Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo mar kale la wareegay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan

0
Monday August 31, 2015 - 12:27:05 in Wararka by
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo mar kale la wareegay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan

    Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa mar kale la wareegay gacan ku heynta deega Halgan, kaddib markii ay halkaa isaga baxeen xoogagga Al-shabaab oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa mar kale la wareegay gacan ku heynta deega Halgan, kaddib markii ay halkaa isaga baxeen xoogagga Al-shabaab oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa.


Waa markii labaad oo ay ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegaan gacan ku heynta Halgan oo ah xarun istiraatiji ah, muddo dheerna maamulayeen xogagga Al-shabaab.

Bishan gudaheeda ayeey aheyd markii ay deegaanka isaga baxeen ciidammada dowladda iyo kuwa howlgalka AMISOM , gaar ahaan ciidammada Itoobiya, taa oo keentay in ay dib ugu noqdaan magaalada dagaallamayaasha Al-shabaab, waxaana ay arrintaa walaac badan ku abuurtay dadka shacabka.

Hase ahaatee mar kale ayeey ciidammada isbaheysanaya dib u la wareegaan gacan ku heynta deegaanka, iyadoo saraakiisha hogaamineysana ballan-qaadeen in aysan dib uga laaban doonin deegaan danbe oo ay la wareegaan.

Taliyaha qeybta afraad ee ciidammada


AMISOM Col Cabdirahaman Cabdi Dhimbil, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidammada Itoobiya ee howlgalka ka wadda qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ka tirsaneyn howlgalka midowgga Africa, hasse ahaatee waxaa arrintaa beeniyay, taliyaha guud ee ciidammada militariga Jabuuti Jen Zakariye Sheekh Ibraahim oo sheegay in ciidammada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya qeyb ka wadda yihin howlgalka AMISOM.

Lama oga in ciidammada isgarabsanaya ee la wareegay Halgan ku sii nagaan doonaan iyo maalmo kaddib in ay halkaa isaga baxayaan siddii kol horeba dhacday.

xigasho:- hiraan.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip