Donald Trump oo la kulmay Ra'iisal Wasaaraha Japan (Daawo Sawirada)

0
Friday November 18, 2016 - 17:44:29 in Wararka by
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo la kulmay Ra'iisal Wasaaraha Japan (Daawo Sawirada)

    Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, ayaa Khamiistii Magaalada New York kula kulmay Ra'iisal Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, kaasoo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, ayaa Khamiistii Magaalada New York kula kulmay Ra'iisal Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, kaasoo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Ra’iisal Wasaaraha Japan, ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyay dunida ee uu qaabilo Donald Trump, oo lagu wado in xafiiska uu la wareego bisha January ee sanadka soo socda.

Gaba gabadii kulankoodan, ayaa waxaa shir jaraa’id qabtay Ra’iisal Wasaaraha Japan oo qura, iyadoo aanu kala qaybgelin Donald Trump, sababo ku aadan fasax dhinaca maamuuska awadii.

Wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu sheegay inuu aaminsan yahay in xiriir is aaminaad leh uu la yeelan karo Donald Trump.

Shinzo Abe oo Donald Trump ku booqday Dhismaha Trump Tower, ayaa kulankaasi ku sifeeyay mid aad u diirnaa, oo arrimo badani ay kaga wada hadleen, inkastoo aanu faah faahin ka bixin.

Dalal ay ka mid tahay Japan, ayaa walaac ka muujiyay hadal uu jeediyay Trump, xilligii uu ololaha madaxtinimada ku guda jiray, markaas oo uu sheegay in Wadamada Qaaradda Asia ay tahay inay bixiyan dhaqaalaha Militariga Mareykanka.

Japan's Prime Minister Shinzo Abe meets with U.S. President-elect Donald Trump (R) at Trump Tower in Manhattan, New York, U.S., November 17, 2016. Cabinet Public Relations Office/Handout via Reuters

Japan's Prime Minister Shinzo Abe meets with U.S. President-elect Donald Trump (R) at Trump Tower in Manhattan, New York, U.S., November 17, 2016. Cabinet Public Relations Office/HANDOUT via Reuters

wadatashi2wadatashi3wadatashi4wadatashi5

Japanese Prime Minister Shinzo Abe, right, listens to questions from members of the press after meeting with President-elect Donald Trump, Thursday, Nov. 17, 2016, in New York. Abe made a stop in New York to meet with the president-elect while en route to an APEC meeting in Lima. (AP Photo/Kathy Willens)

wadatashi7wadatashi8wadatashi9wadatashi91wadatashi92wadatashi93




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip