Waxaana lagu sheegay daraasad la sameeyay iney caalamka ku soo kordhayaan dadka cunto ahaan u isticmaala noocyo ka mid ah Cayayaanka sida Tixriga, Ayaha, Buluca iyo Quraanshada.
Stefan Gates oo ah Saxafi Telefishin oo u dhashay dalka Britain ayaa Socdaal u kuur-galid ah ku soo maray qeybo ka mid ah Caalamka, si uu u soo indha-indheeyo qaabka ay dadyoowga u cunteeyaan iyo noocyada cuntada ay cunaan.
Stefan Gates oo 45-jir ah ayaa dhawaan Saxafi ka hawlgala Wargeyska Daily Mirror, ku casuumay gurigiisa oo ku yaala Waqooyiga London, isagoo cuno ahaan ugu soo dhaweeyay Khudaar iyo saxan laga soo buuxiyay Tixri, Ayax, Bulac la shiilay.
Waxaa jira wadamo dhow ah oo dadkooda ay isticmaalaan cayayaanka,kuwaasi oo si aad ah u soo badanaya,waxaana hal ku dhig ah (Cunista cayayaanka ma badbaadin kartaa dunida).
FIIRSO SAWIRO; Dunida Wadamada Qaar oo Cunto ahaan Looga Cuno Cayayaanka..
Dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Muslimiinta ayaa bey ula yaabaan marka ay maqlaan ama ay arkaan Ummad cuneysa cayayaanka.