Roob Lixaad leh oo subaxaan ka da'aya Magaalada Muqdisho
Labo maalin ka hor ayaa ayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka laga sameeyay Salaad roob doon, iyadoo Alle looga baryay inuu roob u keeno, iyadoo abaaro dadka iyo duunyada saameeyay ay ka jiraan gobolada dalka.
Roobabka saakay daaya ayaa la soo sheegayaa in qaar ka mid ah deegaanada muqdisho u dhawdhawinn ay iyana ka da'yaan kaasoo shalay bilowday subaxdii hore haatan bilowday subaxdaan oo uu weli ka da’ayo magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku dhow dhow, waxaana la soo sheegayaa inuu istaagay isu socodkii dadka iyo gaadiidka iska kala goosha deegaanada muqdosho iyo agagaaraheeda
wararka ayaa sheegaya in Roobabkii Deyrta oo soo daahay ay sabab u ahaayeen in gobolo badan oo dalkeena ka mid ahi in ay abaar ka dhacdo, iyadoo xoolo badan ay ku le’deen dadkana ay ku rafaadeen iyadoo biyo la;aan darteed ay ugu geeriyoodeen dadka qaasatan caruur iyo waayeel iyadoo ugu badnaayeen waxa ay abaartu leysay duunyada xoolaha riyaha,idaha iyo lo'ada oo ah kuwa u jilicsan.
banaabaxyadii roob bariga ahaa alle ayaa kaaqbalay dadkii salaadda roobdoonka ahyed ku tukaday gobollada dalka al xamdullilaahi rbil caalamiin maanta dadka iyo duunyaduba way qabowsadeen
Roob Lixaad leh oo subaxaan ka da'aya Magaalada Muqdisho
Roob xooggan ayaa saakay ka da'aya magaalada Muqdisho, iyadoo roobkaasi uu hakiyey isku socodkii dadka iyo gawaarida. Roobkaan ayaa biyo dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana hakaday gaadiidka isaga kala gooshaya degmooyin