Wajiga 1aad ee doorashada Aqalka Hoose oo maanta ka bilaabaneysa Jowhar

0
Wednesday November 16, 2016 - 10:07:32 in Wararka by
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wajiga 1aad ee doorashada Aqalka Hoose oo maanta ka bilaabaneysa Jowhar

    Wajiga koowaad ee doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Jowhar, iyadoo illaa 13 kursi lagu tartami doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wajiga koowaad ee doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Jowhar, iyadoo illaa 13 kursi lagu tartami doono.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle oo maalin ka hor soo gudbiyay shaxda ay u dhaceyso doorashada Aqalka Hoose ayaa wajiga koowaad ku soo bandhigay kuraasta 13 qabiil oo ay Musharaxiintooda ku tartamayaan.

Kursiga koowaad ee Aqalka Hooseayaa waxaa ku tartami doona Khadiijo Maxamed Diiriye oo tan iyo sanadkii 2000 xilligii dowladii Carte soo aheyd Xildhibaan iyo C/llaahi Maxamuud Xayl

Sidoo kale doorashada ugu adag Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ayaa waxaa ku tartami doona C/qaadir Cali Cosoble, Muxiyaddiin Xasan Jurus iyo Xuseen Raagge Shiraar.

Kursigan ayaa lagu tilmaamay kursiga ugu adag ee doorashada aqalka Hoose ee Hirshabeelle, maadaama musharaxiinta is haya ay dhaqaale fara badan ku bixinayaan hanashada kursigaas.

Halkan hoose ka akhriso shaxda 1aad ee doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeelle:-

shax11



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip