Madaxweynaha Puntland oo booqday dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaalkii Gaalkacyo "SAWIRRO"

0
Monday November 14, 2016 - 22:32:09 in Wararka by
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo booqday dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaalkii Gaalkacyo "SAWIRRO"

    Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo iyo Cisbitaalka GMC ku booqday dadkii shacabka ahaa ee dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay Magaalada Gaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo iyo Cisbitaalka GMC ku booqday dadkii shacabka ahaa ee dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Dr Cabdiweli waxaa booqashada ku wehliyey mas’uuliyiin kamid ah golayaasha Puntland, dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Dadka dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii magaalada Gaalkacayo ee u danbeeyey ayaa qaba dhaawacyo fudud oo dalka wax looga qaban karo, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo iyo Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Galkacyo Medical Center "GMC”, waxaana bahda caafimadku ay dedaal dheer u galeen sidii loo daweyn lahaa dadka ku dhawaacmay dagaalada Gaalkacyo iyagoo inta badan ku guulaystay inay daweeyaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa intaasi kadib kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo dhakhaatiirta Cusbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu ka waraystay xaaladda dadka shacabka ah ee ku wax yeeloobey dagaaladii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo, sidoo kale waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka gudiga dib u dhiska Cusbitaalka Guud ee Gaalkacyo waxayna dhankooda ka xog warameen meesha ay wax u marayaan iyo waxyaalaha uga qabsoomay dib u dhiska Cisbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in hawlwadeenada cubitaalka Gaalkacyo iyo Cisbitaalka GMC ay si wanaagsan ugu heelan yihiin u adeegidda shacabka gaar ahaan dadka dhaawacyadu ka soo gaareen dagaaladaasi ee ay xaaladooda caafimad gacanta ku hayaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhakhaatiirta caafimaadka ee Gobolka Mudug ku amaanay sida wanaagsan ee ay shacabka ugu dedaalayaan, wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dagaalada, sidoo kale waxaana uu cafimaad u rajeeyey dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

IMG_9615



IMG_9640
IMG_9585

IMG_9567
IMG_9556
IMG_9459
IMG_9441
IMG_9399
IMG_9493
IMG_9378


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip