Isra'el oo wado qorshe ay ku dhimeysay codka mikrofoonadda loo adeegsado aadaanka salaadda..

0
Tuesday November 15, 2016 - 11:29:09 in Wararka by
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isra'el oo wado qorshe ay ku dhimeysay codka mikrofoonadda loo adeegsado aadaanka salaadda..

    Ra'isalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa taageeray hindise la doonayo in lagu dhimo codka mikrofoonadda loo adeegsado aadaanka salaadda ee Masaajidyadda, isagoo sheegay in uu helay cabashooyin ka imaanaya dadka oo ku aadan in dhaawaqa ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa taageeray hindise la doonayo in lagu dhimo codka mikrofoonadda loo adeegsado aadaanka salaadda ee Masaajidyadda, isagoo sheegay in uu helay cabashooyin ka imaanaya dadka oo ku aadan in dhaawaqa ay dhibaato ku qabaan.
Maalinnimadii shalay guddi dawladdu u xilsaartay arinkan ayaa ka dooday qorshe qabyo ah.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in talaabadan ay ka joojin doonto Masaajidyadda inay isticmaalaan codbaahiyayaasha ay u adeegsadaan aadaanka saaladda 5-ta xilli.

Dadka wax dhaliilaya ayaa sheegaya in qorshah

_92432404__92422167_minaretan uu noqonayo mid aan habboonayn,

In la dhimo dhawaaqa codbaahiyayaasha ayaa wuxuu saamayn doonnaa dhamaan diimaha, laakiin wuxuu si wayn ugu yeelan doonnaa Muslimiinta oo Masaajidyadda ugu yeera dadka Salaadda.

17.5% dadka ku nool Israel ayaaa asalkoodu ka soo jeedaa Carab badankooduna waa Muslimiin.

Nasreen Hadad Haj-Yahya oo ka tirsan machadka Dimuqraadiyada Israel ayaa xu sheegay wargeyska gudaha Israel ka soo baxa in talaabadan lagu sheegayo in dhawaaq lagu dhimayo ay horseedi karto dhawaaq dhibaato ku ah bulasho iyo waliba daddaalada lagu doonayo xal dhab ah loo helo Yuhuudda iyo Carabta.

Ra’isalwasaare Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay golaha wasiirada ” ma soo koobi karo, waa tiro fara badan inta muwaadiniintu ay ii yimaadeen iyagoo ka imanaaya gobol kasta kana kooban qayb kasta oo bulshadda ka mid ah, dadkaasi waxay ka cabanayaan codad aan muhiim ahayn oo ka imaanaya guryaha cibaadooyinka”.

"Israel waxaa ka go’an inay shacabkeeda ka ilaaliso wax kasta oo ay la dhibaatoonayaan oo dhawaaqan ka mid yahay” ayuu yiri Netanyahu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip