Mid ka mid ah Eedeysanayaasha Maraykanka ee qarxin lahaa Dhismo ay Somali deggan tahay oo maanta la soo maxkamadaynayo.

0
Monday October 24, 2016 - 11:07:50 in Wararka by
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah Eedeysanayaasha Maraykanka ee qarxin lahaa Dhismo ay Somali deggan tahay oo maanta la soo maxkamadaynayo.

    Mid ka mid ah saddexda Eedeysane oo lagu magacaabo Curtis Allen ayaa la filayaa inuu maanta ka soo hor muuqdo Maxkamadda Federalka ee magaalladda Wichita ee Gobalka Kansas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah saddexda Eedeysane oo lagu magacaabo Curtis Allen ayaa la filayaa inuu maanta ka soo hor muuqdo Maxkamadda Federalka ee magaalladda Wichita ee Gobalka Kansas. Eedeysane Curtis Allen iyo labada kale ayaa lagu eedeynayaa inay qorsheynayeen inay qarxiyaan Masjid iyo Dhismo ay ku nool yihiin 120 Qaxooti Somali ah oo ku yaalla Degmadda Garden City.

Dukumenti Maxkamadeed oo ka kooban 24 bog ayaa la baahiyey maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, taasi oo muujinaysa inay Waaxda Boliska Liberalka xireen Eedeysane Curtis Allen bishan October 11-dii, kadib, markii ay soo dacweysay gabar uu saaxiib la yahay.

Boliska waxay baareen goob ganacsi iyo guri uu lahaa Eedeysanahaasi, kana so oheleen waxyaabo laga samayn karo Qaraxyadda, dhowr qori, gasacyo iyo 13 sanduuq oo ka buuxaan Rasaas.

Dukumentiga Maxkamadda waxaa kaloo lagu xusay inay Saraakiisha Boliska Liberalka guriga Eedeysane Curtis Allen ka heleen Hal mitirik Tan oo Rasaas ah.

terror-suspectDhinaca kale, Labada Eedeysane ee ku wehlisay inay qarxiyaan Masjidka iyo Dhismaha ay dadka Soomaalida deggan yihiin pp lagu kala magacaabo Gavin Wright iyo Patrick Stein waxa uu mid kasta Jimcihii la soo dhaafay ka soo hor muuqday Maxkamadda Federalka ee magaalladda Wichita ee Gobalka Kansas.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay muteysan doonaan Xabsi Daa’im, isla markaana ay khatar ku yihiin Bulshadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip