Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo baaq u diray maamulada Puntland iyo Galmudug

0
Monday October 24, 2016 - 21:49:14 in Wararka by
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo baaq u diray maamulada Puntland iyo Galmudug

    Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku baaqay in si shuruud la'aan loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku baaqay in si shuruud la'aan loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo.

Mr Cali Guudlaawey ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in si nabad ku xaliyaan dagaalka, isla markaana aan loo hor-seedin bulshada walaalaha bur bur iyo barakac.

"Waxaa ku baaqayaa in dagaalka la joojiyo, dad hal deegaan ku wada nool oo wiil iyo abtigii ah inay is dagaalaan wax wanaagsan ma ahan, waxaa ugu baaqayaa Maamulada Galmudug iyo Puntland inay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka”ayuu yiri Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in dadka ku wada nool Gaalkacyo ay yihiin dad walaalo ah oo aan kala tageyn, isla markaana aanay habooneyn in lagu dul dagaalamo.

"Deegaan dad looga kiciyay oo dad kale degay lama arag, dadka waa walaalo, waana isla jirayaan waligood meel lagu kala tagi maayo, waxaa codsaneynaa in dagaalka la joojiyo”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

Baaqyo is-daba joog ah ayaa loo jeedinayay maamulada Puntland iyo galmudug dagaalka ku dhex maraya magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay ku barakaceen illaa 50 kun oo ruux.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip