WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 15-KA NOVEMBAR 2016-KA
Ciidan ka tirsan Ahlu Sunna oo wajiyada ay u duuban yihiin ayaa xalay saacada markii ay ah eyd 10:30 waxa ay u daateen dhismaha Idaacada oo ku taal Magaalada Guricel, waxaana ay dami yeen FMkii Idaacada oo hawada ay ka saareen.
Shaqaalaha Idaacada oo aanan ku baraarugsaneyn ciidanka soo weeraray inay yihiin kuwa Ahlu Sunna, ayaa durbadiiba ka kala cararay Idaacada, maadaama ciidamada u soo galay ay aha ayeen kuwa wajiyada soo duubtay.
Masuuliyiin ka tirsan Idaacada Radio Galgaduud, ayaa sheegay inaysan garan karin sababta Idaacada loo xiray qayb ka mid ah qalabkii Idaacadana ay u qaataan ciidamada Ahlu Sunna.
Waxa ay sheegeen Shaqaalaha Idaacada, xilliga Idaacada ciidanka ay soo galayeen inay Idaacada Baahinaysay Barnaamij Siyaasadeed arimo Maamulka ku saabsana aanan looga hadlin.
Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegay howlgalka lagu xiray Idaacada inay iyaga amreen, wixii faahfaahin intaasi dheeri ahna dib ay ka bixin doonaan Maamulka.
Ahlu Sunna ayaa dhowr mar Magaalooyinka ay ka taliyaan ee Gobolada Dhexe waxa ay ku xireen Suxufiyiin iyo Xarumo Warbaahin oo ka howlgala Gobolkaasi.
K/GALBEED OO DIB ULA WAREEGTAY TIYEE GLOW
Waraka inaga soo gaaraya Deg mada Tiyeeg low ee Gobolka Bak ool ayaa waxa ay sheegayaan in De gmadaasi ay la wareegeen Ciidanka Koonfur Galbeed. Deg mada Tiyeeglow ayaa waxaa Dagaal la’a an la wareegay Ciidanka Maamulka Koonf ur Galbeed, kadib markii ay ka bax een Shabaabkii halkaasi ku sugnaa.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koon fur Galbeed oo saxaafadda la la xiriirntay ayaa u xaqiijiyay in Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ay hada si buuxda ga can ta ugu hayaan Degmada, sidoo kal ena ay wada an Howlgallo ka dhan ah Shabaab.
Shabaab ayaa intii ay ku sugnaayeen Degmada Tiyeeglow waxa ay ku dileen ti ro dad ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay jaajuus u ahaayeen Ciidanka Dowla dda iyo kuwa Itoobiya.
MAXKAMAD MAREYKAN AH OO DHALLINYARO XIRIIR ARGAGAXISONIMO QIRTAY XUKUNTAY
Maxkamad kutaala Mareyknak ayaa 2 wiil oo Soomaali ah oo in muddo ahba lagu heystay inay xiriir la leeyihiin Daac ish xukuno kala duwan ku riday. 2da wiil ee la xukumay ayaa waxaa la kala yi raah daa Cabdullaahi Yuusuf iyo Cabdirizaaq Warsame. Cabdirizaaq Warsame waxaa lagu xuk umay 30 bilood oo jeel ah halka Cabdullaahi Yuusuf lagu xakumay hal sa no oo xabsi guri ah iyo 20 sano oo lala so coanyo dhaqdhaqaaqiisa.
Lix dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa dhawaan la xukumi doonaa iyada oo 2 maahee inta kale ay qirteen in ay ku lug lahaayeen dambiyada lagu soo eedeey ay. Cabdullaahi Yuusufmid ka mid ah wii lasha la xukumay weeye
War murtiyeed uu soo saaray xeer ilaali yaha guud ee Mareykanka Andrew M. Lu ger ayuu ku xus ay in ay habboon tahay in lasii wado dhaqan celinta dadka afkaarta khaldan qaata. 'Shaqada adag ee dhaqan celinta dadka doondoona afkaarta rabsha da miiran ah waa inay sii socoto'.
Wuxuu sidoo kale kumuujiyay in garsoo raha xukunka ku riday eedeysaneyaasha oo lagu maga caabo Davis uu garowsaday xaqiiqda arinka. 'Garsoore Davis wuxuu garowsaday xaqiiqda daraad asagoo ku rid ay xukun Cabdullaahi Yuusuf kaasoo u saamaxaya inuu dhaqan celinta sii wa to'. Wuxuu kaloo xeer ilaaliyahu uga mah ad naqay Cabdullaahi Yuusu sidii uu ugu hoggaansamay awaamiirta intii hannaan ka dacdu soo socday.
DADKII KA BARAKACAY GAALKACYO OO DIIDEEN IN AY DIB UGU LAABTAAN …
Qaar ka tirsan dadkii dhawaan ku bar akacay dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo ayaa diiday inay dib ugu laabtaan maga aladaa. Dadkaa ayaa xero ka samaystay meel ka baxsan Gaalkayo oo lagu maga caabo Booca Madoow. Waxaa dadkaa oo u badan maato dumar iyo carruur ah ay sheegeen inaysan ku laabanayn Gaal kacyo maadaama ay furin isku rogtay ays ana haysan wax xaqiijin ah in mar kale dagaal uusan halkaa ka dhici doon in.Gaalkacyo ayaa waxaa ku dagaalamay dhowr jeer ciidamo kala taabacsan Galm udug iyo Puntland.
Dadkaa barakacsan ayaa sheegay inay san magaalada iyo guryahoodii dib ugu la aban karayn walow maalmihii lasoo dha afay labada daraf ee dagaalamay ay nab ad ku heshiiyeen dadku inuu ku wada noolaado.Waxaa sidoo kale jira guddi ka kooban 18 xubnood kaasoo loo xil saaray hubinta dhaqan galintii heshiiskii nabadda ee dhawaan laga gaaray dag aaladii dhac ay iyo in wax colaad ah oo kale aysan magaalada Gaalkacyo ka dhicin.
SALAAD ROOBDOON AH OO DARAAD LAGU DUKADAY MUQDISHO
Salaad Roobdoon ah ayaa daraad lagu dukaday Barxada Mas aajidka Isbaheys iga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo qay baha kala duwan ee Bulshada iyo culimada ay isugu yimaadeen.
Masuuliyiin ka socotay Wasaarada Di inta iyo Awqaafta Xukuumadda Somaliya ayaa ka qaybgalay Salaada Roobdoonka ah ee shalay laga dukaday Muqdisho.
Sheekh Cali Max’uud (Sheekh Cali Dhee re) oo ah Agaasimaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, ayaa Waraabhinta la had lay ayaa ugu baaqay shacabka iney jogte eyaan dibadbaxyada Alla ba riga ah ee noocaan oo kale ah.
"Dhammaan gobollada dalka waan la wadaagnay iney sameeyaan dibadbaxan oo kale, si Ilaah ay uu dhibaatooyinka ab aaraha iyo colaadaha uga dulqaado shac abka Soomaaliyeed” Ciidam mada Amm aanka ayaa si weyn u adkeeyey amniga goobta Salaada Roobdoonka lagu same yey waxaana faahfaahin ka bixiyey Taliy aha qeybta Waliyow Cadde ee Degmo oyinka Waabari Xamar Jabjab Howl wad aag iyo Hodan Ciidanka Booliska Soomali yed G/Sare Maxamed Daahir.
"Ciidamada ammaanka waxay xil gaar ah iska saareen sugidda amniga, maada ma ay dibad baxayeen qeybaha bulshada, si weyn ayaana ugu guuleysanay”
Gobolada Dalka Somaliya ayaa waxaa ka jira abaaro xoogan oo saameyn ku yee shay dadka iyo duunyada intaba.
AMISOM OO SHEEGTAY IN BIXITAANKA CIIDAMDA ITOOBIYO DHIBAATO U KEENEYSO HOWLGALKOODA
Ciidamada Itoobiyo ee ku sugan gu daha dalka Soomaaliya ayaa la sheegay iney isaga baxaya an gobolada kale ee da lka Soomaaliya. Wargeyska East African Monitor oo soo xiganaya saraakiil ka tirsa n taliska AMISOM ayaa sheegay in ciida Itoobiya ay isaga baxayaan dalka Soom aaliya.
Joseph Kibet Murrey afhayeenka ciida mada AMISOM ayaa sheegay in bixitaan ka ciidamada Ito obiya ee dalka Soomaal iya ay culees weyn ku tahay howgalka AMISOM, ayna dib u dhigeyso qor shooy in horey loo diyaariyay. Bixitaankii ciidam ada Itoobiya ee aan qeybta ka aheyn how lgalka AMISOM ayuu sheegay iney dare emeen culeeskooda, waxayna qasabtay goobaha ay baneeyeen in ciidamada Alsh abaab la wareegaan.
Afhayeenka u hadlay ciidamada AMIS OM ayaa sheegay in arintaan ay qasbi ka rto dib u dhaca qorshihii horey loo dajiyay ee la dagaalanka Alshabaab. Ciidamada ayaa bishii lasoo dhaafay ciid amadeeda waxay ka baxeen deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolka Hiiraan, waxaana kadib la wareegay Alshabaab.
KENYA OO LAGU EEDEEYAY IN AY DHIBAATO KU HEYSO QAXOOTIGA DHADHAAB
Hay’adda xuquuqda aadanaha u dood da ee Amnesty International, ayaa ku ee deeysay dow ladda Kenya in ay qaxootiga Dhadhaab ku qasbayso in ay ku laabtaan dalkooda Soomaaliya.
Amnesty ayaa sheegtay in saraakiisha dowladda ay dadka qaxootiga ah u she egeen in xoog la gu rari doono haddii aan ay iskood u guurin ka hor dhammaadka bishan. Hay’adda ayaa sidoo kale cambaaraysay Qaramada Midoobay, oo ay shee gtay in aanay dadka u sheegin sida ay khatarta u tahay xaaladda Soomaaliya iyo sida hoyga iyo maciishaduba ciriiriga u yihiin.
Afhayeenka dowladda Kenya, Eric Kir aithe, ayaa beeniyay in xoog lagu rarayo qaxootiga, waxa ana uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay rabaan ku laa bashada dalkooda. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa hadalo is khilaaf san ka sheegay xiritaanka ay dowladooda la damacsan tahay xeryaha Dhadhaab.
KEATING WIXII GAALKACYO KA DHACAA XIS AABTAN AYAA KA DAMBEEYA, WAANA IN HISHIISKA LA DHOWRAA”
Wakiilka xoghayaha guud ee Qara mada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ay aa ugu baaqay maam ulada Galmudug iyo Puntland iney dhow raan hishiiskii M/Gaalkacyo ee lagu dha meynayay dagaaladii magaalada ka dhac ay. Mr.Keating, wuxuu sheegay in madax da labada maamul ay balanqaadeen iney dhowrayaan hishiiskii magaalada lagu ga aray, isagoo sheegay iney muhiim tahay ka dhabeynta balanqaadyada ay sameey een.
2da Madaxweyne Maamul ayuu ugu baaqay ineysan markale magaalada ku soo laaban daga aladii dhacay, ayna ku dadaalaan sidii dagaaladaasi markale looga baaqdan lahaa. "Si shaqsiyan ah Cabdi wali Maxamed Cali Gaas Madaxw eynaha maamulka Puntland iyo Cabdi kar iin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Gal mudug waxa ay ballan qaadeen inay ad keyn doonaan heshiiska , laa kiin waxaa muhiin ah in midaas laga wada dhabeeyo ” ayuu yiri Danjire Keating.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in labada Maamul lagula xisaabtami doono waxyee lada ka dhal atay dagaalada muddada ku dhow afarta isbuuc ka socday mag aalada Gaalkacyo, sida uu hadalka u dhigay.
"Ma ahan in lagu xadgudbo heshiiska Gaalkacyo, mana la aqb ali karo in heshiis walba la jabiyo , waxaana ay wajihi doon taa xisaabtan adag cidii hareermarta” Si daas waxaa markale yiri Danjire Mcheal keating.
Labada madaxweyneMaamulgoboleed ayaa hishiis kale ku gaaray magaalada Gaalkacyo, ka dib dagaal muddo maalmo ah qaatay oo ka dhacay Galbeedka maga alada Gaalkacyo.
SIYAASIYIINTA GOBOLADA WAQOOYI OO SHEEGAY INAY KA QEYB GALAYAAN DOORA SHOOYINKA DADBAN (WAR SAXAAFADEED)
Siyaasiyiinta, Salaadiinta, iyo wax garadka Beelaha Dir Waqoyi (Somaliland) ayaa daraad ku dha waaqay inay ka qeyb galayaan doorashada dadban ee dalka ka dhaceysa, ka dib markii ay dhow aan qa adaceen. Shir jaraa’id oo ay wadajir shal ay ugu qabteen magaalada Muqdisho ay ay kaga hadleen kulamo labadii maal mo od ee la soo dhaafay uga socday magaal ada Muqdisho, waxayna ka soo saareen dhowr qodob.
Siyaasiyiinta iyo salaadiinta beelaha Dirta Waqooyi ayaa sheegay inay tixgelinayaan heshiiskii Ma dasha Wadatashiga qaran ee lagu gaaray magaalada Kismaayo iyo marxalada kala guurka ee uu dalka ku jiro.Waxaa ay ugu baaqeen Guddiga doora shooyinka inay dedejiyaan doorashada labada aqal ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi.
Dhowaan ayay aheyd markii warsax aafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoo miyaha Baarlama anka lagu sheegay in xal laga gaaray cabashadii ka timid Beel aha Dirta Waqooyi Magaalada Mu qdisho ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo door ashada Labada aqal ee Beelaha Dir Wa qooyi, maa daama aanay suura gal aheyn inay ka dhacdo deegaanada ay ka soo je edaan ee Somaliland oo horay ugu dhaw aaqday inay ka go’day Soomaaliya intee da kale. Halkan hoose ka akhriso war saxa afadeedka ka soo baxay Siyaasiyiin ta, Sal aadiinta iyo Waxgaradka beelaha Dirta Waqooyi ee ku sugan Muqdisho dir tawaqooyi
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAAKLIYA
UNITY HOUSE, MUQDISHU
WARSAXAAFADEED
Salaadinta,Waxgaradka ,Siyaasiyiinta Beelaha Waqooyi oo bilowgi Bishii July 2016 ilaa Go'aan ku gaadhay in aanay ka qeyb galeyn hannaanka Doorashooyinka Dadban ee 2016 ilaa laga saxayo cadaalad darrada ku jirta qoondada kuraastaa qalka sare oo madasha Madaxda Qaran ku ku qey biyeen magaalada Kismaayo iy adoo aanay jirin cid wakiil u ah gobollada waqooy ee somaliya oo kulankaas jogay.
Haddaba Salaadiinta Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Dir Waqooyi oo kul ana iyo wada ta shiyo ku lahaa magaalada muq disho 1214 No ve mbar 2016ka,waxay ku qii meeyeen go'aanka ka soo baxay madasha madaxda Qar anka 10/11/ 2016.
Inkasta oo Go'aanka Madashu aanu bu uxin dalabkii Beelaha Dir Waqooyi iyo Sa amigii ay xaqa ugu lahaayeen kuraasta Aqalka sare , haddana wada tashi dheer ka dib waxay go'aan ku gaareen:
1-in iyadoo loo tudhayo marxaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro, horumarka soc odka dowl adnimada Soomaaliya iyo heer ka Gebagebada ah ee ay marayaan Doo rashooyinka Dadban 2016, inay soo dha weynayaan Go'aanka Madasha Madaxda Qaranka, kana qeyb galaan Han naanka Doorashooyinka Dadban ee 2016,
2-wakiilada Bulshada ee Beelaha Dir Waqooyi waxaay si gaar ah ku soo dhaw eeyeen Go'aanka Madasha Madaxda Qar anka ku caddeeyeen in guud ahaan qoon dada xil heynta Golaha Sharci Dejinta ee 2016 2020 kaliya Saamiga Somaliln ad ku yeelaneyso kuraasta Aqalka Sare na ku ima an doonto oo go;aan looga ga ari doono wadahadallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somalilnad . ugu danbeyn Salaadiinta waxagaradka iyo siyaasiyiinta Beelaha Dir Waqooyi wa xaay ka codsa deen guddiga doorashoo yinka dadban ee heer federaal iyo ma amul hoosaad inay dedejiyaan qa bsoomi dda doorashooyinka kuraasta labada aqal ee beelaha Dir Waqooyi Dhammaad Xigasho Jowhar.com
GUDDIGA DOORASHOOYINKA HIRSHABEELLE OO SOO SAARAY SHAXDA 1AAD EE DOORA SHADA AQALKA HOOSE
Guddiga doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleedka Hirshabeelle ay aa daraad qabtay shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan doorashada Aqalka Hoose ee dhowaan ka dhaceysa M/Jowhar, iyadoo loo tartamayaa 37 kursi oo ay ku tartami doonaan xildhibaanadii hore ugu fadhiyay iyo kuwo cusub,
Wajiga 1aad ee doorashada ayaa wa xa ay bilaaban doontaa 16ka bishan ay nu ku jirno iyadoo lagu tartami doono 13 kursi oo ka mid ah 37 kursi ee taal gobol ka Sh/dhexe. Kuraasta ugu horeysa ayaa waxaa lagula tartami doonaa xildhibaano muddo dheer ku fadhiyay iyo qaar kale oo afartii sanadood ee la soo dhaafay ka mid ahaa golaha baarlamaanka.
WAKAALADDA WARARKA SOOMAALIYEED EE SONNA OO XUBIN KA NOQONEYSA MIDOWGA WAKAALADAHA WARARKA ADUUNKA
Xubno uu horkacayo Agaasimaha Go laha guud ee Warbaahinta Qaranka Cab diraxmaan Yu usuf Sheekh AlCadaala ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Waka aladaha wararka Dunida oo Talaa dada shalay ah ee 15ka November 2016 ka furmaya Caasimadda Baku ee dalka Aze rbaijan.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa markii ugu horreysay taar iikhda Xubin bu uxda ka noqoneysa Sana dkaan Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida, iyadoo la filayo in si ras mi ah shir kaasi looga shaaciyo xubinnimada SON NA ee Wakaaladaha Wararka Dunida.
Wakaaladda SONNA oo dib u soo cel ineysay cilaaqaadkii ay la lahayd wakaal adaha caalamka ayaa dhanka kale buuxi say howlihii baaxadda lahaa ee ay ka hay say gudaha dalka, waxaana muddooyink an soo xoogeysanayey wararka ay sida tooska ah uga xiganayeen Wakaaladaha kale.
Shirweynaha Wakaaladaha Wararka Dunida ee Azerbaijan ayaa sida qorshaha ah ajandayaasha looga hadlayo waxaa qeyb ka ah horumarinta Wakaaladda War arka Soomaaliyeed ee SONNA.
DUNIDA OO XALAY LAGU ARKAY DAYAX AAD U WEYN
Xalay ayaa waxaa dunida laga arkay Da yax aad u weyn oo ka iftiin badan sidii ho re, waxaana Dayaxa Xalay uu joogaa Ma saafadii ugu dhowaa ee dhulka tan iyo 1948dii.
Hay’adda NASA ayaa sheegtay arrant an inay tahay mid markale dib u dhici do onta 25ka No vember 2034. 70 sano ka hor ayaa ugu dambeysay sidan oo kale in Dayaxa loo arko isaga oo dhameystiran.
Hay’adda NASA ayaa ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay Dayaxa Xalay Dhulka inuu u soo jirsan aayey ilaa 348,000 KM.
WASIIR KA TIRSAN JUBALAND OO SHALAY ISCASILAY, KANA CARARAY KISMAAYO
Waxaa daraad warqada iscasilaada gu dbiyay Wasiirka Cadaalada Maamulka Ju baland Aadan Ibraahim Xirsi (Cirro) oo mudooyinkan ka cabanayay faragalin la gu hayo Wasaaradiisa. Wasiir Cirro ayaa daraad kulankii Golaha Wasiirada Maamu lka Jubaland ka sheegay inuu iscasilay, isagoo goobta ku wareejiyay warqada sha qo ka tagistiisa.Wasiirkii Cad aalada Juba land ayaa si doo kale warqada iscasila adiisa ugudbi yay Gudoomiyaha Baarlam aanka Maamu lka Jubaland oo uu u gu tag ay Xafiiskiisa iyadoo laga qabtay Warqa daha shaqo ka tagista. Wasiirka iscasilay ee Aadan Ibra ahim Xirsi (Cirro) ayaa mu dooyinkanba waday cabasho ku aadan in Madaxda Ju baland ay fara galin qaawan ku hayaan shaqada Xafiiskiisa oo aan loo Madax banaaneyn.
Waxa uu sheegay in dhowr jeer Caba hsada arintaas la xiriirta uu ugudbyay Ma daxweynaha Jubaland, Dowladda Dhexe iyo beesha Caalmkaba balse aan Miiska laga qaadin Tabashadiisa. Ari nta layaab ka leh ayaa ah in Wasiirka iscasilay uu du rbaba u duulay magaalada Nayrobi ee Xa run ta Dalka Kenya oo Waxaaba garoonka usii fadhisay diyaaradda qaaday.
Maamulka Jubaland Wali wax war ah kama soo saarin iscasilaada wasiirkii Ca daaladda Juba land Aadan Ibraahim Xirsi (Cirro)
DARAAD OO AHEYD MAALINTA CUDURKA SONKOROWGA CAALAMIGA AH
Daraad oo ku beegan taariikh 14 bisha Nofeembar ayaa waxaa loo dabbaal dag ayaa daafaha caalamka oo dhan dadaal ada looga soo horjeedo cudurka Sonkor owga ama Kaadi Macaanka.
Sonkorowga ama Kaadi Macaanka ay aa ah cudur dilaa ah oo in dhawaale aad ugu batay dadka caalamkaan ama koon kaan ku nool yar iyo weyn. Cudurkaa ay aa geeri kasokow darxumo badan keena sida in uu qurunsho xubnaha qaar.
Arintaa ayaa sababta in dadka qaarkii si uusan jirkooda ugu sii fidin haddii lugaha uu ka galo la go oyo lugaha.Cudurkaa ay aa sidoo kale keeni kara indho la'aan iyo xanuuno kale oo badan oo musi ibo addu un ah!
Ururka caalamiga ah ee la dagaalanka Sonkorowga ee International Diabetes Fe deration (IDF) ay aa sheegay in hal ka mid ah labadii qof ee weyn ee caalamka ku nool aan laga baarin cudurkaas. Cudur kaa ayaa leh labo nooc [Sonkor ow 1 iyo Sonkorow 2]. Ururka IDF ayaa bilaabay sanadkaan 2016 olole looga soo horjee do faafitaanka cudurkaa ololahaas oo loogu magac daray Eyes on Diabetes (Indhaha oo ku Jeeda Sonkorowga).Nooca Sonk orow 2 ayaa daran laba da nooc oo waa dilaa. Sidaa daraadeed ololaha ayaa lagu doonayaa in ugu yar aan qof waliba nooc aa iska baaro iyo in la bada noocba saa meyntooda laiska baaro si wax looga qabto intaysan sii ballaaran.
Sanadkii lasoo dhaafay ayaa la qiyaas ay in dad gaaraya 193 malyan oo qof uu cudurkaasi asii bay dunida oo dhan.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO BOOQDAY DADKII AY DHAAWACYADU KASOO GAAREEN DAGAALKII GAALKACYO
Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa daraad Cisb itaalka guud ee magaa lada Gaalkacyo iyo Cisbitaalka GMC ku booqday dadkii shacabka ahaa ee dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii u da nbeeyey ee ka dhacay M/Gaalkacyo.
Dr Cabdiweli waxaa booqashada ku we hliyey mas’uuliyiin kamid ah golayaasha Puntland, dha khaatiirta iyo bahda caafim aadka, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Dadka dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii M/Gaalkacayo ee u danbeeyey ayaa qa ba dhaawacyo fudud oo dalka wax looga qaban karo, waxa ana lagu dabiibayaa Cis bitaalka guud ee M/Gaalkacyo iyo Cisbit aalka gaarka loo leeyahay ee Gal kacyo Medical Center "GMC”, waxaana bahda caafimadku ay dedaal dheer u galeen si dii loo daw eyn lahaa dadka ku dhawaac may dagaalada Gaalkacyo iyagoo inta ba dan ku guulaystay inay daweeyaan.
Md Gaas ayaa intaasi ka dib kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo dhakhaatiirta Cu sbitaalka Guud ee M/Gaalkacyo, waxaa na uu ka waraystay xaaladda dadka shac abka ah ee ku wax yeeloobey da gaaladii u danbeeyey ee ka dhacay M/Gaa lkaca yo, sidoo kale waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulan ka gudiga dib u dhiska Cusb itaalka Guud ee Gaalkacyo waxayna dhankooda ka xog warameen me esha ay wax u marayaan iyo waxyaalaha uga qab soomay dib u dhiska Cisbitaalka.
W/Caafimaadka Puntland ayaa dhanki isa sheegay in hawlwadeenada cubitaal ka Gaalkacyo iyo Cisbitaalka GMC ay si wanaagsan ugu heelan yihiin u adeegid da shacabka gaar ahaan dadka dha awac yadu ka soo gaareen dagaaladaasi ee ay xaaladooda caafimad gacanta ku hayaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa dha khaatiirta caafimaadka ee Gobolka Mud ug ku amaanay sida wanaagsan ee ay shacabka ugu dedaalayaan, wuxuuna tac si u diray ehelada dadkii ku dhintay da gaalada, sidoo kale waxaana uu cafimaad u rajeeyey dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen daga aladii ka dhacay MG/kacyo.
OBAMA: TRUMP HA XOOJIYO MIDNIMADA
Madaxweyne Barack Obama ayaa ugu baaqay ninka xilka kala wareegi doona ee Donald Trump in uu midnada booriyo, ka dib ballanqaadyadii adkaa ee uu sameeyay markii uu socday ololaha doorashada.
Ka dib hadalo adag oo uu ku weerarray Donald Trump intii uu socday ololaha doorashada, gaar ahaan midkii uu ku tilmaamay in Trump aanu Maraykanka hogaamin karin, ayaa madaxweyne Obama waxa uu sheegay in dalkiisa uu go'aan gaaray, markanna loo baahan yahay in la taageero madaxweynaha la doortay.
Asaga oo weriyayaasha kula hadlayay Aqalka Cad, ka hor inta aanu u bixin safarkiisii ugu dambeeyay ee dibedda, ayaa Mr Obama waxa uu qiray in uu walaac ka qabo in meesha ay ka bax aan guulihii uu gaaray qaar ka mid ah, sida barnaamijka caafimaadka ay dadku awoodi karaan ee Obamacare. Madaxweyne Obama oo sheegay in Trump aanu xiriirka u jari doonin gaashaanbuurta NATO iyo weliba Midowga Yurub, asagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Yurub iyo gaa shaanbuurtaasiba u leeyihiin ammaanka dunida.
Mr Obama ayaa sheegay in Maraykanka uu ku qasban yahay in uu sii ahaado tiir awoodeed iyo meel ay dadka rajadooda ka eegtaan caalamka oo dhan.
Waxa uu ugu baaqay madaxweynaha la doortay in uu la hadlo dadyowga laga tirada badan yahay, ka dib ololihii doorasho ee dalka kala qeybiyay.
GAADIIDKA & DUULISTA SOMALIA OO LOO DOORTAY SHALAY XUBIN KA TIRSAN AQALKA HOOSE
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Somalia, Cali Axmed Jaamac Jangeli ayaa Sha lay loo doortay xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib Doorasho Hal kursi ah lagu Dooranayay oo Magaalada Garoowe ka dhacday shalay.
Cali Jangeli, ayaa kursiga Xildhibaannimada kaga guuleystay musharraxii tartanka la galay oo ah aa; Jaamac Xasan Khaliif, Iyadoo Wasiir Jangeli uu helay 30 Cod, halka Musharraxii la tartamayay uu helay codad yar.
Doorashadaan ayaa ahayd mid daraad ka hartay Wareeggii Labaad ee doorashada Xubn aha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Daraad ka Dhacday Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Sidoo kale, Doorashadii daraad ka dhacday magaalada Garoowe, ayaa waxaa kusoo baxay lix xildhibaan oo ay ku jiraan laba haween ah, Waxayna Guddiga Doorashadu sheegeen in xubnaha dhiman lasoo dooran doono maalmaha soo socda.Ugu dambeyn, Caasimadaha Maamulgoboleed yada Dalka ka jira, ayaa Waxaa ka Socday maalmahaan doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Somalia, kuwaas oo la doonayo in Maalmaha nagu soo foolka leh la gu soo gabagabeeyo
Xildhibaanada kuraastooda shaxda 1aad gashay ayaa waxaa ka mid ah Was iirka Amniga Amn iga Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye,xildhibaan Cabdiqaadir Cos oble, Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone, Sh. Cabdisataar Shiikh Xasan Barsane
Akhriso Shaxda 1aad Ee Doorashada Hishabeelle. Guddiga Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Doorashooyinka Dadaban {GDGHDD}
SHAXDA wEJIGA 1aad ee Aqalka Hoose ee Dowladd Goboleedka Hirshabeelle
S/N Magaca Beeshe Tirada Kuraasta
1 Yaxar 1
2 Warsan Geli 1
3 Cali Madxweyne 1
4 Ibraahim Ciise 1
5 Kabaale 1
6 Moobleen 1
7 Jidle 1
8 Cabddala samatalis 1
9 Barsane 1
10 Reer Aw Xasan 1
11 Deris same 1
12 Jijeele 1
13 Baaja Maal 1
14 Total 13
DILKII MADAXWEYNE C/RASHIID CALI SHARMA’ARKE. YAA DILAY ? MAXAA LOO DILAY? QALINKII PROF. YAXYE SHEEKH CAAMIR
Leysma weydiin sababta loo dilay inkastoo dilkiisa lala xiriiriyo d oorashadii. fiiri marqaati buuga Kashfu Suduul Can Taariikhi So omaal ee uu qor Sheekh Axmad Cabdalla bogga 20aad. Qoraa lada qaarkood wa xaa la gu sheegayaa in Madaxweynaha loo dil ay AANO QABIIL, Sabab kasta halloo dilee waxaa la ogyahay in la dilay 15kii Ok. 1969kii saacadu markey ah eyd 11 suba xnimo wa xaa lagu dilay magaalada Laas Caano od ee Gobolka Sool, hal us buuc Kacaanka ka hor, waxaana dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska, kaa oo dib laga toogtay 10kii Feb. 1971kii.
Marka Madaxweynaha la dilayay Ra’isui Wasaare Cigaal wuxuu ku maqnaa Mareykanka sida ku cad buuga Somali Rev. ee uu qoray Lugi bogga 294. Dilka madaxweynaha Soomaaliya wax aa ka horeeyey isku day dil oo fashilmay oo Madaxweyne Cabdi rashiid Cali Sharmarka lagu qaaday, ayadoo lagu wee raray Bam bo gacmeed agagaarka Garoonka dayaaradaha Md. Adan Cab dulle ee Muqdisho sanadkii 1968.
In kastoo xeer ilaaliyihi guud ee kacaanku yiri” Dambiil aha xukunkiisa dilka ah waan ful inaynaa, hase ahaate dambi ba arista waa sii wadeynaa. Illaa iyo hadda lama maqal wax ka soo ba xay baaritaankii. ((( hala yaabin Hadda haddii aad maqasho, guddi arrintaa baara ayaa loo saaray, jawaabna aad weysid waxa ay noqotay dhaqanka dowlad somaaliyeed)))
Dadkii aan baaritaanka ka sugeeynay hadalkoodii waxaa ugu dambeeysay iyaga oo leh : dil aaga waxaa la yiraasaciid orf ano . Policekii baaritaanka laas caano loogu diray waxaa ka mid ah aa: Jan.Abdi Ibrahim (Waqooye), Xeer illaaliye Ina Farax iyo col. Xirsi kanadiid .
Gudigaa kacaanku u magacaabay baaritaanka sababihii dilka waxaa ka horeeyay Guddi kale oo dowladdii shibilku magicaaw day. Fiiri Marqaati Madaxweynihii KMG Sheekh Muqaar Maxa med Xu seen dikareetadii ugu horeysay ee uu saxiixo oo aan fila ayo iney aheyd tii ugu dambeysay, wuxuu ku saxiixay Md. She ekh Muqtaar Xuseen oo ah Madaxweynaha KMG ah ee Jamh uuriyadda Soo maaliya Fiiri: Marqaati buuga ururinta "Pollattino Officialo” bogga 1582aad. Dikareetada sharci ee lambarkeedu yahay 16, qodobka 6aad ee soo baxay 19kii Octoobar 1969kii (laba maalin kacaanka ka hor) taa oo Madaxweyne sheekh Muq taar uu ku magacaabay guddi soo baara dilkii C/rashiid cali shar maarke, guddiga uu magacaabay oo ka koobnaa sagaal qofood oo kala ahaa Axmed Yusuf Maxamed (canjeex), Yusuf Sh.Ibra ahim, Dr .Maxamed Sheikh Gabyow, C/raxmaan Maxa muud (Dubay), C/laahi Cabdi Garon, Maxamed Cali Darie, C/laahi Ma xamed Qablan, Anthonary Mariano, Dr.NlKola Maxamed. Gudi gaa oo Madaxweynaha KMG Sheekh Muqtaar u xilsaaray, oo in ta ayna bilaaban shaqadoodii l a carqaladeeyay oo asiga iyo gudigiiba xabsiga la dhigay markii kacaankii dhashay.
Qoraala kale ayey ku qoran tahay in dilaaga oo aad loo cadaadiyay uu yiri: cidina ilama og eyn. Dilaaga oo ka mid ahaa dadka dega Iskushuban nawaaxigeeda halkaa oo ay ka dhec een dag aalo doorasho la xiriiray ayada oo Xaji Ismail Boqor lagu dilay Iskushuban. cabasha kale ayaa jirtay oo aheed in 2dii kursi ee Isku shuban oo cadaalad daro u dhacday lana siiyay laba nin oo isku jufo ah, horana xildhbaana u ahaa. Guud ahaan dalkana dorasho cadaalad ah kama dhicin waqtigaa. Taa oo lagu eed eeynayay Xisbigii xukunka hayay ee Xaaji Muse boqor oo qar aabo la ahaa cab dirashiid. ((( doorashada aan sugeeyno 2016 Gobalada iyo dalka si cadaalad ah ma uga soc otaa,mise taa hore ayaa noo noqotay dhaqan dowlad Soomaaliyeed)))
Asgarigaa dilka geystay ayaa loogu yeeraa laba magac oo kala ah: Saciid Yuusuf Ismaaciil askari No# 4745 iyo Cabd ulqaadir Cabdi Maxamed, waxaa la sheegay in uu magac been ah ciid amada poliska ku soo galay, wuxuu ahaa 22 jir, mudda yar dilka madaxweynaha ka hor ayaa cii danka loo qoray ka dibna gobalkaa dilku ka dhici doono ayaa loo bedelay. (Source "Puntite”). Wux uuna ka mid noqday ciidan Laba maalmood ka hor imaatinkii madaxwaynaha la geeyay magaalada Laas caano od si ay nabadgalyadiisa u sugaan.
Madaxweynuhu markii la diley wuxuu booqasho ku mar ayey dhulkaas asagoo ka jaw aabayey abaaro xoogan oo ku dhu fteen, Laakin Qoraaga Aw Jaamac Cumar Ciise buugiisa ( qaran jabkii Soomaaliya) wuxuu ku qoray in madaxwayne Cabdirashiid uu bilaabay inuu ku soo wareego gobolada dalka gudihisa qaark ood, gaar ahaan magaalooyinka kala ah Caluula, Boosaaso, Hargey sa, Burco, iyo Laas Caanood, taasina waxay ahayd xeer jiray, in madaxwaynuhu labadii sannaba mar uu tago gobolada, mana jirin xilli go,an oo lagu beego tegidiisa, waxaana sii raacay gudoo miyihii baarlamanka (Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen), aw jaamac wuxuu leeyahay…. sida runta ahna xilligaas siyaasa da dalka waxaa hogaaminayey qabiil iyo nin jeclaysi , xidid iyo xigaalo.
Maalmihii Cabdarashiid magaalada Caluula booqashada ku joogay ayaa odoyaal qabiilka siw aaqroon ah oo dowlada dulmi ka tirsanayey, waxay usheegen arrimo eed sheegad ah iyo wax qab ad la’aan, madaxweynuhu taa ugama garaabin, jawaabtiina waxay noqotay wasiirka arrimaha guda ha ayaan arjigiina u gu dbinaya, nin magaciisa la oran jirey Xasan Maxamed Cawad ay aa Gabay Haanfiil ah oo uu Geerida Madaxwaynaha ku yu’anaayo Tiriyey waxuuna yiri:
a)*Run Ilaah Rashiidoow ma tihid kii Ilaah rabaye — Soomaali baad kala rartay oo reerba meel dagaye*.
b)*rafaad noqotay dunidii markii Ray lagaa dhigaye — kol hada ad Ra’iis sida Jamaal laguugu raacaynin*.
c)*rucbi kugu dhaca iyo cudur xun oo raarta kula jiifa — Ruush iyo midaan lagu daweyn Rooma iyo Kiinya.*
d)*kursigoo kula ruxda iyo ciidankoo talada kaa riixda — Rabbi waxaan baryaaya inaadan raagin oo jirine*.
Yu’aashadii ama qumay nimadii Aw jaamac sheegay ma kuu muuqataa.
Geeridii Madaxweynaha ka dib Waxaa la soo jeediyay in si deg deg ah loo doorto madaxweyne . Qaar badan oo baarlaman ka ihi waa diideen xukuumad degdeg ah ayadoo maydkii madax weey naha aan weli la Aasin, laakin sida qoraalada qaar ay leeyi hiin, lacag badan ayaa la bixiyay 17/Octobar/1969, waxaa la go’ aamiyay 20kii Oktobar marka la Aaso Madaxweynaha in lagu Dhaw aaqo in Xaaji Muuse Boqor uu yahay Madaxweyne subaxa 21/ Octobar 1969ka. laakin isla subaxii waxaa dhashay kacaan kii, inkasoo loo digay Golihii Baarlamaanka in Inqilaab ciidan dhacayo had dana toodaa uga Muhimsaneed.
Qore: Yahya Amir
BOGGA CAYAARAHA
CARLES PUYOL OO SOO XUSHAY SHAXDA XIDDIGIHII UGU ADKAA EE ABID KA HORYIMID IYO CRISTIANO RONALDO OO KA MAQAN.
Puyol oo 38 sanno jir ah ayaa ciyaaraha ka fariistay labo sannadood ka hor ka dib markii uu seddex Champions League iyo lix La Liga la qaaday Barcelona oo ay u sii dheertahay koobabka Euro 2008 iyo Koobkii Adduunka ee 2010 isagoo in ka badan 100 kulan u saftay Spain.
Laakiin inkastoo uu ka horyimid marar badan xiddiga seddexda jeer ku guuleystay Ballon d’Or ee Cristiano Ronaldo, Puyol ayaa shaxdiisa ka saaray xiddiga ku guuleystay Euro 2016 isagoo u waramayay jariirada The Times.
Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero, xiddigihii hor eee Chelsea Didier Drogba iyo xididga Bayern Munich Arjen Robben ayuu ka dhigtay seddexdiisa weeraryahan.
Puyol waxa uu goolhaye ahaan u soo doortay goolhayaha Juventus iyo Italy Gigi Buffon iyadoo afarta daafac ee ka danbeysa uu soo doortay daaficii midig ee hore ee Inter Milan Javier Zanetti, daafacyadii dhexe ee hore ee Milan Alessandro Nesta iyo Paulo Maldini iyo daaficii bidix ee Real Madrid Roberto Carlos.
Khadka dhexe waxa uu magacaabay xiddigii Talyaaniga Andrea Pirlo, xiddigii Holland Clarence Seedorf iyo Zinedine Zidane oo loo arko xiddigii ugu weynaa abid ee France.
Puyol ma uusan dooranin Messi sababtoo ah waxa ay muddo sannado ah asxaab ku ahaayeen Barcelona, laakiin waxa uu sheegay in xiddiga reer Argentina uu yahay xiddigii ugu weynaa abid ee kubada cagta soo mara.
Puyol ayaa yiri: "Isaga iyo Ronaldo waa labo ciyaartoy waa weyn laakiin feker ahaanteyda Messi ayaa ah xiddiga ugu fiican caalamka.
"Ronaldo waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican. Waa ciyaaryahan natiijo keeni kara, waxaana uu dhalinayay goolal badan. Feker ahaanteyda waa ciyaaryahanka ugu muhiimsan ee Real Madrid.”
Shaxda Puyol Ee Xiddigihii Ugu Adkaa Ee Uu Ka Horyimid Abid:
Gianluigi Buffon
Javier Zanetti
Alessandro Nesta
Paolo Maldini
Roberto Carlos
Andrea Pirlo
Clarence Seedorf
Zinedine Zidane
Arjen Robben
Didier Drogba
Sergio Aguero
PAULO DYBALA OO DOONAYA INUU QIYAANO JUVENTUS SI UU UGU BIIRO REAL MADRID
Wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegay in weerar yahanka reer Argentina ee Paulo Dybala uu iska diidayo inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Juventus.
Shabakada Il Messaggero ayaa baahisay in Paulo Dybala uu doonayo inuu iska diido heshiis kordhinta kooxdiisa Juventus, xili uu ku fikirayo u dhaqaaqida Real Madrid.
Kooxda Real Madrid ayaa si wayn u doonaysa da’yarkaan reer Argentina, waxaana la filayaa in kooxda ka dhisan caasimada Spain ay dalab xoog leh ka gudbiso Paulo Dybala.
Real Madrid ayaase loolan adag kala kulmaysa dhigeeda Barcelona oo dhankooda isku dayay saxiixa Dybala suuqii xaggaaga.
TACSI TIIRAANYO LEH
Dhammaan Maamulka Wargeyska Mogadishu Times Daily News Paper Xabiibi Axmed Axmed Jimcaale {Biibto}, Madiino Axmed Jimcaale Naasir Cali Cumar iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa, Nuurto Cali Cumar,Najiib Cali iyo xaaskiisa iyo Caruurtiisa,Nuuradiin Cali Cumar, Maxamed Xasan Xuseen {An aale} xaaskiisa iyo caruurtiisa Sh. Cali Cumar Maxamuud,C/fitaax Maxamed Salad Dhammaad dad kaasi waxey tacsi u dirayaan Marxuumad Sahro Maxamed Cigalle oo xalay 15/ Novembar 2016-ka ku geeriyootay Magaalada muqdisho gaar ahaan dagmada Wardhigley xaafadda siinaay waxayna Alle ugu Baryayaan inuu Naxariistiisa janno ka waraabiyo Marxuummadda carruutii ay ka tagtayna samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo waxaan Tacsi gaar ah loo dirayaa Wiilkeeda Axmed Cali Jimcaale iyo guud ahaan Ehelka iyo qaraabadaba inuu samir iyo iimaan daaq ah ka siiyo mar xuummaadana Alle janada ka waraabiyo Aamiin Aamiin.
INNAA LILLAAHI WA INAY ILLAAHI RAAJUCUUN
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 15-KA NOVEMBAR 2016-KA
CIIDAMADA AHLU SUNNA OO XIRAY RADIO GALGADUUD, QAATAYNA QALABKII IDAACADAAS Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa xalay xiray xarunta Idaacada Radio Galgaduud ee ku taala Magaalada Guriceel oo Maamul ahaan ay ka taliyaan Maamulka A