Hordhac: Man United vs CSKA Moscow: Red Devils Oo Aan Wax Gool Ah Dhalin Sadexdii Kulan Ee Ugu Dambeysay

0
Tuesday November 03, 2015 - 10:29:45 in Sports News by
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Man United vs CSKA Moscow: Red Devils Oo Aan Wax Gool Ah Dhalin Sadexdii Kulan Ee Ugu Dambeysay

    Man United ayaa u baahan iney guul gaarto isla markaana gool dhaliso madama ay ku guuldareesatay iney gool dhaliso sadexdii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Man United ayaa u baahan iney guul gaarto isla markaana gool dhaliso madama ay ku guuldareesatay iney gool dhaliso sadexdii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan.

Cadaadiska saaran Wayne Rooney ayaa sii baahaya iyadoo kooxda ka dhisan Old Trafford ay u baahan tahay sidoo kale guul ay ka gaarto CSKA Moscow si ay u nooleyso rajada ay ka qabto iney usoo baxdo wareegyada xiga ee tartanka.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester United vs CSKA Moscow

Tartanka: UEFA Champions League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

Garsooraha:Szymon Marciniak (Poland)

United vs Moscow
MAXAA CUSUB?

Morgan Schneiderlin ayaa seegay tababarkii shalay waxaana shaki la galinayaa inuu safto kulanka caawa, sidoo kale Phil Jones ayaa la rajeynayaa inuu kusoo laabto safka hore.

Wayne Rooney ayaa wali filanaya inuu mar kale kusoo bilowdo weerarka, iyadoo Martial uu dhanka bidix ciyaari doono.

Soo laabashada Jones waxey meesha ka saareysaa Daley Blind, halka Michael Carrick uu filanayo inuu badalo Morgan hadii uu seego kulanka.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Manchester United:

De Gea; Darmian, Smalling, Jones, Rojo; Carrick, Schweinsteiger; Martial, Herrera, Mata; Rooney

CSKA Moscow:

Akinfeev; Schennikov, A Berezutski, Ignashevich, Mario; Musa, Dzagoev, Wernbloom, Tosic; Eremenko; Doumbia

MA OGTAHAY?

Labadaan kooxood markii ugu horeysay waxey is wajaheen xili ciyaareedkii 2009 – 2010, laba kulan oo ay ciyaareen United ayaa midna badisay midna barbaro keensatay.

Kulankii ugu horeeyay United ayaa guul (1-0) ah kusoo gaartay Moscow gool uu dhaliyay Antonio Valencia ayeyna gusuha ku heleen.

Kulankii ka dhacay Old Trafford Man United ayaa barbaro dirqi ah ka keensatay Moscow ciyaar ku dhamaatay 3-3.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip