buuxda loo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka dhacay Kismaayo, waa guul weyn oo yididiillo gelineyso geedi socodka doorashooyinka dadban ee dalka ka socoda. Waxaan ammaan iyo boggaadin u jeedinayaa shacabka, Madaxda Dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedka Jubbaland iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashooyina Dadban ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo umadda Soomaaliyeed gaarsiiyey guusha ah in si hufnaan ah u qabsoomaan doorashoyinkaas. ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaweynaha ayaa ugu baaqay Guddiyada Dorashooyinka Dadban iyo Dowlad Gobolleedyada kale inay laba-laabaan dedaalkooda ku aadan in waqtigii loo qorsheeyey lagu soo gabagbeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka ee harsan iyada oo la ilaalinayo nidaamka sharci ee u degsan doorashooyinka.

Ugu dambeyntii,Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka dimuqraadiyadda iyo dowladnimada ah, isagoo uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan hirgelinta doorashooyinka.

--- Dhamaad--

©2016 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip