C/laahi Maxamed C/laahi oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in si nabadgelyo ah ay kula wareegeen deegaankaan, Ciidankii Shabaab ee ku sugnaa deegaankaana ay halkaasi isaga carareen.
"Deegaanka Miirtuugo Degmada Mahaday ciidamada Dowladda Ururada ku sugan Degmada Mahaday iyo ciidanka Amisom ayaa qabtay, si nabadgelyo ah oo taatiko Millateri ah ayeey ku qabsadeen, howlgalkaan muddo isbuuc ah ayaan qorsheynaynay.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.
Ciidamadii ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ee ka baxay deegaankaan ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Xaaji Cali oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.
Sarkaalkaan ayaa ku eedeeyay ciidanka Shabaab inay dhibaato ku hayaan dadka degan Gobolka Shabellaha Dhexe oo ceelasha biyaha dadka ay ka sumeeyeen dhibaatooyin kala duwana ay u geysteen.
Xaalada Deegaankan ayaa degan, dadka waxa ay u yaqaaniin Miirtuugo, balse magacaasi Shabaab ayaa bedelay oo waxa ay ka dhigeen magaca deegaanka Miirtaqwo oo muddooyinkii dambe loo yaqaanay, waxaana ay ka tirsan tahay deegaanka Afarta tuulo oo Mahadaay oo hoostagga.
Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo Shabaab kala wareegay deegaan Sh/dhexe ka tirsan
Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom ay saaka la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Miirtuugo/Miirtaqwo oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.