Warbixin: Nayjeeriya waa dalka 3aad ee ay dhibaatada ka soo gaartay argagixisada

0
Friday November 18, 2016 - 20:07:57 in Wararka by
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Nayjeeriya waa dalka 3aad ee ay dhibaatada ka soo gaartay argagixisada

    Boko xaraam waxay dileen ku dhawaad 5,500 oo qof sannadkii hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boko xaraam waxay dileen ku dhawaad 5,500 oo qof sannadkii hore

Nayjeeriya ayaa ah dalka 3aad ee dhibaatada ugu weyn ay ka soo gaartay argagixisada sannadkii hore, marka laga yimaado Afghanistan iyo Ciraaq.

Soomaaliya ayaa ah dalka 7aad, marka laga yimaado Pakistan, Suuriya iyo Yemen sida uu ku sheegay machadka dhaqaalaha iyo nabadda tusaha argagixisada caalamka. Tirada guud ee dhimashada ka dhalatay argagixisada ayaa sannadkii hore 10% hoos u dhacday tan iyo 2010 – waxaana badi loo aanaynayaa guusha ay militarigu ka gaareen kooxda Boko Xaraam ee Nayjeeriya iyo kooxda la magac baxday khilaafada islaamiga (IS) ee Ciraaq.

Laakin ayadoo la sheegayo in dunida oo dhan ay ku dhinteen 29,276 qof ayaa sannadkii 2015 wuxuu noqday kii 2aad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda.

Warbixinta waxaa kaloo lagu ogaaday:

_92501841_bokoharam


-In IS ay ka hormatay Boko xaraam, oo ay noqotay kooxda argagixisada ah ee ugu dilka badan 2015, ayagoo weerarro ka gaystay 252 magaalo, kuna dilay 6,141 qof.

-Tirada dadka ay Boko xaraam dishay oo hoos u dhacday 18%. Kooxdu waxay mas’uul ka ahayd geerida 5,478 sannadka gudihiisa.

Sidaasoo ay tahay, Boko xaraam iyo IS waxay keeneen khatar cusub, ayagoo dalal hor leh ku fidaya sida ay warbixintu sheegtay.

Boko xaraan waxay ku fidday Niger, Kaameruun iyo Chad, ayadoo tirada dadka ay dalalkaas ku dileen ay korortay 157% sida la sheegay.

IS iyo kooxaha gacan saarka la leh waxay ka hawl galeen 15 dal, taasoo tirada guud ee dalalka ay ka hawl galaan ka dhigaysa 28.

Fiditaanka ayaa ah sababata ay dalal badan u diiwaan galiyeen heerkii ugu sarreeyey ee argagixiso tan iyo 2000 sida ay warbixintu sheegtay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip