AXMED SEED: Waxaan Maxkamadda ka Furayaa Dacwad ka Dhan ah Shirkii Xisbiga WADDANI

0
Monday October 24, 2016 - 22:22:46 in Wararka by
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AXMED SEED: Waxaan Maxkamadda ka Furayaa Dacwad ka Dhan ah Shirkii Xisbiga WADDANI

    Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI, Axmed Mumin Seed ayaa maanta ku dhawaaqay garab la magac baxay Garabka Toosinta iyo Cadaaladda Xisbiga WADANI, waxaanu sheegay inuu Dacwad ka dhan ah Shir-weynihii Golaha Dhexe ee lagu d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI, Axmed Mumin Seed ayaa maanta ku dhawaaqay garab la magac baxay Garabka Toosinta iyo Cadaaladda Xisbiga WADANI, waxaanu sheegay inuu Dacwad ka dhan ah Shir-weynihii Golaha Dhexe ee lagu dooranayay musharaxiinta u gudbin doonno maxkamadda sare ee Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka baxay shirkii lagu dooranayey xubnaha uga Qayb-galaya Xisbiga WADANI doorashada, waxaanu sheegay in cadaalad daro weyni ka jirtay shirka, isla markaana si juujuuba ah lagu dooranayey Musharraxii isaga kasoo Hor-jeedday ee Maxamed Cali Cabdi oo tartan adagi dhexmaray labaddoodda musharax oo ku tartamayey jagadda madaxweyne ku xigeenka xisbiga.

"Waxaan maanta u wanqalaynaa Garabka toosinta iyo cadaaladda ee xisbiga WADANI, waxaana isla qaadanay gudoomiyeyaasha garabkayga taagan, xisbiga wadani waa xisbigii aanu wadda aasaasnay aniga iyo gudoomiye Cirro, waa xisbi aan juhdi badan galinay aniga iyo inta kale ee walaalo nahay ee halkan ila joogta”ayuu yidhi Mumin Seed oo si weyn uga cadhooday shirkii golaha dhexe ee lagu dooranayey musharaxiinta.

Isagoo intaa ku daray. "Anigu ku xigeenkii kowaad baan ahaa, waxaan jiray raga go’aanka xisbiga iyo taladiisa goyn jiray, laakiin nasiib-darro 24-kii saac ee u dambeeyey maalinta codeynta xiriirkii aniga iyo gudoomiyaha naga dhexeeyey wuu go’ay, Xitaa Telefoonkiisa waan garaacay wuu qaban qaayey, fariimo badan ayaan u diray, habeeniamdii xillli dambe gurigiis ugu tagay ma jooga la igu yidhi, aroortii uu shirku dhacayey waxaanku idhi doorashaddii baan galaynaa, waxaan u sheegay in doorashaddu cadaalad noqoto, waayo markii gudoomiyuhu kootadda ku xidhay musharaxnimadisia waan kari karayey inaan ana ku xidho kooto kursigayga, laakiinse waxaan door biday inaan ku tartamo kursiga madaxweyne ku xigeenka ee aan ku socdo inta aan odhan lahaa hebel iga reeba aan ku dhiiraddo inaan tartamo, aan helo ama aan waayo, waxaan shubay konton kun oo doolar oo musharaxiinta ku xigeenka laga qaadayo oo aan celis lahayn”.

Guddoomiye ku xigeenku wuxu sheegay in tiradda rasmiga ah ee golaha dhexe uu ahaa 451 xubnood, balse laga dhigay dabo furan oo laga dhigay sideed boqol oo xubnood, waxaanu gudoomiye Cirro ku eedeeyey inuu golaha dhexe kaadhadhkii shirka siinayey ciddii ku xigeenka ka soo horjeedda, isla markaana dibadda joogeen taageerayaashii Axmed Mumin Seed.

"Waxaa la bixinayay kaarar cusub oo loogu tallogala in la siiyo dad aniga iga soo horjedda, taas waxa ka sii daran in kursigi aan xaqa u lahaa ee ahaa inaan dhinaca midig ka fadhiisto gudoomiyaha uu fadhiistay booskaygii musharaxii kale ee ila tartamayey, dareen baa I galaly laakiin waxaan go’aansaday inay Somaliland oo dhan marag igu noqoto oo aanu badheedhay inaan hawshayda sii wato, waxa xeer hoosaadka xisbiga ku qornaa in marka gudoomiyaha la yeedhiyo ee loo codeeyo in ku xigeenka la yeedhiyo oo loo codeeyo, sidaas lama yeelin ee musharaxii kale ayaa la yeedhiyey oo la iga horaysiiyey”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADANi Seed ayaa sheegay inuu dacwad geyn doonno maxkamadda, isla markaana aanu ku Qanacsanayn inay Doorashadaasi si Cadaalad ah ku dhacday,isagoo yiri. "Waxaana hay’adaha sharciga iyo maxkamadda geyn doona dacwad ka dhan ah shirkaasi lagu maroorsaday taladdii xisbiga, waxaana la geyn doonaa xubnihii golaha dhexe ee xisbigaasi intii uu ahaa, waxaan u mahad celinayaa shacabka Somaliland ee iskay garab taagay oo ay marag ka yihiin dadaalkii aan galiyey xisbiga iyo cadaalad daraddii xisbiga ka dhex dhacday, dacwadaasi maxkamadda ayaan geyn doonaa sidaas kaga hadhi maayo”.

Ugu dambeyntii, Garabkan toosinta iyo Cadaaladda Xisbiga WADANI ee Hargeysa looga dhawaaqay, Waxaa Goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga iyo masuuliyiin kale oo ka soo cadhooday shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADANI.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip