Ciidan ka tirsan howlgalka Amisom oo shaqada laga fariisinaayo

0
Thursday November 17, 2016 - 10:35:04 in Wararka by
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidan ka tirsan howlgalka Amisom oo shaqada laga fariisinaayo

    Ugu yaraan 1,500 Askari oo ka tirsan ciidanka Uganda ayaa la isugu geeyay Xeradda Tababarka Qadaafi oo ku taalla Degmadda Jinja, kuwaasi oo shaqada ka fariisan doona sannadka soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 1,500 Askari oo ka tirsan ciidanka Uganda ayaa la isugu geeyay Xeradda Tababarka Qadaafi oo ku taalla Degmadda Jinja, kuwaasi oo shaqada ka fariisan doona sannadka soo socda.

Ku-xigeenka Afhayeenka dalkaasi, G/le Henry Obbo ayaa sheegay in ciidankaasi la barayo sida ay ula qabsan lahaayeen nolosha rayidka marka ay Hawlgab ka noqdaan Hawlaha Millateriga.

Tan iyo sannadkii 2014-kii waxaa Uganda ka socda Barnaamij sannadeed qaar ka mid ah Ciidanka ku noqonayaan Hawlgab.

Ku-dhawaad 4,500 Askari ayaa Hawlgab noqday sababo la xiriira da’da oo weynaatay, caafimaad-xumo iyo Askarta aan muddo dheer dalacaad helin.

Askarta sannadkan Hawlgabka noqonayso waxaa ku jira qaar ka mid ah Ciidanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Amisom, inkastoo aan la sheegin tirada rasmiga ee Hawlgabka ka noqonayso.

In ka badan 6,000 Askari oo u dhalatay dalka Uganda ayaa qeyb ka ah Hawlgalka Amisom, kuwaasi oo Somaliya ku sugnaa tan iyo sannadkii 2007-dii.

Dowladda Uganda ayaa hormuud waxa ay u tahay howlgalka ciidamada Amisom ay ka wadaan Somaliya.




Ciidan ka tirsan howlgalka Amisom oo shaqada laga fariisinaayo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip