Sheekh Cali Max’uud (Sheekh Cali Dheere) oo ah Agaasimaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, ayaa Waraabhinta la hadlay ayaa ugu baaqay shacabka iney jogteeyaan dibadbaxyada Alla bariga ah ee noocaan oo kale ah.
"Dhammaan gobollada dalka waan la wadaagnay iney sameeyaan dibadbaxan oo kale, si Ilaahay uu dhibaatooyinka abaaraha iyo colaadaha uga dulqaado shacabka Soomaaliyeed”
Ciidammada Ammaanka ayaa si weyn u adkeeyey amniga goobta Salaada Roobdoonka lagu sameeyey waxaana faah-faahin ka bixiyey Taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee Degmooyinka Waabari Xamar Jabjab Howl wadaag iyo Hodan Ciidanka Booliska Soomaliyed G/Sare Maxamed Daahir.
"Ciidamada ammaanka waxay xil gaar ah iska saareen sugidda amniga, maadama ay dibadbaxayeen qeybaha bulshada, si weyn ayaana ugu guuleysanay”
Gobolada Dalka Somaliya ayaa waxaa ka jira abaaro xoogan oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada intaba.
Salaad roobdoon ah oo maanta lagu dukaday Muqdisho (SAWIRRO)
Salaad Roobdoon ah ayaa maanta lagu dukaday Barxada Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo culimada ay isugu yimaadeen.