WAXAAN KU DHAX JIRNAA FUUSTO SHIDAAL AH OO HOLCEEYSO.

0
Thursday November 03, 2016 - 12:54:17 in Maqaallo by
  • Visits: 1280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXAAN KU DHAX JIRNAA FUUSTO SHIDAAL AH OO HOLCEEYSO.

    Araar: Ha u qaadan in aan cid gaar ah u dan leeyahay,waa qoraalo aan soo xigtay si dhalin yarada somaaliyeed ee cumrigoodii lala qeeybsaday, mustaqbalkoodiina la dilay ,iyadoo meel kale farta loogu fiiqayo, ay u arkaan wixii ajaanibtu naga qortay mad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Araar: Ha u qaadan in aan cid gaar ah u dan leeyahay,waa qoraalo aan soo xigtay si dhalin yarada somaaliyeed ee cumrigoodii lala qeeybsaday, mustaqbalkoodiina la dilay ,iyadoo meel kale farta loogu fiiqayo, ay u arkaan wixii ajaanibtu naga qortay madaxdeenuna naga qarisay.

( Iga raali ahaaw adna waan kugu dheereeynayaa, anna tix raac raadis aa igu dheeraaday)

untitled

Ilaa qarnigii tagay bilowgiisii, Soomaaiiya waxaa jiray baaritaan shidaal. shirkado badan ayaana fasax u heystay shidaalka, kuwii ugu dambeeyay ee fasax u hela waqtigii dowladii shibilka, fiiri marqaati ( FM) Dikareetada 1-dii Janaayo 1969-kii, oo ay ka wada muuqdaan warqadda codsiga ee shirkadda Somiren SPA ee 16-kii Nov.1968-kii ee uu saxixay Eng. Mario Bambanini oo ku codsanayay dhulka cabirkiisu yahay 1E, 4EW, 8E, 9EW, 13E, 14E loogana qaaday $1 milyan oggolaansho fasax oo kaliya. fiiri bogga 499 & bogga 500-na ee uu ku oggolaaday Wasiirka Macdanta Md. Ismaaciil Ducaale Warsame, kaddibna waxaa ansixiyay Madaxweynaha. FM dikareetada uu ku saxiixan yahay Md. C/rashiid Cali Sharmaarke 7-dii Dis 1968-kii laguna diiwaan geliyay rajiistarka No.1 bogga 18-aad ee hanti dhowrka guud ee uu saxiixay Maxamad Ciise Salwe.

Kaddibna Md. C/Rashiid wuxuu saxiixay dikareetada kale 2dii Dis. 1968-kii ee Western Nuclear USA ee Robert W. Adems loogu fasaxayay agagaarka Buur hakaba, dhulka 8W iyo 13W. kuwaa oo dhan waxa lagu saxiixayay magaca dowlada somalida taa oo sax ku aheed in magacaa lagu saxiixo.waxaase xigay in shirkadihii ay noo qorsheeyeen in aan qabiil iyo federal ahaan ay wax nooga saxiixdaan.

warbixinta Fabbio Scuto iyo Mario Tedeschini ee La Republica 3-dii Agosto 1993-dii ay ku leeyihiin "Soomaaliya looma imaan in laga kaalmeeyo dhinaca bani aadanimada oo kaliya ee waxaa jira dahabka Madow ,waxa ay raaciyeen in Mr. Warren Christopher uu arrintaa wax ka ogyahay.

FM warbixinta Mr. Thomas O. Connor oo ah khabiir bankiga adduunka ka tirsanaa uu ku leeyahay leyskuma hayo in hodonnimo Soomaaliya ay ka jirto ee mar ayagu ha heshiiyaan iyo warbixinta khubarada kale ee bankiga adduunka ee 1991 ay ku leeyihiin Soomaaliya sanadkii waxaa laga soo saari karaa 10-malyan oo fuusto celasha qaar yar oo ka mid ah taa oo u dhiganta 2-malyan oo doolar maalintii, waxaa caalamku qorsheeyeen in heshiis cusub la galo 1992. waxaase dhacday in 7-da Shidaaleyda (Sette Sorelle) iyo wadamada Yurub gaar ahaan Talyaanigu ay ka caroodeen markii (2/3) dhulka Soomaalida la hoos geeyay shirkado Mareykan ah, shirkadaha Phillips, Ameco, Chevron, Conoco ay horayba u howlgaleen, dhulka qabiilka lsaaq (waa sida ay u qoran tahaye) waxaa la siiyay Ameco, xadka Jabuuti Chevron, Agipna waxaa la siiyay keydka weyn ee a badaha waa sida Fabbio Scuto iyo Mario u qoreene, haddii aad fiiriso maabka shidaal ee Soomaaliya ee LA Republica bogga 18aad waxaa ka taagan 7-calan, dhinaca Afmadow calanka shirkadda Texaco, Buula Xaawo Shell, Kismaayo Ameco, Banaadlr Pecten, Laas Caanood Conoco, Berberana Ameco, Boorame Chevron.

Ceelasha dhameystirnaa oo shidaalkoodu iib sugayay waxaa ka mid ah ceelka ku yaal Qeyd Shamar Tuulada FaFax Dhuun ee Baardheere, kaasoo la qorsheeyay in loo sameeyo dhuumo shidaalka Kismaaya keena furitaanka ceelkan waxaa tegay Danjiraha USA & UK, wax yar kaddib waxaa dhacay dagaal taa oo keentay iney qalabkoodii dib u qaataan taa oo xaq ay u lahaayeen. Mar kale Fiiri Marqaatiga ( FM ) buuga The Mining Code & Mining Regulation Somalia 1984 qodobka 14aad, ceelka 2aad ee ceelka la tijaabiyay waa kan Bullaxaar Berbera.

Dhibaatada Soomaaliya waxey keentay in shidaaleydu ku fikiraan in dhulka lagala heshiiyo qabaa’ilka faraha ku haya,la iskana hilmaamo dowlad dhexe ee somaliyu leedahay, waxaana la curiyay fikirka Jubba Land iyo in dhulka hodonka ku ah shidaalka ay yeeshaan qabaa’ilku lana kala sheegto, taa oo wadamada qaar gaar ahaan talyaanigu uu gadaal ka riixayay,asaga oo u arkayay in mustacmaradiisii hore loo diiday in uu dalaal ka noqdo, FM Warqadda ku socota Xog. Guud ee Jimciyada Quruumaha, Jaamacada Carabta, OAU iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ee 13/8/91 oo laga kala saxiixay SPM Cumar Macalin, Gabyow iyo Jees. SSDF Ibraahim Cali Mire, Morgan iyo C/Nuur Yuusuf. SNF Maxamad Aadan Sheekh, Cumar Xaaji iyo Gaani. warqadaa oo maab & qoraalba ay ku cadahay iney yihiin 50% Soomaalida ayna degen yihiin gobolada J/sare, J/hoose, Sh/hoose, Mudug, Galguduud, Bari, Nugaal, Sool, Gedo iyo Bakool. waxaana cagta saarnay wadadii talyaanigu rabay ee dhulka qabaa’ilku isagu sheeganayeen,qabaa’ilkii kalena waxaa laga codsaday in ay ayana sheegtaan qaybo lagala heshiiyo.

Haddii aan dib ugu soo noqono warbixintii Fabbio iyo Mario waxey leeyihiin Amb.Robert Okly ( danjirihii US ee somaliya waqtiyadii dagaalada sokeeye) oo laftiisu ahaa saamile shirkad shidaal iyo Conoco ayaa doorka ciyaaray arrinta shidaalka iyo sidii Soomaaliya loo dejin lahaa shidaalna loo soo saari lahaa & macdan kale oo fara badan , laakin waxaa is fahmi waayay Caydiid lyo Mareykanka. Caydiid oo aamisanaa in J/Land dadka sheeganaya ay 60-sano ka yar halkaa degenaayeen. Wuxuuna weerar ku qabsaday Baardheere oo aheed xarunta shidaalka ka dibna ku fiday ilaa Kismaayo si isagu uu u noqdo ninka lagala tashanayo, bacdamaa shirkaduhu yiraahdeen meel kasta qofka gacanta ku hayo ayaan kala tasheeynaa.

Fabbio iyo Mario (Kolonka 3aad waxey ku qoreen in Md. Cali Mahdina Conoco ay la saxiixatay inuu oggolaado in shidaalka la soo saaro asaga oo ku saxiixayo magaca dowladda somaliya).


Wax yar kaddib intaan howsha la bilaabin waxaa farageliyay Yurub, waxaana dhashay khilaafkii Caydiid iyo Mareykanka.Fabbio iyo Mario waxa ay qoreen sidan: Majeerteenkuna waxey yiraahdeen heshiis kasta oo Siyaad kaddib la saxiixay waxba kama jiraan taa oo keentay in la yiraah Kismaayo Majeerteenka ha laga tixgeliyo, Morganna ha lagu soo celiyo,taa oo caydiid ka sii careeysiisay, Morgan kuma ekaan inuu Kismaayo qabto ee wuxuu diyaariyay in Cusmaan Caato la xiro bacdamaa uu saameyn ku lahaa shirkadaha. Caato wuxuu hal ku dhig ka dhigtay ( USA is a friend UN is an invader) waa sida Fabbio yiriye asagoo is leh kala sooc Mareykanka iyo UN, markaa Mareykanku waxey ku fekerayeen in la helo qof bedela Caydiid. Bacdamaa Caydiid uu ahaa ninka kaliya ee si dhab ah u fahmay muhiimada shidaadka iyo J/land.
Mr.Fabbio Scuto iyo Mr.Mario Tedeschini waxa ay hadalkoodii ku soo gabagabeeyeen in mustaqbalka wadanku noqonayo gobol iyo shirkado heshiiyay.

FG 1: dagaaladii sokeeye ee la isagu habar wacanayay ee la lahaa reer hebel ayaa idinku soo duulaya ee iska celiya,madaxdeenu waxaa ay naga qariyeen berigaa in ay isku heeysteen dalaal shidaal,dadkeeniina ku dhintay kuna qaxay. Maantana waxa laguu kala qaybinayo waa isla dalaalnimo shidaal iyo in federaalada loo isticmaalo mana dhamaanayo dagaal danleey ka dhexeeya dowladna aan la ogoleeyn, waxaa hogaamiyayaashu ay dhaxal tirayaan dhalin yarada jiilka cusub ,oo halkii ayaga oo soo tahriibi lahaa la baday in ay tahriibaan. Shidaalkii ay ku hodmi lahaayeena, dab lagu qabtay. Dhalin yarooy fekera wax aad qarannimo ku weeyday qabiil ku heli madoontid,waxa la isticmaalayana waa adiga.

FG2. Fekerkaaga xor ayaad u tahay waana noo muhim, beeni ,taageer ama wax ku dar. ( iga raali ahaaw mar kale adna waan kugu dheereeyay, anna tix raac raadis aa igu dheeraaday)


Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip