Puntland oo ka soo hor jeesatay go'aan la xiriiray Hab qeybsiga Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi
War saxaafadeedka ayaa lagu yiri ‘’Maamulka Puntland waxa uu cadaynaya in ay ku taagan yihiin go’aamadii ka soo baxay kulankii madasha qaran oo ku saabsana xalinta saami qaybsiga iyo hanaanka doorashada xubnaha aqalka sare ee soomaliland iyo sidoo kale heshiiskii 12 abriil 2016 oo soo afjaray hanaanka aqalka sare ee baarlamaanka iyo saami qaybsiga kuraasta belaha wada daga waqooyiga soomaliya kaasi oo ahaa mid dheeli tiran oo loo wada dhan yahay.
Maamulka puntland ayaa sidoo kale sheegay in 3 kursi ay gaar u leeyihiin dadka dega sool, barigga sanaag iyo buuhoodle loona xil saaray madaxda dowladda federaalka soomalia.
Ugu danbeyn maamulka puntland ayaa ku tilmaamay hadalka gudoomiyaha baarlamaanka in uu yahay mid aan la xariirin hab raaci madasha qaran ay ku heshiisay, carqaladna uu galin karo hanaanka doorasho ee dalka dibna u fur-furayo go’aamadii madasha wada tashiga qaran
Puntland oo ka soo hor jeesatay go'aan la xiriiray Hab qeybsiga Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi
War saxaafadeedkan ka soo baxay madaxtooyada maamulka puntland ayaa lagu dhaliilay hadal ka soo yeeray gudoomiyaha baarlamaanka dowladda federalka Mudane Maxamed sh. Osman jawaari kaasi oo la xariiray nidaamka hab qaybsiga aqalka sare ee g/waqooyi.