Shirweynaha 5aad ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida oo furmay "SAWIRRO"

0
Wednesday November 16, 2016 - 10:11:04 in Wararka by
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha 5aad ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida oo furmay "SAWIRRO"

    Shirweynahii Shanaad ee Wakaaladaha Wararka ee Dunida ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baku ee xarunta dalka Azerbaijan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynahii Shanaad ee Wakaaladaha Wararka ee Dunida ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baku ee xarunta dalka Azerbaijan.

Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa goordhaw furay shirka, waxaana uu ka qeyb galaayasha kula dar daarmay inay xoojiyaan wada shaqeynta ka dhexeysa Madaxda Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida.

Shirka waxaa dhanka Soomaaliya uga qeybgalayo Guddoomiyaha Golaha guud ee Warbaahinta Qaranka ahna Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala iyo Madaxa Qeybta Carabiga ee Wakaaladda Cumar Faarax.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shiran ay tahay markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ka qeyb gasho oo ay xubin buuxdo ka noqoto Midowga Wakaaladaha Wararka Caalamka, isla markaana si rasmi ah shirkaasi looga shaacin doono xubinnimada SONNA ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida.

Guddoomiyaha Golaha guud ee Warbaahinta Qaranka ahna Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in 18-ka bishan oo ku beegan maalinta Jimcaha bandhig sawireed lagu qaban doonoCaasimadda Azerbaijan eeBaku, isla markaana ay shirkaasi ku soo bandhigi doonaan sagaal sawir oo ka turjumaya dhaqanka, dalxiiska, Jugraafi ahaan halka Soomaaliya ku taalo, taasi oo ka saacideysa in 93 Wakaaladooda wararka ay xog rasmi ah ka helaan Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

15057942_10154277513227762_1653745580_n15086329_10154277513257762_1909557001_n15086446_10154277513252762_1252597038_n15086906_10154277513212762_1866026357_n15087002_10154277513247762_2052816840_n

15057948_10154277513237762_2019055029_n




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip