Wasiir ka tirsan Galmudug oo beeniyay inuu weeraray xarunta doorashada Cadaado

0
Tuesday November 15, 2016 - 10:05:48 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsan Galmudug oo beeniyay inuu weeraray xarunta doorashada Cadaado

    Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ee NISA ayaa shalay ku xiray degmada Cadaado afar ruux uu ku jiro Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Maamulka Galmudug, kaddib markii lagu eedeeyay inuu weeraray goob ay ka socotay diiwaan gelinta ergada dooran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ee NISA ayaa shalay ku xiray degmada Cadaado afar ruux uu ku jiro Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Maamulka Galmudug, kaddib markii lagu eedeeyay inuu weeraray goob ay ka socotay diiwaan gelinta ergada dooraneysa Aqalka Hoose.

Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Maxamed Maxamuud Guure oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in Ilaaladiisa ay weerareen xarunta doorashada, isagoo xusay in isaga iyo nabadoon la socday xoriyada laga qaaday.

"Ciidamadeeda ma aysan weerarin xarunta doorashada, warkaas waa been abuur la rabo in sumcada la iga dilo, anigoo aan waxba galabsan ayaa xabsiga la ii dhigo, waxaa naloo adeegsaday Nabadsugida, dad gaar ah ayaa ka dambeeya arrintanā€¯ayuu yiri Guure.

Shaqaaqadii shalay ka dhacday Xarun ay Guddiga doorashada ku diiwaan gelinayeen ergooyinka ayaa waxaa waxyeelo ah geysan.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka Hoose, waxaana soo baxaya warar sheegaya in jirto awood sheegasho ay wadaan shaqsiyaad gaar ah iyo musuq maasuq ku aadan habka doorashada aqalka Hoose u dhaceyso.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip