Somaliland oo heshiis la gashay shirkad laga leeyahay Shiinaha oo sahmineysa shidaalka

0
Friday November 25, 2016 - 10:59:04 in Wararka by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo heshiis la gashay shirkad laga leeyahay Shiinaha oo sahmineysa shidaalka

    Maamulka Somaliland ayaa heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, taasoo howlo sahmin shidaal ka bilaabi doonta deegaanada Somalilan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Somaliland ayaa heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, taasoo howlo sahmin shidaal ka bilaabi doonta deegaanada Somalilan.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay inay la wareegeen howlaha sahanka shidaalka oo horay gacanta ugu hayeen shirkado dibadda laga leeyahay.

Mr Ducaale ayaa sheegay in heshiiska ay shirkadan la galeen ay howsha sahaminta shidaalka ka bilaabeyso deegaanada Somaliland, isla markaana wajiga hore uu yahay mid sahan kaliya oo aan dhul la qodayo jirin.

"Shirkadan laga leeyahay Shiinaha ee aan heshiiska la galnay waxay howlo sahan guud oo oogada dhulka ka sameneysaa deegaanada Somaliland, waa wajiga ugu horeeya ee shidaal baaris, muddo sanad ayuu soconayaa, wax dhul la qodayo ma jirto, macluumaadka sahanka la sameynayo ayaa la baarayaa meelaha loo maleynayo in shidaal lga qodi karoā€¯ayuu yiri Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo u waramayay Idaacada VOA.

Waxaa uu sheegay in maclumaadka howshan sahmanta ay iyagu maamulayaan, isla markaana shirkadan ay gacan ka geysaneyso qalabkii lagu sahmin lahaa oo isugu jira gaadiidka waa weyn ee lagu sahmiyo dhulka iyo qalab kale.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in marka la dhameeyo sahminta loo gudbidoono wajiga labaad ee shidaal baarista, isla markaana meelaha la hubiyo inay shidaal leeyihiin laga qodi doono ceelal sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland ayaa horay u sheegtay howlo sahmin shidaal ka bilaabeyso deegaanada Sool iyo Sanaag oo ah deegaano ay ku muransan yihiin Maamulada Puntland iyo Khaatumo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip