FAALLO:- Hadal-haynta Qabsoomidda Doorashadda Somalia iyo Hufnaantooda.

0
Sunday November 13, 2016 - 11:13:45 in Maqaallo by
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO:- Hadal-haynta Qabsoomidda Doorashadda Somalia iyo Hufnaantooda.

    Tan iyo markii Dowladda Federalka ee haatan la doortay sannadkii 2012-kii, waxaa Ajendayaasha ugu muhiimsan ee hor yaallay ahaa in loo gogol-xaaro Doorashadda Somalia ee sannadka 2016-ka, laakiinse, taabagelinta arrintaasi ayaa mabda' ahaan lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii Dowladda Federalka ee haatan la doortay sannadkii 2012-kii, waxaa Ajendayaasha ugu muhiimsan ee hor yaallay ahaa in loo gogol-xaaro Doorashadda Somalia ee sannadka 2016-ka, laakiinse, taabagelinta arrintaasi ayaa mabda' ahaan lagu fashilmay.

Sababaha ugu waa weyn ee dayacaasi keenay ayaana loo aanaynayaa iyadoo Labada Gole ee Dowladda Federalka ku mashquuleen Khilaaf dhexdooda, Dayacaad Mas’uuliyad iyo Caga-jiid Siyaasadeed, taasi oo ugu dambeyntii horseeday in ay Dowladda Federalka cuddur-daar u sameeyaan Hawshii Doorashadda ee loo idmaday.

Inkastoo uu Xilli-hawleedka Dowladda Federalka ku ekaa bishii August ee sannadkan, haddana waxaa loogu daray Xilli-kordhin KMG ah, si loo qabanqaabiyo Doorasho nooca Dadban.

Beesha Caalamka ayaana dadaal u galay sidii Somalia looga samata-bixin lahaa Xilliga Kala-guurka Siyaasadda, waxayna Hoggaamiyayaasha Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradka u qabteen Kulamo loogu gogol-xaarayo Qabsoomida Doorasho Dadban oo asaas looga dhigayo Nidaamka 4.5 ee Awood-qeybsia ay Soomaalida sannooyinkii ugu dambeeyey ku qeybsan jireen Awoodda Hay’addaha Qaranka.

Himilo Dorasho ayaana loo wada dhaqaaqay, iyadoo Musharax kasta dadaal ugu jiro sidii uu Mansab uga heli lahaa Xilalka Qaranka, siiba kuwooda ugu dufanta badan

.

Doorashadda Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ayaana tijaabo siyaasadeed u noqotay Muuqaalka Dowladda cusub ee la soo dooran doono, waxaana soo baxay Guux-siyaasadeed iyo Tebasho Shaqsiyadeed ama Beeleed.

Gurxanka ugu adag ayaa muujinaya inuu Musuq iyo xodxodasho ba’an hareeyey Doorashooyinkii ka dhacay Maamul-gobaleedyadda, ee lagu soo doortay inta badan xubnaha Maamul-gobaleedyadda uga mid noqonayo Xildhibaanadda Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.

Dadka ka faallooda Siyaasadda ayaa rumeysan inuu jiro gorgortan iyo Is-faham dhex mara Mukhalasiinta qarsoon ee Musharaxiinta iyo Cod-bixiyayaasha, isla markaana ay adag tahay sidii loo xakamayn lahaa Musuqa, maadaama aynu ku nool nahay Waddan uu la degay Musuq iyo Dagaalo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la saadaalan Karin sida ay Doorashadda Madaxweynaha cusub ee Somalia u noqon karto Doorasho ka nadiif ah Musuqa, Xodxodashadda iyo Ballanqaadyadda kale, waxaana naadir ah in daruufaha Somalia xilligan ka jira inay ka dhacaan Doorashooyin 100% Hufan.

radiodalsan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip