Maxkamad ku taal Minneapolis oo xukunno ku riday saddex dhalinyaro Soomaali ah

0
Tuesday November 15, 2016 - 09:50:12 in Wararka by
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad ku taal Minneapolis oo xukunno ku riday saddex dhalinyaro Soomaali ah

    Maxkamad ku taal magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota dalka Mareykanka ayaa shalay xukun sanado ah ku ridday saddex dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay inay taageero u fidiyeen ISIS, ayna doonayeen inay ku biiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taal magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota dalka Mareykanka ayaa shalay xukun sanado ah ku ridday saddex dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay inay taageero u fidiyeen ISIS, ayna doonayeen inay ku biiraan.

Saddexdan dhalinyaro ayaa ka mid ahaa 9 dhalinyaro oo bartamihii sanadkan la soo taagay Maxkamad, iyagoo lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen ku biirtaanka Kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Garsooraha Maxkamadda Federaalka ee Gobolka Minnesota Micheal J Davis oo dhageysanayay dooda dhex mareysay dacwad oogayaasha Maxkamadda iyo Qareenada u doodayay wiilashan ayaa si taxadar ku jiray u gaaray xukunka, isagoo eegayay indhaha waalidiinta dhalinyaradan.

Saddexdan dhalinyaro oo lagu kala magacaabo C/llaahi Yuusuf oo 20 jir ah, C/risaaq Warsame oo 21 jir ah iyo Zakariye C/raxmaan oo 21 jir ah ayaa qirtay dambiga, waxayna balan-qaadeen inay dowladda la shaqeynayaan.

C/llaahi Yuusuf iyo C/risaaq Warsame ayaa ogolaaday inay dowladda la shaqeeyaan, kuna marqaati furaan dhalinyarada kale, si looga qafiifiyo dambiga, hase ahaatee Zakariye C/raxmaan oo qirtay dambiga ayaa diiday inuu wiilasha saaxibadii ku marqaati furo.

Garsoore David ayaa ku xukumay C/llaahi Yuusuf hal sano oo xabsi guri ah, oo lagu heyn doono meel u dhaxeysa gurigiisa iyo xabsiga, isagoo kor lagala socon doona dhaq dhaqaaqiisa muddo 20-sano.

Sidoo kale Garsooraha ayaa C/risaaq Warsame ku xukumay labo sano iyo bar, waxaana laga jari doonaa 11 bilood oo xabsiga ku jiray, isagoo muddo 20-sano kor lagala socon doono, lana xadidi doonodhaq dhaqaaqiisa.

Waxaa kaloo xabsi 10-sano ah lagu xukumay Zakariye C/raxmaan, waxaana Garsooraha uu ka qafiifiyay soo jeedintii dacwad oogayaasha oo ahaa in 15 sano lagu xukumo.

Waalidiinta dhalay dhalinyarada Soomaalida oo goob joog ka ahaa Maxkamadda ayaa qaarkood soo dhoweeyay xukunka lagu riday caruurtooda.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa inay xukun ku riday 6-da kale ee dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaasoo iyana loo heysto dambi ah inay taageero u fidiyeen ISIS, ayna qorsheynayeen inay ku biiraan oo ay aadaan Ciraaq iyo Suuriya.

xabsi1


xabsi2xabsi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip