Wasiir Odowaa oo ku guuleystay kursiga 15aad ee Aqalka hoose

0
Thursday November 17, 2016 - 17:47:47 in Wararka by
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Odowaa oo ku guuleystay kursiga 15aad ee Aqalka hoose

    Cabdi raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Wasiirka arimaha gudaha Somaliya ayaa ku guuleystay kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka Somaliya, Kadib doorasho ka dhacday goordhow Magaalada Cadaado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Wasiirka arimaha gudaha Somaliya ayaa ku guuleystay kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka Somaliya, Kadib doorasho ka dhacday goordhow Magaalada Cadaado.

Wasiiir odowaa ayaa Maxamed Cabdu laahi Dhaga-cade ka guuleystay kadib markii ay ku wada tartameen kursigii 15aad ee Xildhibaanada ka soo galeysa dhanka Galmudug.

Gudiga doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Wasiirka arimaha gudaha Somaliya Cabdi raxmaan Odowaa uu helay 46Cod, halka Dhaga-cade uu isna la yimid 5 Cod oo kaliya.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliya ayaa horay loo sii saadaalinayay inuu ku guuleysanayo doorashada, Maadaama ay aad isugu dhawyihiin Madaxweynaha Somaliya iyo kan Maamulka Galmudug.

Inta badan Xildhibaanada hada ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa ah kuwo ay isku Siyaasad yihiin Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale doonaya inuu Dalka sii hogaamiya Afarta Sano ee soo socota.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa iney Cadaado ka sii socoto doorashada xubnaha Aqalka hoose, waxaa hada la doortay oo kaliya 15 Mudane iyadoo qorshaha uu yahay in la doorto 36 Xildhibaan oo Galmudug ay ka heshay Baarlamaanka soo socda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip