AMISOM oo ka hadashay ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya
Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya u jooga Howlgalka nabad ilaainta ayaa waxa ay sheegeen in ay sugi doonaan amniga xilliga Doorashada gaar ahaan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalinta AMISOM Francisco Kitana Madera ayaa sheegay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen sugidda amniga xilliga Doorashada.
Waxa uu sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan sidiiSoomaaliya ay uga dhici laheyd Doorasho loo mideysan yahay.
Danjire Franciscooo ka hadlay weerarada Shabaab ayaa sheegay Shabaab in ay weeraro ka geysan karaan goobaha Doorashada balse dhankooda ay ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada Shabaab.
Ugu dambeyntiiFrancisco Kitana MaderaWakiilka Midowga Africa u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya in aysan saameyn ku yeelan doonin Doorashada Soomaaliya.