Jamaahiirta Manchester City Oo Lagu Weeraray Maqaaxi Ku Taala Magaalada Seville Ka Hor Kulanka Caawa

0
Tuesday November 03, 2015 - 10:25:26 in Sports News by
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaahiirta Manchester City Oo Lagu Weeraray Maqaaxi Ku Taala Magaalada Seville Ka Hor Kulanka Caawa

    Sida ay tilmaamayaan warbixino laga helay Spain Jamaahiirta Manchester City ayaa lagu weeraray maqaaxi ku taala magaalada Seville ka hor kulanka ay Citizens la ciyaari doonaan caawa kooxda Sevilla.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay tilmaamayaan warbixino laga helay Spain Jamaahiirta Manchester City ayaa lagu weeraray maqaaxi ku taala magaalada Seville ka hor kulanka ay Citizens la ciyaari doonaan caawa kooxda Sevilla. Todobaadyo ka hor ayey aheyd markii fal aan qurux badneen uu ka dhacay Magaalada Manchester kulankii ay labada kooxood ku yeesheen Etihad Stadium markaas oo ay labada kooxood ciyaarayeen kulankii lugta hore.

Sida la aaminsan yahay kooxo ka tirsan Jamaahiirta labada kooxood ayey isku dhacyo ku dhexmareen wadooyinka Seville, inkastoo isku dhacooda uu kasoo bilowday Baarka ONeill.

"Dad ayaa yimid baarka kuwaas oo xirnaa maaskaro” Ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaasha oo u waramayay Manchester Evening News.

"Waxey bilaabeen iney ku qeyliyeen erayo isir naceyb ah, sidoo kalana waxey bilaabeen dagaal iyagoo kurasta u tuurayaymeel walba, wax walba waxey ku dhaceen dhaqso mudo aan ku qiyaasay 10-daqiiqo”

Sidoo kale goobjoogahaan ayaa sheegay inuu arkayay qof madaxa ka dhaawacan oo dhigaya sidoo kalana wuxuu u xaqiijiyay iney yimaadeen Boolis halkaasna laga qaaday qofkii dhaawaca ahaa, waxaana ka bilowday baarka kala carar iyo cabsi ka hor inta aysan labada kooxood wadooyinka isku wajahin.

Ugu dmabeyntiina warbixinta waxaa lagu sheegay ineysan jirin qof wali loo xiray falkaan inkastoo saacado qura uu ka harsan yahay kulanka labada kooxood.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip