Is rasaaseyn ka dhacday xarunta doorashada Aqalka Hoose ay ka dhaceysay ee Jowhar

0
Friday November 18, 2016 - 23:18:49 in Wararka by
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is rasaaseyn ka dhacday xarunta doorashada Aqalka Hoose ay ka dhaceysay ee Jowhar

    Is rasaaseyn xoog leh ayaa goor dhow ka bilaabatay xarunta ay ka dhaceysay doorashada Aqalka Hoose ee magaalada Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is rasaaseyn xoog leh ayaa goor dhow ka bilaabatay xarunta ay ka dhaceysay doorashada Aqalka Hoose ee magaalada Jowhar.
Is rasaaseyntan ayaa timid kaddib markii uu buuq ka dhashay doorashada Aqalka Hoose oo Kursiga Gugundhabe, gaar ahaan Jufada Jidle ay ku tartamayeen illaa saddex musharax.

Doorashada oo caawa fiidkii bilaabatay ayaa buuq iyo gacan ka hadal ka dhashay, kaddib markii uu soo gaba gaboobay wareegii hore ee codeynta.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Xasan Nuur iyo Labo Musharax oo kale.

Wareega hore ayaa Wasiirka Dhalinyarada looga cod badiyay, isagoo uu helay 21 cod, halka Musharaxa kale uu helay 23 cod, Musharaxa saddexaad ayaa wareega koowaad ku haray, isagoo helay 7 cod.

Intaas kaddib ayaa loo baahday wareeg labaad, si ay u kala baxaan labada Musharax ee ugu codka badnaa, waxaana kadib goobta ka dhacday buuq iyo gacan ka hadal.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Wasiirka Dhalinyarada uu ka baxay hoolka doorashada, kaddib markii uu ogaaday in hadii uu Tartami lahaa laga adkaanayo, taasoo keentay in buuq iyo gacan ka hadal uu dhaco, waxaana kaddib la damiyay Korontada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in is rasaaseynta ay u dhaxeyso Ilaalada Wasiirka Dhalinyarada iyo Ilaalada Musharaxa kale ee la tartamayay.

Rasaasta ayaa la ogeyn khasaaraha ay sababtay, waxaana khal khal weyn ay ku abuurtay ergadii ku jirtay hoolka iyo dadka ku nool xaafadaha Jowhar.

Isgaarsiinta Jowhar ayaa ah mid aad u adag, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay is rasaaseynta caawa ka socota afaafka hore ee xarunta doorashada

Wixii faahfaahin ah goor dhow kala soco jowhar.com

xigasho:jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip