Madaxweyne ku xigeenka Puntland "Nabbada Gaalkacyo ma wanaagsana in magaalo kale loo aado"

0
Wednesday November 16, 2016 - 10:21:33 in Wararka by
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Puntland "Nabbada Gaalkacyo ma wanaagsana in magaalo kale loo aado"

    Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in nabadda magaalada Gaalkacyo haboon tahay in looga dambeeyo odayaasha dhaqanka iyo culumada gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in nabadda magaalada Gaalkacyo haboon tahay in looga dambeeyo odayaasha dhaqanka iyo culumada gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, wuxuu soo hadal qaaday in siyaasad ahaan loo wajahayo nabbada magaalada Gaalkacyo, taasina aysan habooneyn, islamarkaana loo baahan yahay in waxgaradka magaalada looga dambeeyaa nabbada magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka ay xalin karaan shaqadaadii dhawaanahaan ka dhacday magaalada, balse siyaasiyiinta xalka saxiixi karaan marka ugu dambeyso oo nabbada magaalada lagu guuleysto.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in iminka aysan wanaagsaneyn in nabad galyada magaalada Gaalkacyo loo tagaa magaalo kale, laakiin wuxuu amaanay maamul goboleedyada dalka ka jira sida ugu dadaaleen dhameynta dagaaladii magaalada ka dhacay.

"Waxaan qabaa anigu in nabada magaalada aysan habooneyn in loo aadaa magaalo kale, waxaana wanaagsan in odayaasha dhaqanka loo madax banaaneeyaa nabadeynta Mudug ugu dambeyna siyaasiyiinta isla gartaan, laakiin ma haboona in hab siyaasadeed loo wajahaa xalkaā€¯ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka socdo shirar kala duwan oo la doonayo in lagu dhameeyo xiisadihii dagaal ee ka dhacay galbeedka magaalada. iyadoo arrimaha xalkaasi magaalda ksimaayo lagu ballamay in lagu soo gunaanado




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip