Faroole "Xasan Sheekh hadii uusan imaan Gaalkacyo tuhumada jira waxbaa ka jira"

0
Monday October 24, 2016 - 11:00:02 in Wararka by
  • Visits: 478
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faroole "Xasan Sheekh hadii uusan imaan Gaalkacyo tuhumada jira waxbaa ka jira"

    Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) iminkana ah Xubin ka tirsan Aqalka Sare ee dalka, ayaa wuxuu sheegay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud in laga doonaayo inuu tago Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) iminkana ah Xubin ka tirsan Aqalka Sare ee dalka, ayaa wuxuu sheegay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud in laga doonaayo inuu tago Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Gaalkacyo waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland, iyadoo dagaaladaasi ay saameyn ku yeesheen guud ahaan Magaalada Gaalkacyo iyo dadka shacabka ah ee ku nool Magaaladaasi.

Faroole, wuxuu sheegay dagaalka Gaalkacyo inuu yahay mid u baahan xal weyn, islamarkaana Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uusan kaligiis xalin karin colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

"Ra’iisul Wasaaraha kaligiis waxba ma xalin karo dagaalka Gaalkacyo waxaa loo baahan yahay Madaxweynaha inuu yimaado tuhuno badan baa jira waxyaabaha la isla dhexmaraayo ee tuhunada siyaasadeed ah ee jira si ay meesha uga baxaan.” Ayuu yiri Faroole.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa sidoo kale sheegay hadii uu Madaxweynaha Somaliya tagi waayo Magaalada Gaalkacyo, taasi macnaheeda inay tahay tuhunada jira inay wax un ka jiraan.

Puntland ayaa dhowr mar ku eedeysay in Dowladda Federalka Somaliya ay ku lug leedahay dagaalada ka holcaayo Magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug Iyo Puntland, inkastoo Dowladda Somaliya ay beenisay arintaasi.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip