Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo soo dhaweeysay heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Galmudug iyo Puntland

0
Tuesday November 15, 2016 - 11:32:04 in Wararka by
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo soo dhaweeysay heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Galmudug iyo Puntland

    Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah aqoon yahannada wax ka barata dalka Sudaaan ayaa soo dhaweeyay heshiikii ay gaareen maamulada Galmudug iyo Puntland waxayna ugu baaqeen labada dhinac inay dhaqan galiyaan heshiiskaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah aqoon yahannada wax ka barata dalka Sudaaan ayaa soo dhaweeyay heshiikii ay gaareen maamulada Galmudug iyo Puntland waxayna ugu baaqeen labada dhinac inay dhaqan galiyaan heshiiskaas.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudaan Cabdi wali Xasan Xuseen oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa dalbaday in heshiiska la gaaray sida uu yahay loo dhaqan galiya isla markaane nabada la taageero.

Dhanka kale Maxamed Cismaan Cali ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaaddaasi soo noq noqotay ee u dhaxeysa maamullada Galmudug iyo Puntland, wuxuuna tilmaamay in ay haboon tahay in laga shaqeeyo xasiloonida iyo wada deganaanshaha labada shacab ee isla deggan Gaalkacyo.

Gabagabadii aqoon yahan Maxamed Cali ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo aay u baahantahay nabad ee aysan u baahneen dagaal damba oo ka dhaca, wuxuuna ku boorriyay waxgaradka Gaalkacyo iney nabadda ka wada shaqeeyaan.

Waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee loo jeedinaayo maamullada Puntland iyo Galmudug, ee ah inay ka shaqeeyaan sidii loo dhaqan galin lahaa heshiiska la gaaray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip