WAA WARARKA WARGETYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA NOVEMBAR 2016-KA

0
Wednesday November 16, 2016 - 09:19:18 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGETYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA NOVEMBAR 2016-KA

    MAXAA KA SOO BAXAY KULANKII KA DHACAY GAALKACYO ? Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay la kulmay guddigii khi aafaadka Puntland ay u wakiilatay kulamada ku salaysan nabadaynta magaalada Gaalkacayo, wa xaana kulankaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAA KA SOO BAXAY KULANKII KA DHACAY GAALKACYO ? Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay la kulmay guddigii khi aafaadka Puntland ay u wakiilatay kulamada ku salaysan nabadaynta magaalada Gaalkacayo, wa xaana kulankaasi ka qayb galay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Shar maarke iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating.

Kulankan shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo ayaa Madaxwe ynaha waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, saraakiisha ciidamada, qay baha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin kamid ah madaxtooyada Puntland, xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka iyo colaadda Gaalkacayo ee Dawladda Puntland ayaa loo xilsaaray inay bul shada Gaalkacayo wada tashiyo kala yeeshaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda magaalada Gaal kacayo isla markaana loo xaqiijin lahaa arrimaha sababay inay soo noqnoqdaan khilaafaadka dhex yaalla bulshada magaalada Gaalkacayo.

Xubnaha guddiga iyo odayaasha kala duwan ee gobolka mudug waxay si wada jir ah ugu soo bandhigeen warbixino iyo macluumaad dheeraad ah oo ku salaysan taariikhda soo jireenka ah ee magaalada Gaalkacayo iyo qaabkii ay u wada degenaa yeen bulshada ku dhaqan magaalada.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo madasha ka ha dlay ayaa xu bnaha guddiga iyo odayaasha magaalada Gaalkacayo ku adkeeyey in dedaal dheer lagu bixiyo sidii loo soo afjari lahaa colaadda magaalada Gaalkacayo.

” Waxaan ku raja weynahay in aan xal u helno dhibaatada magaalada Gaalk cayo, guddi aha an iyo bulshada Gaalkacayo waxaa la idinka rabaa sidii hore aad u raa din jirteen nabadgelyada ina ad uga sii shaqaysaan raadinteeda iyo in magaalada Gaalkacayo ay dhibaatada ka baxdo.

CIIDANKA "DAHSOON" EE TRUMP EE FACEBOOKGA..

Boggan ayaa ka mid ah kuwa ay adeegsadeen taageerayaasha Trump

Guushii taariikhiga ahayd ee Donald Trump ee doorashadii madaxweynimmo ee wadanka Mareykanka ee dhacday 8dii November ayaa dad badan si la yaab leh u arkeen.

Saadaashada iyo ra'yi urrurinta laga sameeyey dadka ka hor doorashadda ayaa hoos u dhaga ysay taageeradiisa iyadoo dad tiro yar oo wax saadaaliya ay siiyeen fursad.

Laakiin codbixiyayaasha Trump si wayn ayay ugu soo baxeen codeynta,iyadoo ku gambanay ey Facebookga.

Kumanaan kun oo bogag lagu taageerayo Trump oo laga sameeyey gudaha wadanka ayaa si wayn ugu faafay baraha busladda, waxay ahaayeen kuwa dadka u furnaa iyo kuwa dad gaar ah xu bno ka ahaayeen, badankood waxaa xubno ka ahaa dad aan ka badnayn boqol, laakiin badankood kumaankun ayaa xubno ka ahaa, laakin sida midka lagu magacaabo American Patriots for Donald J. Trump wuxuu leeyahay boqolaal kun oo dad ku taxan.

"Xaqiidii ma jirto meel aad ka hadli kartid oo aad si wanaagsan wax uga sheegi karto Trump" ayay tiri Ann Luen, oo ku nool deegaanka Fort Lauderdale, ee gobolka Florida ahna qofka bilaabay bogga Americans for Trump Facebook group.

"Dadku way ka cabsanayeen inay taageeradoodda siiyaan Trump iyagoo horjooga qoysasko oda iyo asxaabtoodda" ayay tiri.

Waxay kaloo intaasi raacisay " Waxaa jirtay in badan oo isqarin ah oo nagu saabsan".

Tani waa cabashada ay qabaan taageerayaasha Trump, kuwa badan waxay leeyihiin waxaa af-ka na qabtay siyaasad islasaxsan,warbaahinta iyo waliba xitaa dariskeenna.

Facebookga Luen wuxuu leeyahay 56 kun oo xubno ka ah, waxay sheegtay in ay isku dayay so inay sheekadda ku ilaaliso kuwa aan xanaf lahayn, iyadoo ka mamnuucaysa kuwa ku gudbiya hadaladda qadaf ah, ismuujiya ama soo gudbiya hanjabaadyo.

Kooxo badan oo taageerayaasha Trump ayaa wadaaga wararka iyagoo inta badan u gaystay ku jees jeesa ama hadallo qalafsan u gaysta Hillary Clinton waxaynna wararka dhabta ah ee taageer aya Trump ku xiriirin jireen warar been abuur ah.

"Obama wuxuu ku dhashay Kenya"

Hadallada beenta ah ee aadka loogu wadaagay boggagan waxaa ka mid ahaa in Baadariga madhabta Katooliga Pope Francis uu taageeray musharaxa Jamhuuriga [Donalnd Trump], Obama oo "qirtay in uu ku dhashay Kenya" iyo Hillary Clinton oo dishay sarkaal ka tirsan FBIda.

Wararkan ku tiri ku teenta ah ee sidan caadiga ah u faafay intii lagu jiray olalaha waxaa aasa asaha Facebookga Mark Zuckerberg lagu dhaliilay in aannu wax badan ka qaban beenabuurayaasha awoodda badan, taas jawaabteeda wuxuu balanqaaday in uu joojin doonno wararka been abuurka ah, isagoo sidoo kale beeniyey in sheekooyinka been abuurka ah ay doorashadda xagal daaciyeen.

Joshua Benton, oo aka tirsan Harvard University, wuxuu farta ku fiiqay in tiro sheekooyin been abuur ah in lagu wadaagay Facebookga in ka badan in ka badan sheekooyinka dhabta ah ee baarit aanka Trump & Clinton.

Sida ay sheegayso xarunta daraasaadka ee Pew Research in ka badan 60% dadka waa wayn waxay ka heleen macluumaadka doorashadda baraha bulshada , taasi oo ka badan 49% intii lagu jiray doorashadii 2012.

Wareysigiisii ugu horeeyey ee uu axaddii Trump siiyey Telefishinka CBS Axadii wuxuu qirtay in baraha bulshada ay u horseedeen guushiisa, wallow Clinton ay gobollo muhiim ah ku kaga guulays tay.

"Waxaan filayaa in baraha bulshada ay leeyihiin awood ka badan lacagta ay bixiyaan, wax aana filayaa in taasi xaqiijinayso jiritaanka, taas waan xaqiijiyey" ayuu yiri.

NUSOJ OO CAMBAAREYSAY XARIGA RADIO GALGADUUD

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ) ayaa cambaareeyay falka Ciidanka Ahlu- sunna ay ku xireen Radio Galgaduud oo ku yaalla Magaalada Guriceel.

War Qoraal oo ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ) oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Idaacadda Risaala ayaa si kulul loogu cambaareeyay falka lagu xiray Radio Galgaduud.

NUSOJ ayaa sheegtay in ay ka xun tahay falkan lagu xiray Radio Galgaduud, waxaana ay ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo Radio Galgaduud, sidoo kalena lagu soo celiyo qalabkii xarun ta laga qaatay.

Ciidanka Ahlu sunna ayaa habeen hore abaare 10:00 Habeenimo waxa ay gudaha u galeen xarunta Radio Galgaduud uu ku leeyahay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana ay Hawada ka saareen Idaacadda, iyagoo sidoo kale qaatay qaar ka mid ah qalabkii Idaacadda yaallay.

KENYA OO BEENISAY EEDEYN LOO JEEDIYAY

Dowladda Kenya ayaa beenisay war ka soo yeeray Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International, kaas oo ku aadanaa Kenya in Qaxootiga Dhadhaab ay ku qasbayso in ay ku laabtaan dalkooda.

Afhayeen u hadlay Dowladda Kenya oo lagu magacaabo Eric Kiraithe ayaa sheegay warka ka soo yeeray Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International in uu yahay mid been abuur ah oo sal iyo raad midna aan laheyn.

Waxa uu sheegay Dowladda Kenya in ay ilaaliso xuquuqda ay leeyihiin Qaxootiga Dhabaab, sidoo kalena mar walba ay ku dadaasho sidii ay ugu gar gaari laheyd Qaxootiga.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Qaxootiga ku soo laab anaya Soomaaliya in ay yihiin kuwo iskooda u soo laabanaya oo aysan aheyn kuwa Dowladda Kenya ay soo qasbeyso.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa hadalo is khilaafsan ka sheegay xiritaanka ay dowladooda la damacsan tahay xeryaha Dhadhaab.

AKHRISO MAGACYADA MUDANAYAASHA KU SOO BAXAY DOORASHADA AQALKA HOOSE EE KA SOCOTA KISMAAYO

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbalanad waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socotay doorashada xubnaha maamulkaasi u metelaya aqalka hoose ee dalka.

Shalayna waxaa magaaladaasi lagu soo gabgabeeyay wajiga Lixaad ee doorashada xubnaha aqalka hoose ee dalka iyadoo ay ku soo baxeen doorashadii shalay Shan mudane oo ka mid noq onaya aqalka hoose.

Mudanayaasha shalay la doortay oo ka kooban Shan ayaa kala ah Sahro Xaaji Xuseen, Max amed Nuur Iftiin. Cambaro C/qaadir Maxamed, Cismaan Sagaar Ibraahim, iyo Cabdi Fitaax max amed Cali.

Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maal maha soo aadan la soo gabagabeeyo iyadoona maglaada Kismayo laga dareemyo ololaha door ashooyinka

FAAHFAAHIN: MADAAFIICDA LAGU GARAACAY DEGMADA DEYNIILE EE GOBOLKA BANAADIR..

Inta la xaqiijiyay 6ruux ayaa wax ku noqday kadib markii tiro madaafiic ah ay shalay ku dhac een xaafado kamid ah degmada Deyniile ee Gobolka Ban aadir.

Madaafiic lagu qiyaasay ilaa 5madfac ayaa ku dha cay gudaha degmada deyniile, qaar kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay kaalin shidaal oo ku taala isgoyska ifka xalane ee ah oo goob u dhow Garoonka Stadium Muqdi sho oo Saldhig Malatari ay ku leeyihiin Ciidamada Midow ga Afrika ee AMISOM ee Soomaliya ku sugan.

Sidoo kale madfac kale oo ku dhacay guri ku yaala degmada deyniile ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay haw eeney, halka ay ku dhaawacmeen 5ruux oo ku sugnaa guriga uu madfaca ku dhacay oo ku yaala deg madaas sida goobjooge ku sugan halkaas uu u sheegay idaacadda Simba.

"Waxaan haatan ku suganahay isgoyska ifka Xalane waxaa kusoo dhacay 5madfac oo laga soo tuuray isla gudaha degmada deyniile, madfac kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay guri ay dag anaayeen dad shacab ahaa halkaas waxaa ku dhintay, hooyo Soomaliyeed, waxaa sidoo kale ku dha awacmay wiil ay dhashay iyo gabar iyo walaasheed iyo qof dariska ahaa,walina lama aasin xiligaan, bartilmaameeddka madaafiicda ayaa ahaa xarunta Ciiamada Amisom ee Garonka Staidum Muqd isho”, ayuu yiri qof goobjooge ahaa.

Ilaa haatan ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada madaafiicda shalay lagu garaa cay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaase xusid mudan in horey sidaan oo kale madaafiic loogu garaacay degmadaas.

Dhanka kale Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika Amisom iyo kuwa Booliska dowl adda Soomaliya ayaa gaaray goobihii shalay ay ku dhaceen Madaafiicda ee degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxayna la kulmeen Eheladii dadkii ay waxyeelada soo gaartay

CIIDDANKA BADDA EE MIDOWGA EUROPE KA JOOGA XEEBAHA SOMALIA OO XILLIGA LOO KORDHIN DOONO.

Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe ayaa la rajeynayaa inay dhowrka isb uuc ee soo socda ku dhawaaqaan in xilliga loo kordhiyey Ciiddanka Badda ee ilaaladda ka haya Xe ebaha Geeska Afrika.

Xillihawleedka Ciiddanka Badda ee Atalanta (EUNavfor) waxa uu ku eg yahay dabayaaqadda sannadkan, iyadoo ay u joogaan Xeebaha Somalia si ay ula dagaalamaan Burcadbaddeeda ka qowl eysata Xeebaha Somalia.

Madaxda Midowga Europe ayaa la filayaa inay ugu yaraan 12 bilood ku kordhiyaan Xilli hawle edka Ciiddankooda ka jooga Xeebaha Somalia.

Hawlgalka EUNavfor waxaa la asaasay bishii December ee sannadkii 2008dii, kadib, markii ay weeraro Burcadbaddeednimo ka dhaceen Gacanbiyoodka Cadan iyo Badweynta Hindiya.

Bishan November, waxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM muddo hal sanno ah ugu kor dhiyeen Hawlgalka Ciiddanka Caalamiga ee Ladagaalanka Burcadbaddeeda ku sugan Badda So malia.

Dhinaca kale, Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay dalal ay ka mid yihiin Raashiya, Shiinaha, Ja pan, Australia iyo Koonfurta Kuurya ayaa iyagana qeyb ka ah Dadaalka Caalamiga ee lagula dag aa lamayo Burcadbaddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

WASIIR KA TIRSAN MAAMULKA GALMUDUG OO ISCASILAY

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Galmudug Cawil Cabdullaahi Jaamac Ayaa Iscasilay

Wasiir ku xigeenka oo saxaafadda hadal kooban ku siiyay Cadaado ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay wasaaradda diinta iyo awqaafta Galmudug.

Cawil Cabdullaahi Jaamac ayaa sheegay inuu ku wargalinayo dhammaan dadkii uu ku met alayay xilkaasi inuu isaga tegay.

"Waxaan u sheegayaa dhammaan Soomaalida iyo intii aan xilkaan u hayay ee aan u dhaartay dhammaan reer Galmudug inaan ka tegay xilkii aan ka hayay wasaaradda diinta iyo awqaafta Gal mudug waxaana xilka uga tagay inaysan qabsoomin ballanqaadkii aan umadda u sheegnay oo mada xweynaha nagu hoggaaminayay ee ahaa in la helo dib u heshiisiin, horumar iyo Amni intiina waa la waayay waxaana dowladdiina dhan ay noqotay wax aan shaqeynin oo xafiis leh” ayuu yiri Cawil Cab dullaahi.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda maamulka Galmudug in shaqadii dowladnimada ay ka dhigeen wax ay ku adeegtaan shaqsiyaad gaar ah.

Bishii la soo dhaafay ee Octobaree sanadkani 2016ka ayay ahayd markii wasiirro ka tirsan isla maamulkaasi Galmudug ay iscasileen kuwaasoo ka kala tirsanaa labo wasaaradood oo aan ku jirin wasiirka shalay iscasilay wasaaraddiisa.

HAY’ADA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA OO KA DIGTAY XAALADAHA ABAARTA DALKA ..

Hay’ada Maareynta Masiibooyinka Qaranka Somaliya, ayaa ka digtay xaalad Qatar ah oo aba areed oo dalka ku soo fool leh, xilli abaar xoogan iminkaba ay ka taagan tahay qaar ka tirsan Gobol ada dalka Somaliya.

Madaxa dabagalka iyo kormeerka ee Hay’adaasi Maxamuud Sheekh Xasan, ayaa sheegay in xaalad Qatar ah ay ka jirto qaar ka tirsan Gobolada dalka Somaliya.

Waxa uu sheegay xoolaha inay iminka u dhimanayaan xaalad abaareed oo taagan, sidoo kalena suuragal ay tahay hadii abaarta ay sii xoogeysato in dadka ay u dhintaan marxalada la joogo.

"Maamullada wey ogyihiin annagane baaq dheer baan soo jeedinney, marka hore abaar wey dhacday, abaartaasi saameynta inta ay la egtahay waa in la ogaado, waxqabadka Koowaad waa ina an u jeedinno baaq oo hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada Soomaaliyeed qabtaan wixii ay awo odaan, maamulladana sidoo kale, dalka ma leh keyd dhaqaale, wadanka xilli qatar ah ayuu soo mar ey, waa wadan hadda Eber kasoo billaabay, doorashada iyo abaarta ayaa is waafaqay, hase ahaatee wixii loo baahnaa ama la dhihi karey waan dhahnay, balse waxaad moodaa in lagu guda jiro in wixii la qaban karo la qabto”

Gobolada hada ay ka taagan tahay xaaladaha qatarta ee Abaarta ayaa waxaa ka mid ah mar ka laga hadlaayo Koonfurta Somaliya Gobolka Gedo iyo Gobolka Jubbada hoose.

"Meelaha hadda ugu daran gobollada Koonfureed waa Gedo iyo Jubada Hoose, gobollada dhexe waa Mudug, Waqooyi Galbeedna waa Togdheer iyo kuwo kale, marka dedaal badan waa la wadaa, ka warqab la’aan ma jirto marka nabaad guurka dhirta ee dalka ku dhaceysa ayeey abaarta sii nugleysay, haddii bilahan aysan di’in roobka waxaa laga yaabaa in dalka xaalad degdeg ah uu ga lo oo mushkiladda intaan kasii badnaato, dadka hadda xoolahoodii dhimashada billaabeen waxay ku xigaya dadka marka taas ayaa laga baqayaa”

Daraad ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu dukaday Salaad roobdoon ah oo cul imada ay u duceysay Umadda Islaamka Somaliyed in dhibaatada uu ilaahey ka saaro.

UNICEF OO SHEEGTAY IN 20,000 CARUUUR AH AY QAYB KA AHAAYEEN DADKII KU BARAKACAY DAGAALADII GAALKACYO

Warsaxaafadeed Hay’adda caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ay kasoo saartay xafiis ka ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku sheegtay in dagaaladii ka dhacay magaal ada Galkacyo ay ku barakeceen dad gaaraya 90,000 oo qof kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan 20, 000 caruur iskuuley ah.

UNICEF ayaa waxaa ay sheegtay inay aad uga walaacsantahay in kumaan caruur ah iskuula da ku gafaan dagaalada ka dhacay Galkacyo,waxaa ay intaas ku dartay in dhamaan iskuuladii ku ya alay magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ay ku xirmeen dagaaladaas.

Hay’adda ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in macalimiin ay ku dhaawacmeen dagaalada Galkacyo, 4 iskuula oo ka mid ah iskuulada magaalada ku yaalana ay waxyaalo kasoo gaartay.

UNICEF ayaa tilshalayy in iyada iyo hay’ado ay wada shaqayn kala dhaxayso ay xarumo wax barasho oo ku meel gaar ah ay ka sameeyeen degaanada loo barakacay si wax wabarshadu ay u sii socoto caruurta.

DAD HARAAD UGU GEERIYOODAY GOBOLKA GEDO

Deegaanada Buusaar, Faxfaxdhuun iyo Indhaceel oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gob olka ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa xaalado biyo la’aan ah ugu geeriyooday 3 qof sida qof dee gaanka ah uu Shabelle ugu warramaya.

Mid ka mid ah Waxgaradka Gobolka Gedo oo Shabelle qadka Telfoonka kula hadlay ayaa she egay in xaalad beni’aadanimo oo aad u daran ay ka jirto deegaanadaasi isagoona xusay in aan wax gargaar samata bixin ah dadkaas lala soo gaarin.

Muddooyinkii dambe ayaa abaaro daran waxa ay ka jireen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Waqooyi iyo Kuwa Koofureed ee dalka taas oo ay ugu wacantahay Roob la’aan hareysay deegaanadaasi.

M/WEYNAHA HIRSHABEELLE OO KA HADLAY HOWLGALKA KA DHACAY MIIRTAQWE

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa waxa uu ka hadlay Howlg alka Ciidanka Dowladda ay kula wareegeen Degaanka Miirtaqwe ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa soo dhaweeyay Howlgalkii ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM kula wareegeen Degaanka Miirtaqwa ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana uu bogaadiyay Ciidanka Dowladda.

Waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan Howlgallada ka dhankla ah Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay Shabaab in dhowaan laga saari doono Degaanada Hirshabeelle.

Tuulada Miirtaqwe ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay ka mid tahay tuulooyinka ho os yimaada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

MAXKAMAD SARE OO JOOJISAY XUKUNKII DILKA EE MAXAMED MORSI

Maxamed Morsi ayaa diiday masuuliyada maxkamadaha Masar ay ku xukumayaan

Maxkamadda sare ee Masar ayaa go'aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumay madaxweynihii hore ee Maxamed Morsi, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado.

Sanadkii hore, Mr Morsi ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu eedeeyay xabsi laga bax saday waqtigii kacdoonkii 2011.

Mr Morsi oo ka mid ah xisbiga Akhwaan Muslimiinta ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto kadib kacdoonkii Carabta.

Laakiin waxaa xukunka ka qaaday milatariga 2013dii, kadib mudaaharaadyo looga soo horjee day dowladiisa.

Tan iyo waqtigaas wuxuu u xiran yahay danbiyo kale oo lagu xukumay waqti dhee

WAXGARAD IYO ODAYAAL DHAQAMEED ASHTAKO DEGDEG AH U GUDBIYAY GUDDIGA DOORASHOOYINKA (WARMURTIYEED)

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan dhex maray odayaasha iyo waxgaradka mid ka mid ah beelaha soo xulaya xubnaha aqalka sare iyo kan hoose, waxaana kulankaasi looga ha dlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan saami qeybsiga kuraasta ee beelaha degan gobolada uu ka ta liyo maamulka Galmudug.

Arrimaha ugu waaweyn ee looga hadlay kulankaasi waxaa ka mid ah: in la musuqmaasuqay xulitaanka kuraasta beesha Wacaysle uga soo aaday labada aqal ka dib markii qof haween ah la geeyay kursiga aqalka sare.

Nabadoon Ciise Macallin Maxamuud oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka 135-ta isla marka ana ah mid ka mid ah odayaasha beesha Wacaysle ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug inay dib u eegaan xubnaha beesha u matalaya kursiga aqalka sare.

Warmurtiyeedka ka soo baxay kulanka odayaasha beesha Wacaysle waa kan hoos ku qoran:

Warmurtiyeed iyo go’aan ka soo baxay Beesha Wacaysle

15 /11/2016

Ku: Guddidiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Qaran

Ku: Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Gobol (Galmudug)

Ku: Dowlad Goboleedka Galmudug

Og: Dhammaan Xubnaha beesha Caalamka

Og: Europian Union/UN/IGAD

Og: Danjirayaasha wadamada Dowlaha caalamka u fadhiya Somaliya

Og: Dowlada Somaliya

Anigoo ah Nababadoon Ciise Macallin Maxamud kana mid ah 135-ta odaydhaqameed ahna mid ka mid ah labada oday ee beesha Wacaysle u matesha 135-ta Odaydhaqameed waxaan cadey nayaa in odaygii kale ee Maxamed Cabdi Shido uu sameystay astaan, shaabad iyo Suldaannimo bee nabuur ah, Ka dibna uu iskii u gaarayo go’aano uusan aniga iyo Gudiga Dhaqanka ee beesha Wac eysle midna kala tashan.

Doorashadii xildhibaanada ee dhacday sanadkii 2012 Jufada Maxamed Cabdi Shido ee Abs uge kama helin xubin baarlamaan laakiin Jufada Caligaaf ayaa ku wareejisay Xubintii Barlamaanka oo ay ayagu ku guuleysteen.

Anigu ma ihi labada Jufo midkoodna, Laakin waxaan ahay odey beesha Waceysle ku mala 135-ka oday. Ma jirto meel beesha weceeysle ay ku go’aamisay in xubin gaar ah la siiyo Jufo gaar ah laakin

Maxamed Cabdi Shido oo ah Jufada Absuge ayaa go’aankaas si kalinimo ah ugaaray, go’aan ah in xubintii dumarka uu Jufo gaaro u asteeyo, taas oon abuuri karto khilaaf beesha dhaxdeeda ah.

Sidaa daraadeed anigoo ah midka mida labada oday dhaqameed ee besha Wacysle ku mete sha 135-ta, isla markaana ka mida Gudiga odayaasha Dhaqanka Waceysle ,ma jiro go’aan guud ee naga soo baxay. Mana jirto cid u wakiilatay Nabadoon Maxamed Cabdi shido go’aan ka uu gaaray.

Sidaa daraadeed waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa Gudiga Doorashooyinka Dadban ee xulidda xubnaha Barlamaanka Hoose iyo maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug in doorasha da xildhibanada beesha Waceysle ay go,aan ka gaaraan iyadoo la tixgelinayo saami qaybsiga soo jir eenka ah ee Beesha,si looga hortago khlaaf beesha dhaxdeeda ah.

Nabadoon : Ciise Macallim Moxamuud ee Beesha Waceysle…

SAXIIXA: - GOOBJOOGAYAASHA:

1. Axmed Maxamud Sabriye

2. Xusen Maxamud (Xidig)

3. Abdullaahi Abukar Xasan (Fayfle)

4. Abdi Suudi Hiraabe (suusac)

5. Ali Maxamud Axmed (Faranko)

6. Xasan Maxamed Jimcaale

7. Dowli Cali Axmed

8. Cabdullaahi Xasan Maxamed

9. Muxumad Axmed Abtidoon

10. Xasan Muse Daqare

11. Maxamud Xaaji Axmed Caddawe

12. Abdulle Xassan Maxaad Cali

XIGASHO .SOMALIWEYN.COM

DIB U DHACYO KU YIMID WAJIGA LABAAD DOORASHOOYINKA AQALKA HOOSE EE CADAADO IYO BAYDHABO…

Khilaaf iyo murano ayaa hareeyay doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda xarumaha ma amul goboleedyada, iyadoo uu sii xoogeystay cabashooyinka ka imaanaya beelaha qaar iyo Musha raxiin loo awood sheeganayo.

Waxaa dib u dhac ku yimid wajigii labaad ee doorashada Aqalka Hoose ee shalay ka dhici lah aa magaalooyinka Cadaado iyo Baydhabo ee xarumaha KMG ee maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee labada maamul ee Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa ku tilmaamaya dib u dhacyadan arrimo farsamo iyo murano soo baxay.

Wajiga labaad ee doorashada Aqalka Hoose ee shalay ka dhici lahaa Baydhabo ayaa ahaa kuraasta Xildhibaanada ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo 20 Xildhibaan lagu wado in la soo doorto.

Sidoo kale Doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado ayaa iyana labo maalin dib ugu dhacday arrimo is qab qabsi hareeyay musharaxiinta qaar iyo cabashooyin beelaha qaar ka keenayaan habka loo xulay ergooyinka, iyadoo magaalada la geeyay ergooyin dad gaar ah wataan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Guddiga doorashooyinka heer federaal oo ku aadan bu uqa iyo khilaafaadka hareeyay doorashada Aqalka Hoose ee deegaanada Galmudug iyo Koofur Galb eed

Maamulka Jubbaland ayaa buuq la’aan dhameystiraya doorashada xubnaha aqalka hoose, waxaana muuqata in magaalada Kismaayo aanay ka jirin buuqa iyo muranka ka jira Cadaado iyo Bay dhabo.

Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa qorshuhu yahay in lagu dhameystiro muddo todobaad guda hood, hadii mudadaas dib uga dhacdo, waxaa dib u dhac ku imaanaya doorashada Guddoonka Baar lamaanka oo horay la qorsheeyay inay ku dhacdo 23ka bishan.

Cabashooyinka iyo khilaafaadka cusub ee ka imaanaya deegaanada maamul goboleedyada ayaa waxay hubanta ka dhigi karaa in mar kale dib u dhac ku yimaado doorashada Guddoonka Baar lamaanka labada Aqal iyo tan Madaxweynaha ee lagu wado inay dhacdo 30ka bishan oo 15-maa lmood kaliya ay ka harsan yihiin.

BOGGA CIYAARAHA

SAMIR NASRI OO SHAACIYAY IN PEP GUARDIOLA UU KA MAMNUUCAY XIDDIGAHA MAN CITY INAY U GALMOODAAN XAASASKOODA WIXII KA DANBEEYA SAQ DHEXE HABEENKII.

Samir Nasri ayaa shaaca ka qaaday in Pep Guardiola uu ka mam nuucay ciyaartoydiisa inay galmo sameeyaan wixii ka danbeeya saq dhexe habeenkii, isagoo u sheegay ciyaartoyda inay taasi ta hay qaabkii uu ciyaarta wanaagsan uga soo saaray Lionel Messi iyo Robert Lewandowski.

Nasri ayaa amaah ugu biiray Sevilla xagaagii ka dib markii uu ku guuldareystay inuu boos ka helo tababaraha cusub ee Man chester City Guardiola.

Wareysi uu siiyay jariirada Faransiiska ee L’Equipe, Nasri ayaa u muuqday mid aan ka xumeyn inuu ka tagay City.

Nasri ayaa yiri: "Guardiola waxa uu ku amray ciyaartoydiisa inay galmo sameeyaan wixii ka ho reeya saq dhexe si ay hurdo fiican u helaan, xitaa haddii ay berri oo kale fasax yihiin. Waxa uu Guar diola sheegay inuu sharcigaan ku soo rogay Messi islamarkaana uu horumar ka sameeyay dhanka murqihiisa.”

Nasri ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirkii uu mudadii koobneyd la lahaa Guardiola, isagoo she egay in tababaraha uu u balanqaadi waayay boos joogta ah islamarkaana uu sabab kaga dhigtay in uu cayilay.

"Guardiola waxa uu ii sheegay inaan ahaa mid isku dhex yaacsan, dhowr jeer ayuu sidaas igu yiri, xitaa dabada ayuu iga laaday. "Markii aan ka soo laabtay fasaxa anigoo sannad dhaawa cyo iyo dhibaato shaqsiyadeed ku maqnaa, waxaan ahaa mid yara cayilay. Uma cayilin sida la sheeg ay laakiin afar kiilo ayaa igu korodhay. Guardiola sharcigiisa ayaa ah haddii ay kugu korodho 2.5 kiilo tababar lama qaadaneysid kooxda inteeda kale.

"Guardiola waxa uu ii sheegay in tayada aan leeyahay darteed inay aheyd inaan u ciyaarin Manchester City oo aan joogo Barcelona. Waa wada hadalnay, waxa uu doonayay inaan joogo oo aan u ciyaaro isaga. Waxaan u sheegay, maya, sababtoo ah iima uusan balanqaadi karin boos joo gta ah.

RONALD KOEMAN OO LA DHACAY QAAB CIYAAREEDKA LIVERPOOL EE XILICIYAAREED KAN..

Tababaraha kooxda Everton ee Ronald Koeman ayaa shaaciyay inuu aad ula dhacsanyahay qaab ciyaareedka Liverpool ee xiliciyaareed kan.

Ronald Koeman ayaa sheegay inay xili hore tahay ka hadalka ku guulaysiga Premier League laakiin wuxuu cadeeyay inuu la dhacsanyahay waxa ay soo bandhigayso Liverpool.

Liverpool ayaa laga adkaaday kaliya hal kulan 14kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay ciyaarto, waxayna gaartay 8dhamaadka koobka League cupka.

"Waa xili hore ka hadalka kooxaha u sharaxan koobka, laakiin waxaan aad ula dhacsanahay qaab ciyaareedka Liverpool ilaa haatan” ayuu yiri Ronald Koeman.

"Lagayaabee waxa aan dhahayo inaan laga filan karin tababare Everton ah, laakiin Liverpool waxay ciyaaraysaa kubadd aad u fiican, wayna u qalantaa inay qabato hogaanka”.

"Liverpool waxay leedahay yool xadidan taas ayaana guusha u keenaysa, xaqiiqdii waxaa lag ayaabaa inay ku guulaystaan koobka xiliciyaareed kaan, waxay haystaan fursad fiican laakiin ma ah an kooxda kaliya ee u sharaxan koobka”.

LA GALAXY OO SHAACISAY IN GERRARD UU KATAGI DOONO..

Kooxda horyaalka maraykanka ee LA Galaxy ayaa si rasmi ah u shaacisay in Steven Gerrard uu katagi doono marka uu dhamaysto qandaraaskiisa.

Qandaraaska Steven Gerrard ee kooxda LA Galaxy ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareedka ho ryaalka maraykanka ee MLS, waxaana la xaqiijiyay inuu katagi doono marka uu dhamaysto qan daraaskiisa.

Steven Gerrard ayaa noqonaya laacibkii labaad ee ingiriis ah isla markaana la shaaciyo inuu isaga tagi doono horyaalka maraykanka kadib Frank Lampard.

36 jirka reer ingiriis ayaa isaga tagay kooxdiisa Liverpool xaggaagii 2015, markaas oo uu ku bii ray kooxda LA Galaxy ee horyaalka MLSka maraykanka

KULLAMADA ELMAN AY CIYAARI DOONTO WAREEGA KOOWAAD EE HORYAALKA SOOMAALIYA

Kooxda Elman ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta horyaalka heerka koowaad kaasoo furmi doona maalinta Jimcaha.

Kullanka ugu horeeya horyaalka waxaa lagu furi doonaa kooxaha Elman iyo Heegan oo ka mid ah naadiyada ugu awoodda badan dalkeena Soomaaliya.

Labada ciyaar ee ugu horeyso kooxda Elman ayaa ah kuwo adag waxaana Heegan kaddib ay la ciyaari doontaa naadiga horyaalka difaacaneysa ee Banaadir.

Kullmada ugu adag ayaa Elman waxa ay isugu xigsan doonaan qeybaha dhexe Wareega koo waad, waxaana ayna sixiriir ah ula ciyaari doontaa Gadiidka ,Jeenyo,Dekeeda iyo Horseed.

Sidoo kale Elman ayaa kullamo adag wajaheysa naadiga Waxool iyo kooxaha ku cusub hory aalka xilli ciyaareedkaan ee Bariga Dhexe iyo Muqdisho United.

AKHRISO KULLAMADA WAREEGA KOOWAAD EE ELMAN

01-Jimco/ 18/11/2016 Heegan Vs Elman 15:30pm Banaadir

07-Jimco/25/11/2016 Elman Vs B.S.C 15:30pm Banaadir

13-Khamiis01/12/2016 Elman Vs Waxool 15:30pm Banaadir

19-Khamiis 08/12/2016 Elman Vs B/Dhexe 15:30pm Banaadir

25-Jimco16/12/2016 Elman Vs Gadiidka 15:30pm Banaadir

30-Jimco23/12/2016 Jenyo Fc Vs Elman 15:30pm Banaadir

34-Khamiis 29/12/2016 Dekedda Vs Elman 15:30pm Banaadir

38-Arbaco04/01/2017 Horseed Vs Elman 15:30pm Banaadir

42-Talaado10/01/2017 M. United Vs Elman 15:30pm Banaadir

KOLO TOURE OO KULA TALIYAY WALAALKIIS YAYA TOURE INUU KU BIIRO KOOXDAAN…

Daafaca kooxda Celtic ee Kolo Toure ayaa kulataliyay walaalkiis Yaya Toure inuu isaga tago kooxdiisa Manchester City.

Yaya Toure ayaan u ciyaarin kooxdiisa Man City tan iyo 24August ee sanadkaan, tababare Pep Guardiola ayaana u sheegay inuusan ciyaarsiin doonin ilaa wakiilkiisu uu raaligaliyo kooxda. Laakiin Kolo Toure ayaa kula taliyay walaalkiis inuu hawa gadis sameeyo isla markaana uu u dhaqaaqo horyaalka Faransiiska gaar ahaan kooxda Olympique Marseille.

"Wali waa laacib tayo leh awoodana inuu wax qabto” ayuu u sheegay Kolo Toure idaacada ra dio montecarlo ee dalka faransiiska.

"Dabcan waqti adag ayuu haatan ku qaadanayaa Man City, dhamaanteen waan soo marnay taas oo kale, waxaad tagaysaa meel sare mararka qaarna hoos ayaad u soo dhacaysaa”.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip