Maxaa aabehay loo dilay 24-sano ka hor? By: Liiban

0
Monday November 14, 2016 - 10:04:04 in Maqaallo by
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa aabehay loo dilay 24-sano ka hor? By: Liiban

    Waa Xili danbe oo habeen ah Hurdo ayaa iga soo dhici la' waxaan is waydiiyaa Dhawr arimood: 24 sano ka hor maxaa aabahay loo dilay, dadkeen Qaladaadkii 100 sano kabadan dhacayay maxay wax oga baran la'yihin, Maxay hooyooyinka Culays aan qaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Xili danbe oo habeen ah Hurdo ayaa iga soo dhici la' waxaan is waydiiyaa Dhawr arimood: 24 sano ka hor maxaa aabahay loo dilay, dadkeen Qaladaadkii 100 sano kabadan dhacayay maxay wax oga baran la'yihin, Maxay hooyooyinka Culays aan qaadi karin ugu rarayaan iyo kuwa kale intaan ka badan.

Magacaygu waa Liibaan Cabdiqaadir Aw Aaden waxaan jiraa 25 sano, waxaan ahay arday diyaariyo heerka labaad ee jaamacada Waxaan ahay Wiil ka soo jeeda labada Qabiil ee maantay isku haysta Magaalada Gaalkacyo waana abtiyaashay iyo adeerayaashay , Waxaan u jeedaa Qalad ay iga galeen 24 sano ka hor in maantana qaladkaas mid la mid ah ay ka galayaan Caruur Soomaaliyeed.

Aadbaan u yaraa oo maba Xasuusti aabahay, waxaana dareemaya in garabkaygii maalintaas aan waayey, Waxay ahayd Galab aabe AUN waxuu raadiyey Geel aan lahayn oo uu rabay in uu soo Xareeyo, Galabtaas Xaalku ma fiicnayn waxaa ka jiray Saan saan Iyo dhiilo Colaadeed oo u dhaxeeysey Labo maleeshiyo beeleed o ah kuwa isla maantay Galkio isku haysta, Aabe waxuu ku baxay duurka asagoo aan Cidna aanan waxba u dhimin Wax Hubna uusan wadan, waxaa bilawday Dagaal aad u qaraar oo sababsaday in dhinacyadii dagaalamayay ay ku nafwaayaan, Aabe Asago Xabadii Kacararaya ayaa waxaa ka hor yimid labadii qabiil mid ka tirsan, ma jirin wax la dhaafaayey Aabahay meeshaas ayaa lagu dilay waliba Si arxan daro ah islaanimada iyo Bani aadamnimada ka fog.


Aad ayey i Xanuujisaa Ilmadana way iga qubanaysaa markaan xasuusto dhacdadaas maalintaasna waxaan waayey Garab ka mid ah garbahayga.

Hooyaday oo aad u dhalinyara ah waxaa ku soo furmay labo Masuuliyadood Maadama booskii aabe meesha ka maqanyahay , Waxayna go’ aan ku gaartay in Caruurta inta ilaahay Siiyey ay dhexda ugu Xirato ilaa maantana ay ku howlneed Sidii ay anaga noo korin lahayd taas o sababtay ineysan ka faaideysan sanado badan o katirsan xiligeedi dhalmada ay awooday
Hooyo Allaw Janada abaalkaaga ka dhig

Waxaan Dareemaya waxii maalintaas dhacay in ay maantay Sii socdaan , Siina Socon doonaan Oo laga ilmaysiinaayo Caruur Aabahood aan la garanayn Sababta loo dilay Laga ilmaysiinaayo Hooyo Saygeeda la dilay Lagu kalifaayo in hooyooyin badan rafaad iyo Saxariir ay u maraan dhibka u keenay qabiilaysiga la isku laynaayo, Caruur badan ku abuuraya Cuqdad iwm.

Qarni ka hor waxii bilawday ilaa maantay waxay maraysa in uusan Wiil uusan ukala Gudbi karin abtiyaashiis ama adeerayaashiis.

Cuqdad uma qabo abtiyaashay ama adeerayaashay oo aan ka kala dhashay oo dhiigooda iyo dhiicaankooda aan ahay oo waxaan ahay qof wali aaminsan in aysan Xumayn Adeeryaashay iyo abtiyaashay o ay labaduba ay ku dhex jiraan Dad fiican oo aan la heli karin oo korinaaya una Boogo dhaqaya kuwii shalay xumaanta saameysay.

Waxaan ka Xumahay oo aan ka cuqdadaysanahay in maantay 25 sano kadib in uu wali dhibkii soo taaganyahay dadkii Xumaa oo dadka dhiigooda cabayey ay muuqdaan walina u sii kulul yihiin in ay wax Gumaadaan aad ayeyna u yar yihiin , kuwii wanaagsana oo tirada badna wali ma muuqdaan oo ganbasho ayey ku jiraan kii hadlana Cid wax ka maqlaysa maleh.

Markaan maqlo dagaal qabiilaysi ayaa ka dhacay Mudug , Shabelaha dhexe , Shelaha hose iyo Jubooyinka wax walba way igala xanuun badanyihiin waxaana Galayaa xasuus iyo Xanuun , waxaana ka fikiraa 9billood oo calool ah kadib, duni agoontinimo leh, duni ay Africa uga noolan doonan, duni ay Soomaali ka yihiin, haddana ku aaba la’yihiin, iyagoo awalba qeyrkood ka liitay, nolol tayo ahaan. Waan ka xumahay in dalkeygii weli sidaas agoon ugu dhalanayo, aabe ugu dhimanayo, hooyana asaay u qaadeyso sabab la’aan, si joogta ah, weliba si ka fudud in hergab kugu dhaco.
Ilaahay waxaan ka baryaa inuu dadkayga garansiiyo dhibaatada uu dagaalka leeyahay nabadna ilaahay ka dhex dhaliyo.

W/Q:Liibaan Aw Aaden



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip