Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya oo saldhigtay Nairobi

0
Thursday November 17, 2016 - 13:30:02 in Wararka by
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya oo saldhigtay Nairobi

    Safiirkii Imaaraadka Carabta u qaabilsan SoomaaliyaMaxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa saldhig KMG ah ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu si dhow ugala socdo xaalada Doorashooyinka iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirkii Imaaraadka Carabta u qaabilsan SoomaaliyaMaxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa saldhig KMG ah ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu si dhow ugala socdo xaalada Doorashooyinka iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Safiirka uu maalmihii la soo dhaafay kula kulmay magaalada Nairobi Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiin Kenyan ah, kaasoo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo danaha Imaaraadka ka leeyahay.

Imaaraadka Carabta ayaa taageereyaa Musharaxiin gaar ah, si ay uga takhalusto Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerayaashiisa oo mar kale dadaal ugu jira inay xukunka ku soo laabtaan.

 

Amb. Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa labadii bil ee u dambeeya imaan magaalada Muqdisho sababo la xiriira dhaleeceyn uu muddooyinkii u dambeeyay uu kala kulmay dowladda iyo dhinacyo kala duwan oo ku aadan inuu kuxadgudbay anshaxa iyo xeerka diblomaasiyadda, isla markaana uu faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyada.

Inta badan shaqaalihii Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa sababo aan la shaacin looga qaaday Muqdisho, waxaana laga yaabaa in arrintan la xiriirto fara gelinta tooska ah uu Imaaraadka ku hayo arrimaha Soomaaliya iyo dhaleeceynta uga imaanaysa Dadka Soomaaliyeed.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxtooyada Kenya si aan toos aheyn walaac ka muujisay dhaq dhaqaaqyada uu Safiirka Imaaraadka Carabta ka wado Nairobi.kaddib markii dhowaan uu ka dhacay wajigii labaad shirkii Abu Dhabi oo dhex maray Musharaxiinta kala ah Cumar C/rashiid, C/raxmaan C/shakuur, Shariif Xasan, Axmed Madoobe iyo Musharax kale oo qarsoon.

Kulankaas oo todobaadkii hore soo dhamaaday ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, kaddib markii qaar ka mid ah Musharaxiinta ay iska soo dhex saari waayeen hal musharax, isla markaana Musharax walba uu go’aansaday in uusan u tanaasuleyn midba midka kale.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in kulan kale uu ka dhaco Nairobi maalmaha soo socda, iyadoo Madax ka tirsan maamul goboleedyada iyo Musharaxiin dhowr ah ay tagi doonaan, si ay ula kulmaan Safiirka Imaaraadka Carabta oo isaga si KMG ah howshiisa Safaaradda Muqdisho uga wada Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka gudbiso dacwad Safiirka Imaaraadka Carabta oo ku aadan hab dhaqankiisa iyo fara gelinta uu ku haayo siyaasada arrimaha gudaha, waxaana dacwadaas wehlin doona eedeymo la xiriira musuq maasuq mashaariic horay Imaaraadka Carabta uga waday Soomaaliya oo aan loo fulin sidii balanta aheyd.

Mashaariicdaas ayaa waxaa ka mid ah dhismaha Isbitaalka Sheekh Zaa’id oo laga hirgeliyay dhismihii Xaruntii Visha Bra ee degmada Shingaani, waxaana qarasha loogu tala galay dhismaha Isbitaalkan uu yahay mid ka badan kan Turkiga ku dhisay Isbitaalka Digfeer, waxaana dad badan ay sheegaan in isbitaalka Sheekh Zaa’id iyo midka Digfeer ee loogu magac daray Madaxweynaha Turkiga aanay isku heer aheyn,

Imaaraadka Carabta ayaa saameyntiisa siyaasada Soomaaliya ay sii xoogeysatay saddexdii sano ee u dambeeyay, kaddib markii uu sanadkii 2014 Safiir u soo magacaabay Soomaaliya, Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamaadi oo horay u ahaan jiraysarkaal sirdoon oo ka howlgala Qeybta Imaaradda Ajman.

xigasho:-jowhar.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip