Yemen iyo Cuman oo diyaar la ah iney soo celiyaan Soomaalida uxiran, hadii ay helaan dowlad kala wareegta

0
Friday November 18, 2016 - 18:10:01 in Wararka by
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yemen iyo Cuman oo diyaar la ah iney soo celiyaan Soomaalida uxiran, hadii ay helaan dowlad kala wareegta

    Yemen iyo Cuman oo diyaar la ah iney soo celiyaan Soomaalida uXafiiska ladagaalanka burcad-badeeda Puntland ayaa soobandhigay xog ku saabsan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran caalamka, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay in ay la xiriiraan xafiisyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yemen iyo Cuman oo diyaar la ah iney soo celiyaan Soomaalida uXafiiska ladagaalanka burcad-badeeda Puntland ayaa soobandhigay xog ku saabsan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran caalamka, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay in ay la xiriiraan xafiisyada xuquuqda aadanaha ee dalalka dhallintoodu ku xiran yihiin.xiran, hadii ay helaan dowlad kala wareegta

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska ayaa looga deyriyay nolosha dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaas oo ku xiran Dalal badan oo Caalamka ah.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay ineysan xiligan Dalka ka jirin Dowlad awood leh oo la xisaabtami karta wadamada sida sharci darada ah ay ugu xiranyihiin dhalinta Soomaaliyeed ee loo heysto falalka burad badeednimo.

Sida la wada ogsoonyahay dhallinyaro Somaliyeed oo tiradoodu kun (1000) gaarayso ayaa ku xiran kow iyo labatan (21) dal oo ka baxsan Somaliya,, kuwaas oo ku eedaysan fal-dambiyeed Burcad-badeednimo.

La dhaqanka iyo daryeelka nololeed ee maxaabiistaas ayaa wadamadu ku kala duwanyihiin, oo qaar si wanaagsan oo bini’aadnimo leh ula dhaqmaan iyagoo dhawraya, Xeerka Qaramada Midoobay ee daryeelka Maxaabiista (UN Standard Rules for the treatment of Prisoners), halka wadamada qaarkoodna ay siday doonaan ula dhaqmaan

Waxaa maalmahan dambe qaylo dhaan arintaas dayaca ahi ka soo yeeraysey oo si toos ah Xafiiskan ula soo hadlayey maxaabiista ku xiran dalalka Cumaan iyo Yemen.

CUMAN –Wadanka Cumaan waxaa ku xiran 34 dhallinyaro ah oo xukunkoodu u dhaxeeyo 10 – 25, waxaa xukunkoodu dhacay sanadkii 2011. Dhallintaasi waxay sheegeen, in loo sheegay, in dawladda Cumaan ay diyaar u tahay inay Soomaliya u soo wareejiso haddii ay helaan dawlad danaynaysa muwaadiniintooda.

YEMEN –Sidoo kale, lix (6) Somali ah oo dil lagu xukumay ayaa ku xiran Yemen oo sida ay sheegeen ku xiran Xabsi dhulka hoostiisa ah. Waxay sheegeen in Xukuumadda ka talisa halka ay ku xiran yihiin ay cafis u fidisay, diyaarna u tahay inay Somaliya u soo wareejiso, haddii ay helaan dawlad kala wareegta. Waxay dhallintaasi si gaar ah uga cawdeen Safirka Somaliya u fadhiya Yemen oo ay ku eedeeyeen IN UU LACAG WAYDIISTAY ($7500 Qofkiiba), ka dib markay ka codsadeen inuu dawladda Yemen kala hawlgalo sidii dhallintan Somaliya loogu wareejin lahaa..

INDIA –Tiro boqol iyo labaatan (120) ah ayaa Mumbai, India ku xirnayd ilaa iyo 2012. Tirada imminka ku xiran ayaa ah 118. Labo maxbuus ayaa dhawaan dhintay, sababo la xiriira Caafimaad darro, sida ay waalidiintoodu soo sheegeen.

Si kastaba Xeer ilaaliyaha guud ee Qaran Dr.Axmed Cali Daahir ayaa horay usheegay in Muwaadin Soomalai ah ay ku xiranyihiin 21 wadan oo caalamka kamid ah ayna ku dyaacanyihiin Xabsiyada ay kujiraan maadaama ay nolosha ku adagtahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip