NUSOJ oo ku baaqday in dhex dhexaad laga noqdo dagaalka Gaalkacyo..

0
Monday October 24, 2016 - 19:39:08 in Wararka by
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NUSOJ oo ku baaqday in dhex dhexaad laga noqdo dagaalka Gaalkacyo..

    Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay warbaahinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan Warar iyo sidoo kale doodaha abuurikara in ay sii socoto colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay warbaahinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan Warar iyo sidoo kale doodaha abuurikara in ay sii socoto colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka.

Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu oo war qoran kasoo saaray xafiiskiisa ayaa ugu baaqay warbaahinta Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwa ka howgalla gobolka Mudug in ay ka fogaadaan warar abuurikara in uu sii baaho dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka socda Gaalkacyo.

"Warbixinada iyo sidoo kale doodaha ku saabsan colaada Magaalada Gaalkacyo , waxa ay saameyn ku leeyihiin dadka shacab ah ee kunool Gaalkacyo , waxana suurta gal in ay sababaan in uu sii baaho dagaalka Gaalkacyo hadii aysan wariyeyaasha Gobolka Mudug uga hadlin si dhexdhaxaadnimo ah” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay NOSOJ

"Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed , waxa ay amaanayaan Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howgalla warbaahinta Gaalkacyo , kuwaa soo si mas’uuliyad ay ku dheehan tahay iskaga xilsaaray colaada Magaalada , waxaana ugu baaqaynaa warbaahinta in ay ilaaliyaan dhexdhaxaadnimada , qofkaste waxa uu maanta sameeyo taariikhda ayaa xusi doonta” Sidaasi waxa yiri xoghayaha ururka suxufiyiihinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Hadalka kasoo baxay ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya xilli Qaar ka mid ah Warbaahinta gobolka Mudug siyaabo kala duwan uga hadlayaan dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka socda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip