UNHCR oo ka codsatay dalka Norway in ay ka laabato dib u celinta qaxootiga Soomaalida

0
Thursday November 17, 2016 - 17:44:30 in Wararka by
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNHCR oo ka codsatay dalka Norway in ay ka laabato dib u celinta qaxootiga Soomaalida

    Hay'ada u qaabilsan Qaramada Midoobay Qaxootiga UNHCR ayaa ugu baaqday dowladda Norway in ay ka laabato go'aanka dib loogu celinayo qaxootiga Soomaalida ah wadankooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'ada u qaabilsan Qaramada Midoobay Qaxootiga UNHCR ayaa ugu baaqday dowladda Norway in ay ka laabato go'aanka dib loogu celinayo qaxootiga Soomaalida ah wadankooda.

Qoraal ah oo ka soo baxay UNHCR ayaa Dowladda Norway waxaa looga codsaday in ay wax ka bedel ku sameyso go’aanka ay ku soo celinayso Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda.

UNHCR ayaa ku doodeysa in uusan jirin amni la isku halayn karo dalka Soomaaliya oo ay weli halis ku yihiin ururka Alshabaab. Sidoo kale Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay Qaxootiga ku nool Norway in ay hada heystaan nolol wanaagsan oo aysan dooneyn in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, ilaa dalka uu ka noqdo amaan.

Wasiirka Socdaalka ah ee Dowladda Norway ayaa waxa ay sheegtay in hada ay wadaan qorshe dib loogu soo celinayo 1,600 oo ruux oo qaxootiSoomaali ah.

Dowladda Norway ayaa horey waxa ay u sheegtay in ay soo celineyso Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Dalka Norway, iyadoo dadka Soomaalida ah ee aan sharciga haysan kuna nool dalka Norway ay kumanaan gaarayaan.

Warkan ka soo baxay UNHCR ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowlada Kenya ay muddo lix bilood ah ku kordhisy waqtigii ay u qabatay inay ku xireyso xerada qaxootiga ugu weyn caalamka ee Dhadhaab halkaa oo ay ku nool yihiin qaxooti Soomaali ah oo tiradoodu ka badan tahay saddex boqol oo kun.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip