Dadkii ka barakacay Gaalkacyo oo qaarkood diideen inay dib ugu laabtaan magaaladaa

0
Monday November 14, 2016 - 10:31:21 in Wararka by
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii ka barakacay Gaalkacyo oo qaarkood diideen inay dib ugu laabtaan magaaladaa

    Qaar ka tirsan dadkii dhawaan ku barakacay dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo ayaa diiday inay dib ugu laabtaan magaaladaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka tirsan dadkii dhawaan ku barakacay dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo ayaa diiday inay dib ugu laabtaan magaaladaa.
Dadkaa ayaa xero ka samaystay meel ka baxsan Gaalkayo oo lagu magacaabo Booca Madoow. Waxaa dadkaa oo u badan maato dumar iyo carruur ah ay sheegeen in aysan ku laabanayn Gaalkacyo maadaama ay furin isku rogtay aysana haysan wax xaqiijin ah in mar kale dagaal uusan halkaa ka dhici doonin.

Gaalkacyo ayaa waxaa ku dagaalamay dhowr jeer ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland.

Dadkaa barakacsan ayaa sheegay inaysan magaalada iyo guryahoodii dib ugu laaban karayn walow maalmihii lasoo dhaafay labada daraf ee dagaalamay ay nabad ku heshiiyeen dadku inuu ku wada noolaado.

Waxaa sidoo kale jira guddi ka kooban 18 xubnood kaasoo loo xil saaray hubinta dhaqan galintii heshiiskii nabadda ee dhawaan laga gaaray dagaaladii dhacay iyo in wax colaad ah oo kale aysan magaalada Gaalkacyo ka dhicin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip