Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 "Qeybaha 2aad iyo 3aad",,,AKHRISO+Dhageyso

0
Thursday November 03, 2016 - 22:22:14 in Maqaallo by
  • Visits: 1558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 "Qeybaha 2aad iyo 3aad",,,AKHRISO+Dhageyso

    Dhalashadii Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dhismihii Golihii Sharcidejinta Soomaaliya. Gobolladii Woqooyi Dalka Soomaaliyeed ee loo yiqiin "British Somaliland" oomadaxbannanidiisa helay 26-ka Juun 1960,wuxuu 1-dii Luuliyo 1960-kii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalashadii Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dhismihii Golihii Sharcidejinta Soomaaliya. Gobolladii Woqooyi Dalka Soomaaliyeed ee loo yiqiin "British Somaliland" oomadaxbannanidiisa helay 26-ka Juun 1960,wuxuu 1-dii Luuliyo 1960-kii la midoobay Gobolladii Koofurta Soomaaliya oo ku jiray Wasiyadda {dardaaaranka} Qarumaha Midoobay, Midowga labadooda waxaa ku dhismay Jamhuuriyadda Soomaaliya oo madaxbannaan.

Sida ku cad Sharciga Lam 5 ee 31 Jannayo 1961 oo ah sharciga Soomaaliya oo madaxbannaan ku midowaday, Golihi Qaranka ee ugu horreeyey ee Soomaaliya wuxuu ka koobnaa 123 xildhibaan, oo ah wadrata: Sagaashan (90) Xildhibaan oo ka yimid Golaha Qaranka ee Koofurta Soomaaliya, oo la soo doortay 1959 – iyo soddon iyo saddax (33) xildhibaan ka yimid Golaha Sharcidejinta ex British Somaliland oo ahaa xildhibaanadii la soo doortay1960, sidaana waxaa ku sameysmay Golihii Sharcidejinta 1aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana loo yaqiin"Assemblea Nazionale/National Assembly” (ama Golaha Sharcidejinta Qaranka), astaanta lagu gartona ahayd xarfaha A.N. oo guduudan.

Golahan Sharcidejinta 1aad ee Jamhuuriyadda ayaa si Ku-meel-gaar ah u ansixiyey Dastuurkii 1960kii una diray in Shacbigu ku ansixiyo Afti Qaran, wuxuuna Golahan isla markaa M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan u doortay in uu noqdo Madaxweynihii 1aad ee Soomaaliyeed ee Madaxbannaan.

Natiijada Doorashadii Madaxweynaha Ku-meel-gaar ah ee Soomaaliya – Luulyo 1960kii

Waxaa dooranaayey: Golaha Xildhibaannada Qaranka (Assemblea Nazionale /National Assembly) Tirada Xildhibaannada fadhiyey ee codeynayey waxay ahaayeen 115 Xildhibaan

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

8

107

115

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan

107

0

0

FG. Sida uu qabey qoddobka 71 (1) ee Dastuurka 1960kii M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan oo wagaas ahaa 45 jir wuxuu noqday Musharraxa kaliya ee buuxiyey da’da dastuuriga ah ee lagu noqonayey Madaxweyne, wuxuuna markaa hayey xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka. Madaama uusan jirin musharax kale oo usoo istaagay tartanka Madaxweynimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, buuxiyeyna sharuudihii dastuuriga ahaa, isagaas ayaana loo doortay Madaxweyne muddo hal sanno oo gaarsiin ah taniyo inta afti dadweyne lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee 1960kii.

Aftida Qaranka: Meelmarinta Dastuurka 20-ka Juun 1961.

Dastuurkii 1da Luuliyo 1960kii, oo Golahii Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliya sida ku-meel-gaarka u ansixiyey, waxaa 20kii Juunyo 1961 lagu meelmariyey afti qaran oo loo bandhigay Shacbiga Jamhuuriyadda. Natiijada rasmiga ahana waxaa ansaxiyey kuna dhawaaqay Maxkamadda Sare. Natijada codeyntii shacbiga oo kooban waxay noqotay sida halkan hoose ku qoran, ayadoo faahfaahsanna arag lifaaqa:

Koobniin Natiijadda Aftida Qaran 1961 loo qaaday Dastuurkii 1960kii

Tirada Codbixisay

Tirada Doortayaasha Codbixisay

1,948,348

Inta oggolaatay Dastuurka

1,756,216

Inta diiday Dastuurka

183,000

Xaanshiyaha xummaaday

9,132

Codeynta aftida qaran ansixinta dastuurka oo faahfaahsan

Juun 1961

X/T

Gob. Banaadir

Goob cod bixin

Haa

Maya



Muqdisho

155

26,804

15,217


Marka

151

87,443

10,601


Baraawe

132

70,911

1,599


Afgooye

134

77,627

895


Wanlewayn

130

68,994

– – –


Jawhar

140

83,414

4,234


Balcad

131

38,461

12,553


Aadan Yabaal

136

68,354

3,684

X/T

G/Jubada Hoose

Goob cod bixin

Haa

Maya


Kismaayo

130

40,302

4,640


Jamaame

134

60,975

2,692


Afmadow

120

34,469

1,442


Jilib

155

26,804

15,217

X/T

Gobolka J/sare

Goob cod bixin

Haa.

Maya.


Baydhabo

150

114,441

213


Buur Hakaba

141

87,351

97


Luuq

132

70,105

543


Xuddur

131

65,883

124


Diinsoor

127

60,147

369


Baardheere

129

53,831

1,156

X/T

Gobolka Hiiraan

Goob cod bixin

Haa.

Maya.


Beledwayne

134

6,930

9,359


Buula Burde

137

7,366

14,194

X/T

Gobolka Mudug

Goob cod bixin

Haa.

Maya.


Gaalkacyo

130

43,476

9,658


Dhuusamareeb

126

23,098

2,589


Ceelbuur

131

52,598

3,589


Hobyo

126

29,716

2,519

X/T

G Majeerteeniya

Goob cod bixin

Haa.

Maya.


Boosaaso

120

29,169

12,308


Qandala

120

42,035

1,924


Caluula

124

54,641

44


Iskushuban

130

63,298

4,484


Qardho

135

78,190

2,198


Eyl/Garowe

140

78,876

4,977

No.

Gobolka Hargaysa

Goob cod-bixin

Haa.

Maya.


Hargaysa

143

10,449

27,087


Berbera

117

2,220

5,231


Boorame

125

14,380

522

No.

Gobolka Burco

Goob cod-bixin

Haa.

Maya.


Burco

126

6,427

12,868


Laascaanood

118

12,090

2,553


Ceerigaabo

123

3,950

6,019

FG. Codeynta Aftida Qaran waxaa cabashooyin ka soo jeediyey Degmooyinka Marka, Afgooye, Beledwayne, Dhusa-marreeb iyo Ceel-Buur, iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee G.L.S, S.N.L. iyo U.S.P. cabashooyinkaasi waxaa 4tii Luulyo 1961 go’aan ka gaartay Maxkamadda Sare oo ansixisay natiijadda kor ku xusan.

Waxaa xusid mudan in tirabuurta diiday dastuurka cusub waxay u badnaayeen dadkii waagaas degannaa Gobollada Woqooyi Jamhuuriyadda ee Ex-British Somaliland iyo Gobolka Hiiraan. Waxaase aqlabiyad aad u ballaaran ku ansixiyey, dastuurka cusubna ku oggolaaday dadkii Soomaaliyeed ee ku nolaa Gobollada dalka intiisi kale.


La Soco Qeybta 3aad Insha Allah


WAA WATAN  HOOSE EE SII AKHRI :-

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 "Qeybta 3aad” Akhriso+Dhageyso

Natiijada Doorashadii Madaxweynihii 1aad ee Dowladda Soomaaliya 6dii Luulyo 1961

Kadib markii Maxkamadda Sare go’aankeeda 4tii Luulyo 1961 ay ku ansixisey Aftida Qaran, muddadii hal sanno oo ahayd xilhaynta ku-meel-gaar ah ee Madaxtooyaddana dhammaatay waxaa la iclaamiyey in 6da Luulyo 1961kii la qabto doorashada mMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo muddada xilhayntiisu noqomayso Lix (6) sanno. Waxaa xilkan usoo istaagay laba Musharax oo kala ah M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan Dacar iyo M.ne Sheikh Cali Jimcaale. Nadiijada iyo sida ay dhacday doorashaduna waa sida soo socota:

Waxaa dooranaayey: Golaha Xildhibaannada Qaranka (Assemblea Nazionale /National Assembly) Tirada Xildhibaannada fadhiyey ee codeynayey waxay wareegii 3aad ahaayeen 123 Xildhibaan

Wareeg

Codadka aamusay ama xumaaday:

Cododka ansaxay:

Wadarta Cododka

Wareega Koowaad

1

119

120

Wareega Labaad

1

119

120

Wareega Saddaxaad

0

123

123

Magaca Musharraxa

Wareegga 1-aad

Wareegga 2-aad

Wareegga 3-aad

M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan

60

59

62

M.ne Sheikh Cali Jimcaale

60

61

61

FG. Sida uu qabo Dastuurkii 1960, wareega 1aad iyo kan 2aad musharaxiinta waxay ku kala guuleysan kareen qofkii hela 82 cod oo u dhigan 2/3 tirada guud ee Xubnaha Golaha tasoo midkoodna helin. Saa daraadeed waxaa lagu kala baxay wareega 3aad oo cod hal dheeri ah Mudane Aadan Cabdulle Cismaan ku guuleystay inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Doorashooyinka Golayaasha Maamullada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka: Nofeembar 1963:

Doorashooyinkani waxaa lagu xeeriyey Sharciga Lambarkiisu yahya 19 ee 14-kii Agoosto 1963 oo cinwaankiisu yahya "Local Administration and Local Council elctions” (Sharciga Doorashooyinka Golayaasha Maamulka Golayaasha Dawladaha Hoose ee Degmooyinka), laguna soo saaray Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 3rd Seteembar 1963. Doorashadan Golayaasha Maamullada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka waxaa ka qaybgalay oo codkooda dhiibtay in ka bada 1.300.000 muwaaddin.

Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu xeeriyey sharcigan waxaa ka mid ah:

  1. Si waafaqsan Qodobka 2-aad ee sharcigan, Wakiillada Golayaasha Maamulka Dawladaha Hoose iyo Maamullada Degmooyinka waxaa lagu soo doortay mabda’a doorashada oo ay ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin una siman yihiin codeynta, oo loo yaqaan ((universal suffrage), waxaana lagu fuliyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system). Codeyntu waxay ahayd mid shakhsi ah, loo siman yahya, xor ah, doorasho toos ah oo qarsoodi ah.

  2. Isla Qodobka 2-aad ee sharcigan wuxuu xeeriyey in Muwaadin kasta ha ahaado lab ama Dheddig, oo sannadka doorashooyinka la qabanaayo 18 jirsada waxay xaq u leeyihiin in ay codeyaan. Waxaase shardi aha in dhimirkiisu dhan yahya, in gaboodfal uu galay awgeed aan lagu ridin xukun ka mamnuucaya inuu xil ka qabto xafiisyada Dawladda, ama xukun looga qaadin xaqqa codeynta ama dembi uu galay awgeed xabsi ku jira.

  3. Si waafaqsan Qodobka 3-aad ee sharcigan wuxuu xeeriyey in muwaadin kasta oo ay da’diisu ugu yaraan 25 jirsada sanadka doorashada la qabanayo , oo karti u leh wax-akhris iyo far-qorista waxay xaq u leeyihiin in loo dooran karo Golayaasha wakiillada Maamulka Dawladaha Hoose iyo Maamullada Degmooyinka, aan ka ahayn xubnaha ka shaqeeya Laanta Garsoorka, Ciidammada Qalabka Sida ama xoogagga u habeysan nidaam ciidan-u-yaal (Paramilitary), Shaqaalaha iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Madaxda Maamullada Degaannada hoostaga Dawladaha Hoose ee Degmooyinka (Governatore Regionale, Commissario Distrettuale & Delegato Distrettuale) Maadaama ay ka mid yihiin Shaqaalaha Rayadka ah ee Dawladda, shaqaalaha Xafiisyada Dawladda ee Gobollada iyo shaqaalaha ka shaqeeya degmooyinka iyo shaqaalaha Maamullada Degaannada oo kuraasta golayaasha degmooyinkooda iyo degaannadooda loo tartamayo.

  4. Si waafaqsan Qodobka 7-aad, Habka kuraasta loogu kala guuleysto wuxuu ahaa wadarta tirada guud ee codadka ansaxa ah oo loo qaybiyo tirada kuraasta Mattalaadda Golaha degmadu leedahay, ka dibna tirada codadka soo hartay oo dib loogu sii qaybiyo kuraasta harsan.


La Soco Qeybta 4aad Insha Allah

XIGASHO:-RADIOMUQDISHO.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip