Ciidamada AMISOM oo Muddo 9 bilood Kadib ka Helay Ururka Midowga Yurub Mushaaraadkooda

0
Monday October 24, 2016 - 22:10:26 in Wararka by
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo Muddo 9 bilood Kadib ka Helay Ururka Midowga Yurub Mushaaraadkooda

    Hawlgalka Midawga Afrika ee AMISOM ayaa ka helay Ururka Midawga Yurub lacag gaaraysa 200 milion oo dollor oo ah gunooyinkii ciidamada iyo shaqaalaha kale ee AMISOM 9 bilood aynu soo dhaafnay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgalka Midawga Afrika ee AMISOM ayaa ka helay Ururka Midawga Yurub lacag gaaraysa 200 milion oo dollor oo ah gunooyinkii ciidamada iyo shaqaalaha kale ee AMISOM 9 bilood aynu soo dhaafnay.

Ururka Midawga Yurub ayaa isku raacay in lacag gaaraysa Sh20 billion oo shilinka dalkaasi Kenya ah oo u dhiganta 200M oo dollar la siiyo hawgalka midawga Afrika taasi oo ah mushaaraadka ciidamada AMISOM ee Somaliya jooga balse dib u dhac ku yimid kadib hadda loo oggolaaday in ay helaan.

Heshiiskaan lacagta loogu oggolaaday ciidamada midowga Africa ee ka howlgala Somaliya ayaa dhacay maalintii Khamiistii ee aynu soo dhaafnay, waxana uruka midawga yurub ay si rasmi ah u saxiixeen in lacagtaas lasiiyo Hawgalka Midawga Africa ee Somaliya.

Lacagtaan ayaa waxaa ay ka dhigantahay mushaaraadka Ciidamada AMISOM ee Somaliya ka hawlgala oo aan wax mushaarad ah qaadan 9-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Jimcihii ayaa AMISOM waxaa ay sheegtay in lacagtaas ay ku bixin doonto mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee hawgalka AMISOM u shaqeeya.

Heshiiskaan ayaa waxaa saxiixay diblomaasi u dhashay dalka Algeria oo lagu magacaabo Smail Chergui ismarkaana ah gudoomiyaha golaha amaanka iyo nabada ee Midowga Africa iyo Stefano Manservisi oo ah agaasimaha guud ee iskaashiga caalami ah iyo hormarka ee Midawga Yurub.

xigasho:-simbanews.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip